Al Shabaab oo weerartay xarunta AMISOM ee Xalane

Muqdishu ( WDN) – Wararka naga soo gaadhaya xarunta ciidanka AMISOM, ee Xalane ee  Muqdishu, ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen xaruntaasi ciidanka AMISOM, iyagoo markaasi gudaha u galay goobtaasi.

Inkastoo ilaa iyo hadda  aynan wali jirin  faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha weerarka ka dhashay, ayaa hadana wararka laga helayo weerarkaasi ay sheegayaan in rag ku hubeysan qoryaha fudud iyo bambaanooyiin ay xarunta Xalane ka weerareen qeybta Isbitaalka AMISOM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayay goobtaasi, ka gadaal markii uu weerarku dhacay. Waxaana weerarka uu socdaa ku dhowaad hal saac, tan iyo markii uu si rasmi u soo shaac baxay in xarunta Xalane la weeraray.

Weerarkan ayaa  la sheegay in uu hakad geliyay hawlshii shaqo ee garoonka Muqdishu.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ku dileen saraakiil Cadaan iyo askarta AMISOM iskugu jirta, islamarkaana ay xarunta gudaha u galeen.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray hadal kooban oo uu ku cambaareeynayo weerarkaasi, isago sheegay in argagixisadu aanay marnaba hor-joogsan doonin horumarka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyada oo uu maanta xilkii ra’iisal wasaaraha la wareegay Cumar Cabdirashiid, taasi oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dawlada Soomaaliya iyo AMSIOM, oo ka hadlaya weerarkasi.

Wixii wara ee soo kordha wararka danbe ee wardheernews.com ayaanu idiinku soo gudbin donaa Insha Allah

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdishu