Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 67
Post

WardheerNews Degellada ku ma Jiro

W/Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) Waxaa la yiri WardheerNews baa hadda ba toban jirsaday. Waxa aan leeyahay asaga oo toban jir ah, konton iyo ka badan buu degellada kale ka weyn yahay. Warbaahinta ku hadasha afka soomaaligu aad bay u badan tahay, tu warqad ku qoran, tu afka uun ka hadasha iyo tu muuq iyo...

Post

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?

W.Q. Maxamed Hirad Odhaahda Tifatirka: Annagoo weli ku guda jirna xuska iyo xusuusta toban guurada ka soo wareegtay aasaaskii WDN, ayaa waxaanu maanta idiinka soo xulnay kayd qoraallada ee WardheerNews maqaalkan taariihkiga ah ee uu qoray Abwaan Maxamed Hiirad, kuna soo baxay WDN Abril 26, 2010. Maqaalkani waxa uu si fiican bulshada Soomaaliyeed ugu muujinayaa...

Post

Madaxweyne Xasan: Faarax ama Fadlan i Dhaaf

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Muran iyo ismaandhaaf baa hadheeyay dhammaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee qaranka Soomaaliyeed. Golihii xukuumaddu laba kooxood bay u kala safteen, madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhuna salaanta iskama qaadaan. Baarlamaankii buuq iyo balaayo, ayaa ka dhex aloosan sababtay in ay kullamadoodii qabsoomi waayaan, Maxkamaddii Sare ee kala saari lahaydna horaa geed la iskaga xidhay....

Post

Xorriyadda

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen “Inta aanan gudagelin maqaalkan bal marka hore aan waxyar ka idhaahdo munaasabadda 10 guurada degelka WardheerNews. Ammaanta uu degelka WardheerNews mudan yahay iyo xilalka uu ka soo dhalaalay muddadii uu ifkan u soo baxay toban sano ka hor, qorayaal saaxiibbaday ah ayaa si fiican uga hadlay. Ku-celcelinina xiise-dil mooye wax ma...

Post

Maxaa Dumiyey Dawladdii Soomaaliyeed?

W/Q Maxamed Dalmar Anigoo galab dhoweyd dariiqa keligay maraya oo fekeraya, ayaa Ilaahay amarkiis, waxaa igu soo dhacd ay su’aashan: Toloow, maxaa dumiyey dawladdii Soomaaliyeed? Cod ka dhawaaqaya maskaxdayda ayaa durbadiiba la soo booday, Maxaa dumiya? Maxaa kaloo dumin lahaa? Waxaa dumiyey 21 sano oo diktatooriyad ah. 21 sanoo xukun askareed oo kali talis ah...

Kala Gaar: Degelada Soomaalida
Post

Kala Gaar: Degelada Soomaalida

W/T Abwaan Faarax Cali Gammuute Odhaahda Tifaftirka: Muddo 10 sano laga joogo oo ku beeganayd 23 Nofember ayaa udubada loo taagay degelkan WardheerNews. Xuska munaasabbada oo todobaadkan socon doonta haddii Eebbe idmo, ayaa waxa qoraalo ku aadan munaasabadan iyo guud ahaan aragitida warbaahinta Soomaaliyeed nala wadaagay Abwaano iyo qorayaal Soomaalida dhexdeeda caan ka ah iyo akhristeyaasha ku taxanba. Haddaba...

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Afka Jannada Ma Lagu Doorsan Karaa Soomaali?
Post

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Afka Jannada Ma Lagu Doorsan Karaa Soomaali?

W/Q Saciid A. Ismaaciil Odhaahda Tifatritka: Waa qoraal kale oo aan idiinka soo xulnay kaydka WDN munaasabadda toban guurada aasaaskii WardheerNews awgeed. Maqaalkan oo uu qoray Siciid A. Ismaaciil, laguna baahiyay WDN March 10, 2009, waa mid si qotodheer  u lafaguraya doodda ku aaddan doorka Afka hooyo iyo barashada diinta Islaamka. Waa maqaal aad u...

Post

Falanqayn: “XADKA RIDDADA .. MAXAA KA RUN AH”

W.Q. Sicid Jaamac Xuseen Buug xiisad weyn kiciyay Waxaa dhowaan ii soo gacangalay buuggan ‘XADKA RIDDADA.. MAXAA KA RUN AH?’ Si guud ayaan beryahanba ula socday buuq iyo sawaxan badan oo ku saabsan buuggan iyo qoraagiisa. Muran kulul iyo hadallo taagtaagan, ayaa dhexmarayay inta buugga ku tilmaantay inuu si weyn u durayo diinta Islaamka oo...

Post

Xildhibaannada Barlamaanka ee Sharafta Mudan: Ilaaliya Sarraynta Sharciga, maya Sarraynta Madaxweynaha

Siciid Faarax Waxaa la yiri xilligii khilaafadii Cali binu Abii Daalib, ayaa waxaa amiirku waayey diric uu lahaa oo uu hubka cadawga kaga gaashaaman jirey. Maalintii dambe ayuu diriciisii mid la mid ah wuxuu ku arkay nin yahuudi ah oo ku lebisan. Kuma fasaxin ilaaladiisii si ay xoog ugu soo celiyaan amiirka diriciisa la helay...

Post

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Wareysi Dr. Georgi Kapchits

Odhaahda Tifatirka: Iyadoo bishan aynu ku jirno ee Nofember 24da, ay ku beegantahay sannadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay xilligii dhidibbada loo taagay degelka WardheerNews, ayaanu jecelnahay munaasabaddaas awgeed in aan dibumilicsi ku samayno qoraallada tirada badan ee ku jira kaydka WDN, si intii hore u akhriday dib ugu xasuustaan, ciddii seegtayna ay hadda uga...