W/Q Axmed Ismaaciil Maxamuud
Inta badan Diintu waxay magan u tahay shakhsiyadda qofka, haddii uu dabacsan yahay iyo haddii uu kakan yahayba, Shakhsiyadda qofkuna waxay magan u tahay abuurta iyo deegaanka. Sidaa darteed marar badan waxaad arkaysaa qof aragtidiisa qalafsan Diinta kuugu dhex barxaya, isaga oo is og/ aan is ogayn. Waxa kale oo aad arkaysaa qof debecsan oo Diinta kaa tusaya weji dabacsan oo qurxoon.
Haddaba, dhaqankeenna oo dilka iyo cunfigu ku badan yahay marka midka hore ku helo oo uu dilkii geesinimo reereed ama Janno ku-gal kuugu sheego waad ku qarwaysaa oo wuxuu kuu noqonayaa wax sida biyaha la cabbo oo kale ah. Arrin kasta iyo khilaaf kastana waxaad ku xallinaysaa Dil. Qofkii ku yiraa: War bal wax hubso oo nafta Aadamaha wax ka qaalisani ma jirtana, waad la yaabaysaa oo waxaad u arkaysaa doqon ama fulay.
In sidan wax u jiraanna waxa la weriyay Wadaad Sheekh Daahir la odhan jiray oo Hargaysa ku dilay koox dumara oo sino lagu eedeeyay bilowgii Sagaashanaadka ayaa markii la xidhay ay dadkii isa soo tubeen saldhigga Booliska iyaga oo leh khalad buu ku dilaye hala soo saaro si loo dilo isna. Wuxuu yidhi: Sidaasaan dadkii u eegay, mise waxa doonaya inay i dilaan waa intii dumarka ila dilaysay badankood….!! Kuye “Dadkii aan lahaa iimaanka ayaa biyo dhigayba waxay u haliilayeen dhiig ay daadshaan, maantana dhiigaygay rabaan inay daadshaan, shalayna kii dumarkay daadsheen”.* (Haweenkan la dilay raggii xumaanta lagu eedeeyay la sameeyayay haddiiba ay run ahayd lama sheegin in la dilay iyo in la garaacay toonna oo ma maqal, waana mararka aad is oranayso: Xukunku inta jilicsan ayuun buu qabtaa oo loo sameeyay malaha).
Arrintan sare ee dil fudaydka in wax weyni ka jiraan waxa kuu caddaynaya, waxaan habeen dhawayd daawaday Barnaamij Burco laga duubay oo dad lagu waydiiyay xukunka qofka Khamriga cabba? Dhammaantood waxay ku leeyihiin waa DIL!! Meel ay ka keeneenna mooyi.! Haddaba, tani waxay sii xoojisay shaki aan awelba qabay oo ahaa in dilka Soomaalidu inta badan aannu Diin jacayl ahayn, ee uu yahay Dil jacayl, maxaa yeelay imisaan aragnay tukanaya oo la dilay ama la qarxiyay? Bal akhristow adiguba caqli baad leedahaye ii sheeg fadlan waxa lagu dilay dadkaa, oo aan Dil jacayl ahayn?
Haddaba, tolow goorma ayuu dhaqanka dilku agteenna wax weyn ka noqon doonaa, goorma ayayse naftu qiimaha ay leedahay agteenna ku heli doontaa? Goorma ayaynu ka shaqayn doonaa noolaynta dadka iyo duunyadaba, Ka horse goorma ayaynu ku baraarugaynaa sida aan hadda nahay?
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com
————–
*Sheekada Sh. Daahir waxa ii sheegay Axmed Maxamed oo aannu Face-book-ga asxaab ku nahay.
Leave a Reply