Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Aniversary
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

WardheerNews Degellada ku ma Jiro

W/Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

Waxaa la yiri WardheerNews baa hadda ba toban jirsaday. Waxa aan leeyahay asaga oo toban jir ah, konton iyo ka badan buu degellada kale ka weyn yahay. Warbaahinta ku hadasha afka soomaaligu aad bay u badan tahay, tu warqad ku qoran, tu afka uun ka hadasha iyo tu muuq iyo hadal wada socda ah ba . Laba dartood bay taasi ku timid. Midda hore waa horumarka xooggan ee teknoolojiyada warfaafinta casrigan, satalaydyada iyo internetka. Midda kale oo Soomaali ku gooni ahi na waa burburka siyaaso iyo bulsheed ee keenay maqnaanshaha hab-dhisaaleyaashii sharci, maamul guud iyo dhaqan oo sababay in magacii la doono ba la sheegan karo, meeshii la doono na la mari karo. Haddii qofkii doonaa uu garyaqaan ama- ka sii darane- dhakhtar sheegan karo oo uu qof buka birta saari karo, maxaa diidaya in uu saxafi sheegto. Malaha ayadaa ba la moodaa in ay sahalan tahay, in kasta oo aanay dhibta ka yaraysanaynin.

WDN_LogoXalaadda sidaas ah bay WardheerNews kelideed ka mudhbaxday. Waan hubaa, haddii ay kuwa kale ku soo xiran lahaayeen, in ay aqoon waayo-aragnimo iyo xeerarka anshax warfidinta ba wax badan ka baran lahaayeen oo ka wabxi lahaayeen. Looga ma se fadhiyo, inta mid wali ba kelidii isu muuqdo ee isu rumaysan yahay “lagu ma dhaamo ee dhaqaaq”.

Xusuustu ii ma sugna ee malahayga, WardheerNews asaga oo laba jir ah, ayaan markii u horraysay la kulmay. Judhiiba waxa aan ku haftay tirada qoraallada war iyo maqaaloba. Taasi mar walba ku ma xejisan karto, bal marar badan way ku didisaa ama wahsi bay kaa gelisaa akhrinta. Waxaa i soo daashaday warbaahin, war iyo wacaalba, dhinac ka raran oo ay aqoon darro, ama haddii kale, uu isyeelyeel tifaftirayo. Ku ma aan talaxtegayo ee waa kuwo qoraalkaygii aan anigu suxur iyo saxarba ka saaray, soo daabacay asaga oo maydhaaman. Sababahaas darteed baan ku adkaystay in aanan ka daalin WardheerNews ee aan horta ka yoolgaadho.

Haddii aan qoraalkan halku-dheg uga dhigay WardheerNews waa degel gooni baxay, waxaan uga socdaa dhawr astaamood oo gooni-yeelaya. In kasta oo uu saaxiibkay Faarax Axmed Cali (Gammuute) gunta soo taabatay, dabuubta bilcoon ee maansadana aanan egteeda iman karin, waxa aan ku gaabsanayaa qodobbadan kooban:

Ta koowad, WardheerNews ta keli ah ee aan ku hubaa waa in ay, dhab ahaan, xor tahay. Waxaa carrada meel walba buuxiyey warbaahin dhinac u raran oo caroog u ah koox siyaasadeed, qolo ( Soomaali dhexdeeda waa isku mid ahe) dawlad gaar ah, iyo kuwo hadba wixii hunguriga u laacaya isla dhalan roga. Haddii aan isha hoos u geliyey waxaan ku tutuunsaday oo aan ku dhegganahay xaqiiqa ah in WardheerNews madaxbaannaan yahay. Ka warrama dhul geed-xun miidhan ah, haddii laga helo laan ubax qurxoon ah oo udgoon. WardheerNews waa sidaas oo kale.

Xorriyadda dhabta ahi waxay leedahay ammaano iyo xilqaad (masuuliyad). Qofka haddii xorriyadda laga qaado, ammaano ma yeelan karo, waayo falkiisa xor u ma aha oo si kale ayaa loo dhaqaajin karaa, xil ma qaadi karo, waayo wax kale ayaa la yeelsiin karaa. Qofka mar walba ma addoomiyo xoog debedda kaga yimid oo keli ahi ee naftiisa hawo-raaca ah, hunguriga iyo hamrashada kashuna, si ka daran ba u addoomisaa. Meesha WardheerNews ka hillaacay; naftii u harraaddanayd waa khasab in ay halkaas u hiyikacdaa. Waan u hiyikacay oo waxa uu ii noqoday ceelka aan ku arooro.

Tu labaadna waa dhexdhexaadka uu WardheerNews yahay. Soomaalida afarta bownijahaadle u kala didday, buu u wada yahay madal ay ku kulanto. Kuwo xag fog jira iyo kuwo miyir u socda, kuwo galka u la ku deya oo nuxurka xaqiiqda jiraalka ah raadinaya iyo kuwo tuuryadoodu degdeg tahay, inta ba WardheerNews buu fikirkoodu ku kulamaa. Qof aad fikiraddiisa diiddan tahay oo aad ka biyo diidayso baad qoraalkiisa ka akhriyi WardheerNews. Waxtar weyn baa taas ku sugan; haddii kale, sidee qofnaba ku ogaan karaa jiritaanka fikir kiisa ku ka duwan ama ka soo horjeeda. Warfidin midab qudh ah iyo summad keli ah leh, xiise loogu soo noqnoqdo ma laha; haddii aad maalin iyo laba eegto, dib ugu ma soo lug-go’aysid.

Tu saddexaadna, WardheerNews waxa uu xurmeeyaa xorriyadda qoraaga iyo akhristaha labadaba; waxay na taasi dillo u tahay xorriyadda degelka ee aynu kor ku xusnay; waayo maroorka aan xorriyadda cid kale dhawrini asaga ayaan xor ahayn. Kaasi waa laba midkood oo ama waa aalad cid kale maroojinayso ama haddii kale, isl-weynida ayaa madax-martay oo addoonsatay.

WardheerNews qof waliba xorriyaddiisa ayuu wax ugu qoraa; xilkiisa na asaga ayuu u dayaa. Waa xeer u yaalla WardheerNews iyo ciddii qoraalkeeda ku faafisa. Waa xeerka ku daabacan ee aad ku aragteen meesha uu maqaal waliba ku dhammaado.

Ta afraad ee aan kaga hadhay waa kaalinta dhawridda xaqa afka ay warbaahintu ku hadlayso ee wax ku qorayso. Waxaa fagaaraha warfidinta Soomaalida buuxiyey dad aan afka iyo habka qoriddiisa iyo xilka warfidiyeenka ka saaran midnaba aqoonnin, aqoon kaga maqan na ogeyn ba. Marka arrintan la soo qaado, dadka qaar baa mooda in laga hadlayo lahjadaha afka ee kala duwan. Ma aha sidaas. “Aynaan” iyo “aayan” ama “gar, gadh iyo gaj” intu ba waa afsoomaali oo kii la qoraaba wuu qumman yahay. Laakiin, warfidiyeen aan kala garanaynin sida loo kala qoro “wasiiro iyo wasiirro”, waa ayaan darro. WardeerNews dhinacan oo aniga aad ii la mudan ah, ayuu in badan kaga duwan yahay Warbaahinta kale. Waxay ka timaaddaa tifaftire xilkas ah.

WardheerNews toban sannadood gudahood buu konton jirsaday; wuu mudhbaxay.

Hambalyo

Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)
E-Mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.