Badhan (WDN)- Wararka ka imanaya magaalada Badhan ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Xil Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu ka shaqeynayo qorshe ay wado Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in maamul loo wada sameeyo Khaatumo iyo Maakhir. Taasi oo ujeedada ugu weyn ee ka dambaysa lagu sheegay sidii xildhibaannada Sool iyo Sanaag looga soo xuli lahaa Laascaanood ama Badhan. Tuhunkaa waxaa sii xoojinaya hadalka uu Hogaamiyaha Khaatumo Md Candiqaadir Axmed Aw Cali uu ka sheegay Laascaanood xafladii 26kii Juun “Sanaag oo isku dhan ayaa lagu dhammaystirayaa SSC-Khaatumo, iyada oo aynu qabanayno Julaay shirweyne ay nagu hogaaminayso DFS ka dibna doorashadii guud ayaan qabanaynaa, ciddii hogaaminaysa ha soo dhawaato.”
Xil Cabdirashiid ayaa dhawaan dhaliil ba’an u u jeediyay Madaxweyanaha Puntland Md Siciid Cabdullahi Deni, isaga oo sheegay “Hogaamiyaha Puntland haddii uu bulshada Puntland isku hayn waayo Hogaammada dhaqanka iyo saamilayda siyaasaddana la talo gelin waayo, taladiisuna ku ururto laysu joojin maayo. Ha ogaado laysu joojin maayo, waxay dhali doontaa, laysu joojin maayo.” Waxa uu xildhibaanku qoraalkiisan oo uu ku baahiyay bartiisa X ku soo xidhay “Allow ma taliyay.”
Gobolka Sanaag ayaa wajahaya khalkhal siyaasadeed, iyada oo ay hore u jireen sheegashada Soomaalilaan iyo midda Puntland oo ka dhigaysay dhul lagu muransan yahay, ayna uga baaqdeen mashaariic badan oo adduunku ugu deeqay dawladda Soomaaliya, ayna qoondadii gobolku ku lumi jirtay is qabqabsiga labada maamul. Inkastoo la rajaynayay in gobolku ka bixi doono is qabqabsigan ka dib qabsoomiddii doorashadii qof iyo codka ahayd ee Puntland.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Baaralamaanka Punland ee hadda Md. Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa dhawaan isna gaadhay magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan, waxa uu halkaa ka sheegay in ay jirayaan dadyow ka imanaya Xamar oo sheeganaya in ay ciidamo qoranayaan ayna khalkhal ku furayaan deegaanka, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan. Hadalka Gudoomiye Candirsiaaqa oo ku soo aadaya imaanshiyaha gudoomiyihii isaga ka horreeyay ee Xil. Cabdirashiid. Sidoo kale, waxa uu gudoomiyuhu xusay in ay dawladda Puntland u soo jeesanayso xoraynta buuraha Calmadow ee ay ku jiraan Al Shabaab iyada oo aanay deganayn xaaladda siyaasadeed ee gobolku.
Horaantii furitaanka kala fadhiga baarlamaanka Puntland, waxaa socday guux lagu doonayay in xasaanadda lagaga xayuubiyo Xildhibaan Cabdirashiid oo ay siyaasiyiin dhawr ah ku eedaynayeen in uu ku kacay ficillo dastuur jabin ah, waxaase furitaankii ka dib soo baxayay in guddoonka baarlamaanku ku adkaaday ku dhicista xasaanad ka xayuubintan.
WardheerNews
