Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Q. 4aad)

CUTUBKA 4aad

Dhallinyaranimadii iyo Caraabiya (1914 – 1918)

Markii aan Mukalla imid, ayaan neefkaygii ku iibiyay laba qarshi. Rubiyad waxaan isaga baxshay nooligii, midna waxaan ku biirshay qaaraan la isaga ururinayay neef intii la soo socday doonta ku bakhtiyay. Rubiyad kale waxaan kala baxay maro xardhan, laba yaardi ah oo aan hooyaday u sii dhiibay. Waxa aan isna u cid diray walaakay oo u faray in uu neef kale oo arigaygii ka mid ah hooyaday siiyo si ay Laas Qoray ula tagto, taa se ma uu yeelin. Lacagtii intii ka hartay Mukalla ayaan beryo isaga dhacshay. Dabadeed waxaan isku debberi jiray shaqooyin yaryar, sida xammaaliga dhagaxa, qoryaha, iwm.

Marka timirtu bislaato waxa aan Soomali badan u raaci jiray Dzool, meel ku taal waadiga Xajar ee timirtu aadka uga baxdo. Dhammaan Soomaalida caydha ah ee degmadu halkaa ayay sanadkii mar u qaraab tagaan si ay u soo urursadaan miraha timirta ee daata. Timirtaa ayay sii iibshaan ama isla meeshaba uga beddeshaan alaabo kale, maadaama ay meesha joogaan dad keena qaxwe, kalluun, bariis iyo shaah. Haddii aan iraahdo timirta qubata kaliya ayaannu urursan jirnay daacad uma warramin [xirfado aan la mahadin oo kale ayaa jiray!]. Waxa aannu ku dhaqaaqi jirnay marka ugu horraysa ee aan Dzool tagnaa, waxa ay ahayd dhisidda buulal yaryar oo caleenta timirta ka dhisan oo midkiiba aannu dhowr ku galno. Wax yar dabadeed ayaa qandho i soo ridatay oo aan beryo badan buulkaygii kuududay. Intii aan Dzool joogay waxaa wax lala yaabo igu ahayd in aan la kulmo Cabdiraxmaan, ina hooyahaygii iga yaraa. Waxa uu la socday safarlay Carab ah oo Mayfaca [Wadi Meifa’a] uu shaqaale ka ahaa ka timid. I raac aniga ayaan ku iri laakiin waa uu booyay, markaa ayaan iska daayay. Timirtaydii Dzool markii qiime aad u hoseeya la ii dhaafi waayay ayaan ku rartay safarlay badawi ah oo Mukalla u socota inta lacag siiyay, halkaa oo aan doonayay in aan dukaanlayda tafaariiq uga iibsho.

Mukalla waxa aannu ku soo wada noqonnay saaxiib cusub oo aan Dzool isku soo barannay. Reer Xaaji ayuu isna ahaa. Labadayadii iyo dhowr kale ayaan guri ku wada kiraysannay. Hase ahaatee, aniga iyo saaxiibkay isla markiiba waxaan la soo dhacnay xummaddii. Cid isku kaaya hawshay ma jirin, marka laga reebo islaan aan waxba haysan oo iyana reer Xaaji ahayd. Iyada iyo laba wiil oo ay dhashay ayaa guriga wax ka deggenaa. Sidii hooyadayo oo kale ayay noo dhaqaalaysay oo wixii cunno ay soo heshaba noo keeni jirtay. Nasiib darro, saaxiibkay wax yar ka dib ayuu xijaabtay, aniguna xaalad naf-ka-dhawr ah ayaan gaaray oo aanay cidina is lahayn waa uu ka kacayaa. Markii aan bogsaday timirtaydii oo dhan waxba laga ma arag. Sida Soomaalidayda kale ayaan doonay wax aan ku noolaado, markii aan wax shaqo ah waayayna waxay iga gayn wayday in xeelado aan wanaagsanayn aan wax ku raadsho. Da’da aan joogay darteed ayaan xatooyo kaga xishooday.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Dalmar (Q 4aad)

Tarjumaddii/ tifatirkii: Boodhari Warsame
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.