Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Taxanaha Aadan Makina: Geeridii Moogaay Kalarogan (Sheeko Gaaban)

W/Q Aadan Makiina

“War hooy, guriga ha isku immaan, maanta laga bilaabo aniga iyo adiga waxaan kala nahay sabareed (separate)”, ayey Moogaay ku tidhi ninkeeda Mooge oo markaasi ay ku wadahadlayeen teleefon. “Oo maxaa dhacay”?, ayuu weydiiyay asagoo caro ay wejigiisa ka muuqato.
“Waxay maanta iisoo ogolaatay qoladii caydhu $800 oo ‘food stamp’ ah iyo $700 oo caddaan ah”, ayey ugu jawaabtay ayadoo sii raacisay, “ninyahaw, aniga iyo labadeyda carruur waa ay nagu filantahay nololmaalmeedkayaga ee iska kaaya daa oo bannaanadaada iska meermeer”. Mooge wuxuu fahmay dulucda hadalka kasoo yeeray xaaskiisa oo ay isqabeen muddo toddobo sannadood. “Wallee hunguri baa qaaday naagta”, intuu cindiga ka yidhi, ayuu danihiisa iska qabsaday. “Wallee gowrac baad mudantahay”, ayuu haddana hoosta ka yidhi.

In muddo ah Mooge kama uusan soo agdhowaan guriggisi. Wuxuu ku mushquulay sidii uu ufuuli lahaa tagsi waayo wax kaloo uu qabto uma ayan muuqan. Shaqada tagsiga waxaa lagu yaqaan dhaadhac badan cid kaa dabaqaayliyeysana maba jiraan. Waa adiga iyo dadaalkaaga. Waa shaqo markaad doonto aad shaqeysan markaad nasasho ubaahatana aad iska dhigi gaariga. Maalintii oo dhan Mooge wuxuu saaxiibadiisa ay tagsiga islawadaan lacayaaraa shaxda iyo dubnadda. Meherad kale oo umuuqato ayuu waayey mar haddii looga digay inuu soo cagadhigto gurigiisa oonan loo ogoleyn in uuu soo arko labadiisi wiil.

Moogaay waxaa ubaxay mowjado cusub oo waxay laqabsatay rag iyo dumar ay isku aragti ka yihiin nolosha maanta. Intay aroortii ciyaalka baska iskoolka saarto umbey kudhacdaa gaarigii kala jiidnaa ee Mooge ugaday. Waxay maalinteeda kudhammeysataa damaashaad iyo waxa loo yaqaan ‘wareeg iyo waab tiris’.

Isla markiiba waxay baratay rag isugu jira Soomaali iyo ajaanib kuwaaso luuqadda casriga ahi loo yaqaan ‘boyfirend’. Moogaay nololi kama qasno oo waxay maalin walba soo xidhataa durucda ugu qaalisan ee loo yaqaan ‘iga-dhex-arag’.

Wax cunto ah gurigeeda lagama kariyo waayo carruurtu maalintii oo dhan way maqanyihiin oo waxaa laga quudiyaa goobta ay wax kubartaan ayaduna waxaa quutul yowm u ah cuntada degdegga ee loo yaqaan ‘take away’ ee laga kariyo maqaayadaha sida Mcdonald, Wendys, Burger King iwm.

Wax yar kabacdi Moogaay waxay lasoo baxday Badhi soo jiidasho badan taaso ninkii arkaba marnaba uusan kaweecaneyn. Nin alaale ninkii soo agmara ama wuu fooriyaa ama hoonka gaariga ayuu kadhawaajiyaa biib… biib… biib… sidii lagu yaqiin caasi waalideyntii Xamareey markay Xamar ahayd. Waxaa loo baxshay naanays ah kalarogan.

Labadii wiil ee labadan waalid ee kala lumay ay dhaleen waxay noqdeen kuwo faraha kabaxay waayo tarbiyaddoodii iyo barbaarintoodii ayaa lumay. Waxay laqabsadeen carruur aan ladaryeelin oo xaafadaha si ba’an looga yaqaan kuna caanbaxay dhaca, boobka, iyo shiidnimada. Waxay labadii wiil kutalaabsadeen inay habeenada qaarkood iska maqnaadaan oo dibadaha kusoo dhaxaan. Wax dugsi ama Qur’aan ah oo loo dhigo ayaaban jirin.

Mooge wuxuu kawarhelay murugta iyo musiibada kuhabsaday ubadkiisa. Intuu dib isugu noqday ayuu bilaabay inuu shukaansado Moogaay sifa bal mar un uu ugu soo laabto gurigiisii oo carruurtiisa bal soo bidhaansado xaaladda ay kusuganyihiin. Moogaay inkasoo markii hore ay kibirsanayd goor dambe ayey soo jilicday ayadoo markani hamiyeysay inay ninkeedii hanato oo sidan isu dhaanto waayo eheladeeda iyo Soomaalidii deriska la ahayd ayaa canaan dusha uga tuuray kuna eedeysay in ayada ay usabab ahayd kala geynta qoyskooda.

Noloshooda waxay noqotay mid rogaalcelis ah inkastoo weli labadani isqabay ayan is haleelin laakiin waxaa sii batay wadahadalkoodi kaaso inta badan kusaleysnaa wadaxaajood xagga telefoonka ah. Mooge wuxuu go’aansaday inaanan mar dambe dabin loo qoolin ama aan ladagin.

