Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 74
Post

Jigjiga: Taalada Sayid Maxamed Cabdille Xasan waa Qalbi Karbaash

W.Q. Bashiir Yuusuf –       Hadaan waayey Calan la ii nashiro tan iyo Nairobi, –       Miyaan waayey Nuurkii Alliyo Nabigga Jaahiisa: Sayid Maxamed Hammiga Sayid Maxamed Cabdille Xasan habeena kuma soo aroorin, in goob ka mid ah dhulkii uu ku taami jiray sidii uu calan guudka ugu saari lahaa kula masoobi doono Menelik II-Sahle Maryam- Boqorkii...

Post

Eeddo ninka inanta iga guursaday waa noocaas maaska ah!

Dadku waxay kala leeyihiin midabbo, muuqaallo, mabaadi’ iyo mawaaqif lagu kala sooco. Nin walbana waxaa la gartaa waxa uu xambaarsan yahay ee ah diin, dhaqan, afkaar iwm, halkaas ayaana loogu soo hagaagaa. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxaa jira dad aan lahayn midab iyo dhadhan loogu soo hagaago midna ee maalin walba xidha shaatiga...

HURGUMO: Maanso
Post

HURGUMO: Maanso

Hal-abuur:Xasan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde) Maansadaan gaaban ee aan ugu wanqalay HURGUMO waxay qisadeedu ka hadlaysaa Masuul lagu hanwaynaa oo lagu haminayay inuu  wax wayn keeni doono, is baddal samayn doono oo xaalkiisu noqday “la mood noqonse wayday”. Qaybta hore waxay ka hadlaysaa sidii markii hore qofkaa loo malaynayay iyo sida  dhacday. Maadaama masuuliyaddu tahay xil...

Post

Taxanaha Aadan Makina: Geeridii Moogaay Kalarogan (Sheeko Gaaban)

W/Q Aadan Makiina “War hooy, guriga ha isku immaan, maanta laga bilaabo aniga iyo adiga waxaan kala nahay sabareed (separate)”, ayey Moogaay ku tidhi ninkeeda Mooge oo markaasi ay ku wadahadlayeen teleefon. “Oo maxaa dhacay”?, ayuu weydiiyay asagoo caro ay wejigiisa ka muuqato. “Waxay maanta iisoo ogolaatay qoladii caydhu $800 oo ‘food stamp’ ah iyo...

AAN YARA DALXIISNO
Post

AAN YARA DALXIISNO

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Safar.. safar.. safar.. safar.. Qofka noloshiisu waa safar aan kala go’ lahayn. Safar malyuun weji leh, ayaa bani’aadmigu maalin walba galaa, oo kala kaan ah, kala maan ah, kala midab ah, kala dhadhan ah, kala waayo ah, kala door roon oo dareemmo kala duwan qofka ku beera.  Safarro aan isku socdaal...

Post

XUSUUSQOR:JENERAAL GIAP IYO MAANSADA GALANGAL

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Nimanyahow ma guurtada xuska leh, geliyey diiwaanka Biyaanfuu gulcubihii dhaciyo, galalki dhiigoobey Faransiiska wiishkii la go’ay, saw la garan mayo! Maantana geddii baa dhacdiyo, tii gefkii hore’e Baariis dabkii lagu gubaa, Waashindoon galaye Galoof ololka way leeyihiin, qab iyo guul guule Marka runi runteed geydo way , gamashi dhiiqaane Haddii laysku...

Post

Gadood (Sheeko Gaaban)

W.Q. Cabdullaahi Janno Odaygii inta haahaabtay kafantiisa, ayuu dhankii xaaskiisa u soo tukubay. Waa indhoole. “Us adi catarkii ma i siisidoo?” ayuu yiri Odaygii. “Anoon carfeynin inaan dhinto ma jecli.” “Xaaji Muuddeey dhimasho maxaa ugu rooree?” ayay tiri ay Batuulo, “dhimasho iyadaaba ku ceyrsaheesee.” “Us ani dhimasho ma ku rooraayi,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey, “ee...

DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Q. 4aad)
Post

DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Q. 4aad)

CUTUBKA 4aad Dhallinyaranimadii iyo Caraabiya (1914 – 1918) Markii aan Mukalla imid, ayaan neefkaygii ku iibiyay laba qarshi. Rubiyad waxaan isaga baxshay nooligii, midna waxaan ku biirshay qaaraan la isaga ururinayay neef intii la soo socday doonta ku bakhtiyay. Rubiyad kale waxaan kala baxay maro xardhan, laba yaardi ah oo aan hooyaday u sii dhiibay....