W/T Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan
Nin baa laga sheegay “Soomaalidii noloshii ku saaqide.” Waa runtii, oo sida ay maanta tahay garashadii waa ka sabool, samaanna, malaha saarkooduba diid. Ku dalkii jooga iyo dibedyaal ha u kala reebin. Ku darsoo ismaba oga! Shidanaaba, shidan. Kaba sii darane, waabay isla toosan yihiin. Waa halkii abwaan Faarax Gaammuute e:
“Markay garashadu dayawday
Xiskuna khalli duur wareegay
Miyuu dambakhaadda waalan
Sokeeye, sokeeye dooxay?”
Hoggaan xumo culusbaa ku habsatay. Ku hagaage tubtii ina Koofil maray. In ay ka soo reeyaanna, haba sheegin. In ay isasii xagxagato iyo tookh madhan oo ay meelahaa kaga jibaaddo mooyee wanaag kama soo naasa cadda. Waa halkii maansoyahanka Maxamed Hirad ka lahaa:
“Kuwii shacabka daadihin jiraan, duxi ku dheehnayne
Duqowdiyo wax garadkii la waa, waxay daweeyaane”
Rag horaa sheegay oo “Baddu waa isku wada dhadhan e”, Soomaaliyi waa isma dhaanto iyo xaalkeed. Meelina uma fayooba. Waa sida oo la wada yaabye , maanso yar oo kooban baa waxay tidhi:
Jannoy Soomaal ku nace,
Cadaab bay kaa janteen,
Jaliil waa caasiyeen
Jikaar bay door bideen
Jifooyin loo kala hayaan
Jiqdaa lagu kala jiraa
Jigjiga lagu joogsan waa
Jaajuus loo noqoy Axmaar
Jabkood Nayroobi gaadh
Jabuuti loo dhaaf galbeed
Ku go’e Suudaan jidkeed
Jaxiima iyo Yaman u kace
Jirri baa taladii hantiyay
Jabadkii Koofil ku furey
Baal mari jihadii wacnayd
Shabaab jabo loogu ood
Gacmiyo lugihiiba jare
Jabtoy way moogganyiin
Jin baa haadaan ku wada
Jillaafuu u wada dhigoo,
Dantood uma jeedsadaan
Jujuubkaa qaar wadaan
Kol qudha laga joogahayn
Jasaa’iga Eebbaheen
Jawaabtiisaan sugnaa
W.T. Axmed Cabdiraxmaan X. Xasan
WardheerNews
Email: ahmed.a.hass@gmail.com
——-
Jaxiima waa xero qaxooti, ku taalla dalka Yaman. Dadka halkaa ku jira Soomaali baa ugu badan, runtiinna aad ugu jirraban