Moogaay waxay iska deysay socodkii maalayacniga ahaa intii eheladeeda iyo saaxiibadeeda ay udigeen kadib. Waxaad moodaa in wax yar oo miyir ah kusoo noqday. Laakiin waxaa jiray wax ay qarsaneysay. Waa ceeb weligeed aysan kadawoobeyn. Waxaa lagu xamanaye in ay caloosha kusiday ilmo Mooge uusan kadhalin waayo waxaa kasoo wareegay muddo shan sannadood markay kala tageen.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu Mooge fursad uhelay inuu soo booqdo gurigiisii uu xilliyo badan mooganaa. Waxay ahayd xilli aroor ah oo ilmaha isu diyaarinayeen iskoolkooda. Labadii carruur way labisnaayeen waxaa un keliya lasugaayey baskii iskoolka uqaadi lahaa.

Mooge ayaa albaabkii soo garaacay. Hore ayuu Moogaay ugu sheegay inuu immaanayo xilli aroor ah intaysan carruurta iskoolka aadin. Waxaa albaabka kafuray Moogaay oo ay farxad kamuuqato. Sifa aan looga dareemin wax uur ah ayey soo xiratay maro weyn oo gembis ah. Mar allaale markuu Mooge guriga foodda soo saaray umbey dhunkasho kubilowday ayadoo ka ilaalineysa caloosheeda.

Moogaay waxay isla markiiba isku tuurtay jikada waayo waxay udiyaarineysay Mooge quraac aysan abidkeed karin. Waxaa maalintan wejigeeda kamuuqday farxad iyo reynreyn aan hore loogu arag. Waxaa usaarnaa heeso af Soomaali oo jaceyl ah heesahaasoo ay ladhageysan jirtay Mooge waayo waayo markuu jaceylkoodii gaagaxayey. Daryaanka kabanka iyo durbaanada cartamaya waxay ahaayeen heestii ay kuluuqeyneysay Sahra Ahmed Jaamac ee ahaa ‘jaceylkii nafteydow noolow, noolow gob baa tehee’.

Mooge isma lurin mana jixinjixin. Laakiin wuxuu tabanayey ayaa ahaa mid gooni ah. Intuu albaabkii jikada hore usoo dhaafay asagoo ammaanaya gacaalladiisa mar un afka afka usaaray. Wuxuu inyar dhuuqaba waxaa Moogaay qoorteeda kasoo butaacay dhiig karkaraya. Illeyn sii xeeladeysan ayuu gabadhu ugowracay. Intaa kumuusan deynine xididkii dhiiga tuuraye ayuu si ba’an afka ugu cantuugey oo dhiigeedii buu cabbay sidii biyaha. Hal mar bey dhul ugu dhacday sidii boor maroodiya oo laliicliicaya cudurka garabgooyaha loo yaqaan ee dabargooya raxanta. Wax ashahaada ah afkeeda lagama maqal halkii ayeyna kuqurbaxday.

Wiilkeedi weynaa ayaa markuu arkay dhiigga faraha badan ee hooyadiis kasoo butaacaya, isaga cararay gurigii asagoo aan dheg laqabto lahayn. Wuxuu ugalay reer madow ah oo ay deris ahaayeen wuxuuna usheegay in aabbihiis dilay hooyadiis.

Wiilkii yaraa wuxuu iskuxiray musqusha asagoo oohintiisa laga maqlaya dibedda. Qaddar kadib waxaa yimid booliskii oo albaabka guriga jebshay. Waxay gudaha ugu galeen Mooge oo gacanta kusita toorreey dhiig katiftifqaya bishimihiisana leh dhiig sidii labeenta caanaha. “Gacmaha kor utaag ayaa la amray”. Si deganaansho ay kujirto ayuu gacmaha kor utaagay markaasa katiinad dhab lagu siiyay. Saldhigii booliska ayaa loo dhaadhiciyay halkaaso uu xukunsuge kuyahay.

Labadii wiil waxay dawladda gacanta kasaartay qoys madow ah oo deris la ahaa. Waxaan sannad dhammeyn markey qoyskani lanoolaayeen, ayaa wiilkii yaraa cabasho ugudbiyay xafiiska uqaabilsan arrimaha carrurta. Waa laga wareejiyay carruurtii qoyskii madowga ahaa waxaana loo geeyay habaryartooda oo ilaa haatan korintooda haysa.

Hadal iyo dhammaantii, lacagtani caydha ah waxay kalageysay qoysas badano Soomaaliyeed. Dumarkii ayaa waxay iska dhaadhacsheen in sida keliya ee ay kuheli karaan xoriyaddoda ay tahay in ragooda ay iska fogeeyaan deetana daldalshaan lacagtani caydha ah ee cidina kaxigin.

Mooge waa ahlu naar waayo wuxuu qudha kajaray xaaskiisii iyo dhallaan ay caloosha kusiday, Moogaayna waxay khiyaantay ninkeedii xalaasha kuqabay ayadoo kadooratay nolol xaaraan ah, ubadkoodiina waxay kunoolyihiin murugo iyo ciil.

Adan Makina
WardheerNews
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.