Iska-horimaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Dhahar

Iska-horimaad Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Dhahar

Dhahar (WDN)- Iska horimaad  sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ku dhex maray magaalada Dhahar laba ciidan oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Maakhir.

Ciidanka Puntland  oo isugu jira PMPF iyo Ciidan Turubataariyo ah ayaa doonayay in ay magaalada Dhahar galaan, waxa ayna isku aadiyeen saldhigga ciidanka Maakhir oo uu haysto taliye Jaamac Ok. Halkaasi oo ciidanka Maakhirna iska hortaageen in ay magaalada galaan, taasi oo keentay isku dhac labada ciidan ah. Labada ciidan ayaa la sheegayaa in ay dhamaan ka soo jeedaan Sanaag iyo Haylan.

Wararka ayaa sheeegaya in 7 qof ku dhinteen dagaalka, oo kala ah 5 dhanka Puntlnad ah iyo 2 dhanka Maakhir ah, halka dhaawacu yahay 9 qof. Iyada oo laga qabsaday 1 gaadhi ciidanka Puntland.

Dagaalku waxa uu ahaa mid laga baaqsan karay, haddii ciidanka Puntland ay ka soo gali lahaayeen Dhahar dhinac aan ahayn dhanka Saldhigga u ahayd ciidanka Maakh ee Jaamac Ok.

Dhinac kale Wasiiradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa soo kala saaray war-saxafeedeed midba midka kale ku eedaynayo in uu ka dambeeyo isku dhaca ciidmada ee magaalada Dhahar.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Cabdinuur Faarax Juxa ayaa sheegay “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dowladda Federaalka oo hurinaysa colaad, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan ka dhex abuuraysa Puntland, iyadoo adeegsanaysa deeqihii beesha caalamka. Tani waa fal dhabar-jabin ku ah dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada.”

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalynta ee DFS ayaa ku eedeeysay iska horimaadka magaalada Dhahar  Puntland“ Wasaaradu waxay ugu baaqaysaa madaxweynah Puntlnad in uu joojiyo falalka sii hurinaya colaadda islamarkaana uu dib u celiyo ciidamada  uu ka soo diray degmada Qardho kuwaas oo loogu talo galay in ay khawaarijta la dagaaalamaan balse nasii daro loo weeciyay dano kale”

Illaa iyo hadda ma jiro wax qorshe waanwaan la dhex dhigay labada ciidan, iyada oo  wararka qaar  sheegayaan in abaabul ciidan ka socda Qardho.

WardheerNews