Safarka Amb. Gamaal Maxamed Xasan iyo Dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Safarka Amb. Gamaal Maxamed Xasan iyo Dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood (WDN) – Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo haddana ah Madaxa Xarunta La Qabsiga Isbadalka Cimilada ee IGAD, Danjire Gamaal Maxammed Xasan. Safarkiisu waxa uu ku soo aadayaa xilli la hadal hayo in uu isu sharixi doono jagada madaxweynaha maamulka Khaatumo –Maakhir ee dhammasytirkiisa ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo magaaldaa Laascaanood.

Danjire Gamaal oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Maakhir ee taageersan midowga SSC-Khaatumo iyo Maakhir, markii  uu Laascaanood ka soo degay maanta waxa uu ka hadley dagaalkii 15-kii bishan ka dhacay magaalada Dhahar isaga oo sheegay in maamulka cusubi uu gaari doono gacanka-cadmeed.

“Waad maqasheen maalmahan waxaa soo baxayay waraaqo iyo shirar la lee yahay, maxay u shirayaan? Maxay isugu tashanayaan? Dadbaa la weeraray, waxaa ugu danbaysay Dhahar oo dadbaa ku dhintay, waana u tacsiyaynayaa. Waxaa aad arkaysaan waa jahwareer iyo khalkhal ku dhacay dadkii dhulkan sheegan jiray, waxaad ogaataan jawaabta ugu mudan ee ugu wanaagsan ee laga bixin karo waxyaabahaa oo dhan, waa in hawlahan [shirka dhammaystirka SSC-Khaatumo] aan ka miro dhalinaa oo maamul samaynaa, si aan mar danbe qof waraaq meel kale ka soo qoray dadkan iyo deegaankan u sheegan.” ayuu yidhi Danjire Gamaal.

Danjire Gamaal ayaa horey 6-dii Julaay sannadkan bartiisa Facebook ku baahiyay qoraal uu kaga hadlayo aragtidiisa ku aadan dhismaha midowga labadaa gobol, isaga oo yidhi, “Gobolka Sanaag sannado badan wuxuu ku jiray muran siyaasadeed oo ay maamulo isku haystaan — waana tan sababtay horumar la’aanta ka jirta gobolka marka laga eego dhanka arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Maanta waxaa la haystaa fursad dahabi ah oo lagaga bixi karo marxaladdaa adag ee gobolku ku jiro, laguna dhisi karo maamul dadku leeyihiin, midnimadda dalkana sii xoojinaya.”

Qoraalkan oo uu Gamaal ugu digayay Puntland kuna taageerayay shirkii carqaladda galay ee uu hormuudka u ahaa Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid, ayuu  hadalkiisa ku daray, “Shir nabadeed lama hor istaagi karo. Cid kasta oo isku dayda inay shirka carqaladeyso ama xoog ku baajiso, iyadaa mas’uul ka noqon doonta cawaaqibka ka dhasha. … Shacabka reer Sanaag xaq bay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, si nabad ahna isugu yimaadaan.”

Danjire Gamaal wali ma uusan caddayn in uu u sharaxan yahay jagada Madaxweynaha ee maamulka lagu dhammaystirayo Laascaanood. Warar hoose ayaase sheegaya in uu is-sharixi doono marka ay soo dhammaato wadahadalka iyo maamul dhiska ergooyinka ka kala yimi gobollada Khaatumo iyo Maakhir. Waxa uuna saxaafadda u sheegay in wixii faahfaahin ah ee safarkiisa ku aadan uu gadaal ka sheegi doono, magaalada Laascaanoodna ku sugnaandoodno ayaamaha soo aadan.

Danjire Gamaal oo xilligii Nabad iyo Nolol ahaa wasiir iyo xildhibaan ayay dhawr jeer isku dheceen dawladda Puntland oo is hortaagtay in uu mar kale Xildhibaan noqdo.

Dhamaystirka maamulka Khaatumo- Maakhir ayaa noqonaya arin si weyn wax uga badali doonta jaangeynta arimaha siyaasadda ee waqooyiga iyo guud ahaan Soomaaliya.

WardheerNews