Dad ku sumoobay biyo Magaalada Muqdisho

Muqdishu (WDN) –  Inta la xaqiijiyay sagaal (9) ruux ayaa u geeriyootay halka dad gaaraya 100 kalana la dhigay goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya, ka gadaal markii ay cabeen biyo sun ay ku jirto.

biyo Sun ah_ MogadishuWararka ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa ildaranba ay cabeen biyo sumeysan, waxa ayna ku waramayaan dadka deegaanka mashaqadani ka dhacday in dadkan isku mar uu soo ritay xanuun loo maleynayo inuu ka dhashay biyaha ay cabeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in biyaha ay cabeen ay u muuqdaan kuwo sumeysnaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkan ay u dheer tahay xanuunka Shubanka oo uu dhamaan dadku soo ritay, gaar ahaan dadkii cabay biyaha.

Ilal hadda lama oga cida ka danbeysay sumeynta Ceelkaas ay ku wax yeeloobeen dadka danyarta ah ee goobhaasi ku dhaqnaa, sidoo kale wali arintani kama hadlin maamulka degmada ee Gobalka Banaadir.