Laascaanod (WDN)- Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si rasmi ah uga furmay shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, xilli ay jiraan xiisad siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo shirkaasi.
Shirkan oo markii hore lagu waday inuu furmo 10-ka bishan July balse dib u dhac uu ku yimid dhowr jeer, ayaa waxaa isugu yimid wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo Ergooyin ka kala socday SSC-Khaatumo iyo Sanaag. Hadafka shirka ayaa la sheegay in uu yahay in la adkeeyo qaab-dhismeedka maamulka iyo aasaaska dastuuriga ah ee maamul-goboleedka cusub ee deegaanada Sool iyo Sanaag.
Furitaankii shirka ayaa waxaa hadheeyay khilaafyo xooggan oo ku saabsan matalaadda, gaar ahaan ka qaybgalka ergooyinka ka imaanaya Sanaag. Madax dhaqameedka Sanaag, Sool iyo Cayn ayaa si weyn uga soo horjeestay faragelin siyaasaddeed oo ay ku tilmaameen mid ay Villa Somalia iyo madaxda SSC-Khaatumo ku hayaan arrimaha shacbiga reer Sanaag iyo Haylaan.
Suldaanka guud ee beelaha Warsangeli iyo Harti Koombe, Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo Garaadka SSC-Khaatumo Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa si cad u cambaareeyey shirkaas, waxayna ku eedeeyeen qabanqaabiyeyaasha inay isku dayeen in ay afduubtaan masiirka deegeenada Sanaag iyo Haylaan. “Masiirka Sool, Sanaag, iyo Cayn lama go’aamin karo haddii aan lagala tashan dadka deegaanka,” ayay ka digeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa bogaadiyay shirka “Bulshada SSC-Khaatumo waxay sameeyeen tallaabo geesinimo leh oo ay ku doonayaan inay ku dhistaan maamul goboleed rasmi ah oo ku qotoma sharciyad dastuuri ah, dowladda federaalku waxay si buuxda u taageersan tahay dadaalladaas”.
Iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sanaag ay soo dahweynayaa in wax lala wada dhisto – maamulka SSC-Khaatumo, ayaa waxay ka digeen in qorshe iyo tallo aan la isku raacin oo loo dhan yahay aanay hadda jirin. Iyagoo ka digay in geeddi-socodka shirka Laascaanood uu halis gelinayo dhinacyada islamrkaana uu wiiqayo midnimada muddada fog ee gobollada Sool iyo Sanaag.
Guusha shirku kuma xidhna oo keliya ku dhawaaqida maamul siyaasaddeed, ee waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo is-afgarad lagu dhisto maamul taabo gal noqda oo si qoto dheer looga heshiiyay.
WardheerNews
