Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 66
Wadahadallada Ciyaarta Ka Daaya!
Post

Wadahadallada Ciyaarta Ka Daaya!

By Maxamed Cabdullaahi “Xilliyada colaadaha, nabaddu waxay timaadaa marka dhinacyada colaaddu dhextaal uu dhibku wada gaaro oo xanuunka iyo xumaanta dagaalkana ay wada dareemaan, heshiisna waxaa uu yimaadaa marka dhinacyadu ay ka wada hadlaan waxa runta ah ee ay isku hayaan”. Xikmaddii Cilmi Diiriye, 1991. “Masaajidka ciyaarta ka daaya” Xikmaddii Fanaanad Maryan Mursal Yaa wadahadlaya?...

Post

FARRIINTA TORONTO IYO CAASIMADAYNTA HARGEYSA

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen “Nimaan dhul marini dhaayo ma leh” Sheekooyinka dal-mareenku curiyaan, xiisahooda wax u dhigmaa ma jiraan. U-safarka dal cusub, la-kulanka dad cusub, barashada dhulkooda, dhaqankooda, Hab-nololeedkooda, dareenkooda iyo dadnimadooda, anshaxa iyo adduun-araggooda, waxay kugu dhoweeyaan garashada adduunka aynu ku nool nahay sirtiisa aan salkeeda la gaari karayn. Degaankaagii, dalkaagii iyo qarankaagii aad beri beryaha...

Miraha Qaraamiga Qarnigan: Gogoldhig
Post

Miraha Qaraamiga Qarnigan: Gogoldhig

W/Q: Idiris M. Cali Xubin maanso ah oo habdhaceeda la garansan yahay ma hawl badna in tix laga sameeyo. Markii uu dhegaystay aleeggadka* “hablo kebdo samaysanaya,” tusaale ahaan, Sayid Maxamed waa kii curiyay tixda ku bilaabata meeriska, “Guulla Eebbahayoow, geel nimaan dhaqin, faciis gacanta haw galin[neey]” (Aw Jaamac, 1974, b.213).[1] Xuseen Dhiqle na waa kii...

DHEGA–CULUS ! GABAY
Post

DHEGA–CULUS ! GABAY

W.T.  Abwaan Maxamed M Cashare Ma garan, mana garaysto marka aan arko dhibaatooyin badan oo bini aadamku gacmihiisa ku samaysto oo ka dhacaya adduunka daafihiisa. Taa guud haddana waxaan illaawaa marka aan hoos u eego waxyaalo badan oo gurracan oo Soomaaliya gudaheeda ka dhaca maalin walba oo midiba mid ka daran tahay. Dhawaaq kasta oo...

Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida
Post

Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida

W.Q. Cabdullaahi Maxamed Cawsey Qof walba wuxuu ka dheregsanyahay dhibaatada lagala kulmay in dib loo dhiso dawladnimadii la burburiyay labaatan iyo dheeraad sano ka hor. Waa tiro dhaaf shirarka caalamiga ah ee loo qabtay Soomaalida si shaydaanka ay iskaga naaraan, ka dibna ugu heeshiiyaan siyaasadda dalka. Dhammaan shirarkii caalamiga ahaa way wada fashilmeen marka laga...

Jannoy Soomaalidii Ku Nace (Maanso)
Post

Jannoy Soomaalidii Ku Nace (Maanso)

W/T  Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan Nin baa laga sheegay “Soomaalidii noloshii ku saaqide.” Waa runtii, oo sida ay maanta tahay garashadii waa ka sabool, samaanna, malaha saarkooduba diid. Ku dalkii jooga iyo dibedyaal ha u kala reebin. Ku darsoo ismaba oga! Shidanaaba, shidan. Kaba sii darane, waabay isla toosan yihiin. Waa halkii abwaan Faarax Gaammuute...

Post

Sanad guuradii 10-aad ee Degelka Wardheernews iyo Xiriirkayga

W/Q Cabdullaahi Janno Sanaddu waxay aheyd 2008. Sheeko gaaban ayaan gacanta ku hayay. Anigoo baadigoob ugu jira degel Soomaaliyeed oo iga aqbala daabicisteeda ayuu nin walaalkay ahaa ii carrabaabay Wardheernews. Magaca sheekadii ugu horreysay ee aan ku soo daabacay wuxuu ahaa “Saar.” Wixii intaa ka danbeeyay xiriirkayga qoraa ahaan ee aan la lahaa Wardheernews wuxuu...

Post

Dilku ma inaga Diin Jacayl baa mise waa inaga Dhiig Jacayl?‏

W/Q Axmed Ismaaciil Maxamuud Inta badan Diintu waxay magan u tahay shakhsiyadda qofka, haddii uu dabacsan yahay iyo haddii uu kakan yahayba, Shakhsiyadda qofkuna waxay magan u tahay abuurta iyo deegaanka. Sidaa darteed marar badan waxaad arkaysaa qof aragtidiisa qalafsan Diinta kuugu dhex barxaya, isaga oo is og/ aan is ogayn. Waxa kale oo aad...

Post

Gorfeynta Buugga: Xabbadii Dunida Gilgishay

W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan Bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay baan ka mid noqday akhyaartii lagu martiqaaday Toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee London (SOMALI WEEK FESTIVAL) ee lagu qabtay magaalada London. Bandhigga oo ah kii (8) siddeedaad ee la qabto waxa soo qabanqaabiya ururka KAYD SOMALI ART oo ay madax ka tahay gabadha la yidhaa...

Post

WardheerNews: Oog aan Damayn

W/Q: Idiris M. Cali WardheerNews toban sano ayay baarka ka goysay. Sida ay u da’ yar tahay iyo mugga xogaha aqooneed ee ay dhitaysay isma laha. Taasna waxaa sabab u ah, oo ku mahadsan, tifaftirayaasheeda u geyllan muujinta kartida, anshaxa iyo xorriyadda ay warsididdu door ku tahay—tifaftirayaashaas oo hadh iyo habeen u geyfan sidii ay...