Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida

Cudurrada Aan Laga Caafimaadin ee Siyaasadda Soomaalida

W.Q. Cabdullaahi Maxamed Cawsey

Qof walba wuxuu ka dheregsanyahay dhibaatada lagala kulmay in dib loo dhiso dawladnimadii la burburiyay labaatan iyo dheeraad sano ka hor. Waa tiro dhaaf shirarka caalamiga ah ee loo qabtay Soomaalida si shaydaanka ay iskaga naaraan, ka dibna ugu heeshiiyaan siyaasadda dalka. Dhammaan shirarkii caalamiga ahaa way wada fashilmeen marka laga reebo midkii ugu danbeeyay ee lagu qabtay Nayroobi oo maamulkii ka soo baxay lagu soo galbiyay kumaanaan ciidan ah oo laga soo kala aruuriyay waddamo isugu jira kuwo Soomaalida sinji ahaan u neceb, qaar tartan deegaan kula jira iyo dalal u dhaarsan in ay dhadhamiyaan quruxda iyo qaayaha ka muuqda gabdhaha Soomaaliyeed!

caqligaDawaladdii Federaalka ee loo soo galbiyay Muqdisho waxay ka bixi weysay fadhiidnimo iyo in madaxdii qaranka sidii dhoocilo foodlay ah isku haruufaan marwalba. Dhawaan waxaa la eryay Raysulwasaare xafiiska joogay muddo ka yar sanad, waqti yar gudahoodna waxaa la magaacabay raysulwasaare cusub oo qudhiisa mar dhexdaas ah la eryay.

Haddaba su’aasha dhabta ah ee mudan in si geesinimo cilmi lu dhisanah looga jawaabo waxay tahay waa maxay sababta ka danbeysa waalida diidan in dawladnimadii burburtay dib loo hanto?

Sidaa dareed qoraalkan koobani wuxuu sawir ka bixin doonaa caadifadaha ugu waaweyn iyo dareennnada dhaawacan ee diiddan in dadka Soomaaliyeed ay isla fahmaan muhiimadda ay nolosha u leedahay in la dhisto maamul dhexe oo danahooda guud ka shaqeeya si aan looga sii habsaamin hormarka iyo ilbaxnimada qarniga 21aad ee waa hore laga haray. Sidoo kale qoraalku wuxuu isku dayi doonaa inuu garashada Soomaalida ku soo biiriyo aragti ka duwan dooddaha caanka ah ee dadka Soomaaliyeed ku mashquulaan marka la gorfeynayo cilladaha siyaasadda murugsan ee Soomaaliya.

Dadka fakera ee Soomaaliyeed waxay garowsan yihiin in caqliga guud “ collective mind” ee Soomaalidu uu noqday maxbuus u afduuban dareennada malaayiinta ah ee laga dhaxlay dhibaatadii iyo burburkii dalka ka dhacey. Dood iyo daraasad xeeldheer ayay u baahantahay in lagu gorfeeyo sida qofka Soomaaliga ah u noqday dhibbane   noloshiisa u horseeda burbur iyo guuldarro asagoo adeegsanaya dareenno “emotions” aan maangal ahayn. Nasiib wanaag, aqoonyahannada cilmi nafsiga ee adduunku, waxay aruuriyeen cilmi badan oo loo adeegsan karo daawaynta iyo baxnaaninta   caqliga iyo dareennada u afduuban caadifadaha aan caadiga ahayn ee dhaliya xanuunada dhimirka.

Marka la darsayo xanuunada ku dhaca maskaxda, culimada nafsiga “ Psychologists” iyo dhaqaatiirta dhimirka “ Psychatrist” waxay adeegsadaan dhiraadhirin dhimireed “ Psycho analysis” lagu ogaanayo sababaha dahsoon ah ee ka danbeeya waalida iyo isdiidka ka muuqda nolosha bukaanka. Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay dhiraandhintan, ayaa ah in si cilmi ah lagu ogaado dhaawaca gaaray dareennada dabiiciga ah ee qofka ku abuuran si loo helo sawirka dhabta ah ee ku aaddan maxbuusnimada garashada qallalan “ inetellect” ee qofka.

Haddaba daaweynta iyo baxnaaninta aan looga maarmeyn garashada iyo dareennada dhaawacan ee qofka Soomaaliga ah, waxaa ka horreeya in dhiraadhirin dhimireed lagu sameeyo waali wadareedka ( collective madness)   ka muuqda siyaasadda guud ee Soomaaliya. Waalida noocan ah, waxay sababtay in si guud Soomaalidu u taageeraan xumaanta iyo nacasnimada ayagoo nolosha ka rajeynaya wanaag iyo hormar. Caalimikii weynaa Mudane Erich Fromm, ayaa buuggiisii caanka ahaa ee bulshada miyirka qabta “ The sane society” si cilmiyaysan ugu sharraxay qaababka bulsho ugu waalan karto si wadar ah.

Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka socday, waxay horseedeen in qarannimadii laga dhexlay gumeystaha si wadar ah loo burburiyo, ayadoo qabiil walba tirsanayo dhib u gaar ah oo aan looga garaabin. Culimada taariikhda ee mustaqbalka, ayaa looga fadhiyaa in xog ururin cilmiyaysan ku sameeyaan wixii gar ama gabood fal ah ee qolo kasta ugu keydsan sooyaalka taariikhda marka ay timaaddo burburintii qarannimada Soomaaliya. Soddonkii sanno ee dagaaallada sokeeye socdeen, siyaasaddii lagu burburiyay dawladnimadii dalka waxay saldhigatay saddex xarrumood oo caasimado u noqday cudurrada aan wali laga caafimaadin ee siyaasadda Soomaaliya.

Sida qoraalkani ku doodi doono, sababaha dahsoon ee ka danbeeya waalida ka muuqata siyaasadda Soomaaliya, waxaa lagu tilmaami karaa:

Cuqdadda Hargaysa,

Ciilka Muqdisho iyo

Cabsida Garoowe.

Magaalooyinkan Soomaaliyeed ee la ildaran xanuunnada laga dhaxlo dareennada dhaawacan ee kala ah cuqdad, ciil iyo cabsi waxay xarrumo u yihiin qabiillo sheegtay in ay ka soo farcameen oday aan la hubin halka uu ka soo jeedo asal ahaan.Sida qoraalku ku doodi doono, haddii aan daawo cilmiyaysan iyo cawil celinta rabbi loo helin dareennada dhaawacan ee magaalooyinkan, dawladnimada Soomaaliya waxay noqon doontaa riwaayad lagu maadsado oo kale. Haddaba maxay kala yihiin tusaalayaasha taariikhda ku kaydsan si aan u muujino dareennada dahsoon ee sababi kara xanuunnada wali aan laga bogsoon ee bukaan socodka ka dhigay siyaasadda Soomaaliya?

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Siyaasada Soomaalida

W.Q. Cabdullaahi Maxamed Cawsey
Email: sthinktank@gmail.com