DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Qaybta 5.2)

CUTUBKA 5aad Yurub (1918 -1928)

[…] Waa dambe, ayaa kaawooyinka dhuxusha laga qodo waxaa ka dhacay gadood shaqa-joojin ballaaran ahaa. Dhawr bilood ka dib ayay hudheelladii aan saarnayn na xammili waayeen oo kaydkoodii oo dhan dhammaaday. Sidaa awgeed, ayaa nin walbaa ku khasbanaaday in uu u hawlgalo sidii uu wax uu cuno u raadsan lahaa. Faarax Samakaab aniga waxa uu iga oggolaaday in aan gurigiisa sii seexdo, xilliyada la cuntaynayana maraakiibta ayaan u tegi jiray bal in dabbaakh ama kuuli midkood aan wax la soo dhadhamiyo.

Xilligaa waxaa meesha ka dillaacay duray xun, waxaana dhacday in dadkii isbitaalka tegay aan dib loo arag. Inteennii kale markaa waxaa naga dhaadhacday in dadka madowga ah isbitaalka lagu laynayo, si walba oo aan u xanuunsanaynna, waxaan mar walba sheegan jirnay in aan ka soo raynaynno si aan isbitaalkaa baas uga baxsanno. Cudurkaa ayaa sidii in badan oo saaxiibbaday ahaa igu dhacay oo aan tacbaan la noqday, hase ahaatee waa ka kacay.

Markii aan sagaal bilood shaqo la’aan, ahaa ayaa waxa aan helay markab aan Hamburg [Jarmal] u raacay oo la soo noqday.

Intii aan Cardiff joogay waxaan u badnaa masalle yar [masjid ama mawlac yar] oo Carab hudheel haystay uu ka sameeyay ardaaga dambe ee gurigiisa. Maalin ayaan masjidkii tegay, markaa ayaa waxaa ii muuqday nin cad oo cunno-kariyihii meesha af Faransiis kula hadlaya. Waxaa iga yaabiyay Faranjiga Carabta ku dhex jira, markaa ayaan la istaagay. Cunno-kariyihii ayaa wuxuu ii sheegay in ninku xiisaynayo in Diinta Islaamka uu wax ka ogaado. Markaa ayaan, in kasta oo aanan cilmi badan meesha ku hayn, ugu tabarucay in aan ka baro intii aan ka aqiin.

Qoraalka oo dhan hlkan ka akhri: DALMAR (Qaybta 5.2)

Tarjumistii/Tifatirkii: Boodhari Warsame

Email: bodhari.warsame@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.