Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Gadood (Sheeko Gaaban)

W.Q. Cabdullaahi Janno

Odaygii inta haahaabtay kafantiisa, ayuu dhankii xaaskiisa u soo tukubay. Waa indhoole. “Us adi catarkii ma i siisidoo?” ayuu yiri Odaygii. “Anoon carfeynin inaan dhinto ma

jecli.”

“Xaaji Muuddeey dhimasho maxaa ugu rooree?” ayay tiri ay Batuulo, “dhimasho iyadaaba ku ceyrsaheesee.”

“Us ani dhimasho ma ku rooraayi,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey, “ee halkoo su’aal aan ka roorooyaa.”

“Su’aal see camalkeed ah?” ayay tiri Ay Batuulo, “bisinkow.”

“Baarriga Weyn hadduus aakhiro i weydiiyo maxaad uga aamustay dulmiga al-Shabaab,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey, “ani ma kasaayi waxaan ugu jawaabo. Kac hee Ay Batuulooy ii jerriba catarka.”

Ay Batuulo inta gacmaha cuskatay, oo kor u hinqatay, ayay gudaha u gashay qolkii jiifka. Waxay laacday catar saarnaa armaajo dushiisa. Iyada iyo Xaaji Muuddeey waxay is qabeen konton sano. Hal wiil iyo afar gabdhood ayay isu dhaleen. Hayeeshee wiilkii waxaa dil ku xukumay al-Shabaab. Waxaana eed looga dhigay inuu ahaa jaajuus. Dheg jalaq looma siinin markii uu wiilku beeniyay eedeyntii dusha laga saaray—waana la dedejiyay dilkiisa.

“Ani yaa weheshanaahee?” ayay cod dabacsan ku tiri Ay Batuulo, “oo cawadii la sheekeesahaa?”

“Lamadii is jeclaato,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey oo ka baxaya baraakadii uu ku noolaa, “ruuxdoodaa is weheshahee. Qabriga ha kala gelaano, qurbo ha kala aadeeno—arwaaxdood aa riyo ku kulmeeso. Xaaji Muuddeey iyo Ay Batuuladiisna arwaaxdooda is weheshanaa dhimasho bacdigeed. Abshir dheh!”

“Baarriga Weyn ha kuu gargaaro an waa kuu cabsahaayee,” ayay tiri Ay Batuulo, “shabaabka qabiidyaal waaye.”

“Ay Batuulo,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey, “waxba ha cabsahin. Wax kasta haddiis dhacaan ha soo bixin. Mininkaaga joog.”

Ay Batuulo illin ayaa ka soo daadatay.

Halkan ka akhri sheekada oo dhan: Gadood

W. Q. Cabdullaahi Janno
Email: [email protected]
facebook.com/Qalinmaal


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.