Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Camels and Poets
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Wareysi Dr. Georgi Kapchits

Odhaahda Tifatirka: Iyadoo bishan aynu ku jirno ee Nofember 24da, ay ku beegantahay sannadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay xilligii dhidibbada loo taagay degelka WardheerNews, ayaanu jecelnahay munaasabaddaas awgeed in aan dibumilicsi ku samayno qoraallada tirada badan ee ku jira kaydka WDN, si intii hore u akhriday dib ugu xasuustaan, ciddii seegtayna ay hadda uga faa’idaystaan.

Qoraallada xusuusta gaarka ah ku reebay akhristayaasha ee tobankii sano ee tegay lagu soo bandhigay WDN waxaa ka mid ah wareysi aad u xiiso badan oo aan la yeelanay aqoonyahanka Ruushka ee Dr. Georgi Kapchits. Wareysigan oo lagu daabacay WDN  bishii Janaayo, 2006, waxa uu ka mid yahay qoraallada aan duugoobin, looguna akhriska badnaa ee ku soo baxay WDN.

Haddaba wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya waa kan  ee hoos  kaga bogo.

_______________________________

Waxaa jirta maahmaah tidhaahda  “waayeel afkaaga fur, ilkahaaga aan tiriyee lama yidhaahdo”. Kaftan weeye  nin furfuran baan ahay.
Dr. Georgi Kapchits

KapchitsDr. Georgi Kapchits waxaa uu ka mid yahay aqoonyhannada sida gaarka ah isugu taxalujiya ururinta iyo baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee Radiyo Moosko, isagoo isla markaana Luqadda Soomaaliga ka dhigi jiray Jaamacado ku yaal magaalada Moosko.

Aqoonyahanku waxaa uu qoray buuggaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaalida. Waxuu shahaadada sare ee Ph.D ku diyaariayay naxwaha Afka Soomaaliga. Dr. Kapchits waxaa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay Afka Amxaariga. Waa xaas waxaanu leeyahay laba gabdhood iyo seddex carruur ah oo ay sii dhaleen.

Haddaba waxa uu Dr. Georgi Kapchits dhawaan soo saaray buug cusub oo ku saabsan sheeko xariirta Soomaaliyeed oo uu ugu magacdaray Faaliyihihii la bilkayday.

Waxa haddaba shabakadda WardheerNews u suuro gashay in ay aqoonyahanka wax ka weyddiiso taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Waraysigaas oo uu qaadday Ismaaciil C. Xasan (Khaliil) waxa uu u dhacay sidan:

WardheerNews (WDN): Dr. Kapchits marka hore waad salaaman tahay. Marka xiga waxaanu kaaga mahad celinaynaa fursadda aad noo siisay inaanu wareysigan kaa qaadno, kuna soo dhawaw WardheerNews.com

Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Inkastoo la yidhi ‘Af daboolani waa dahab’,  haddana waxaa jira maahmaaho kale oo ii toosinaya wareysigan. Waxa ka mid ah ‘Nin aan hadlin, habartiina wax ma siiso!

WDN: Guud ahaan waxaad marka hore nooga warantaa waqtiga aad bilawday barashada afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, maxaadse arrintaas ku dooratay?

Dr. KapchitsBarashada af Soomaaliga waxaan bilaabay intii aan ardayga ka ahaa Jaamacadda Moosko. Afartan sano ayaa ka soo wareegay waqtigaas, hase ahaate weli kama aan sal gaarin afkiinna la yaabka leh oo u eg mergi u jiidma hadba dhankii loo jiido.Awrba awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa leeyahay, baa la yidhi. Anigu waxaan ka daba socday macallinkayga Alexander Zholkovsky ee Midowga Soofiyeeti  u horseeday baaritaanka af-Soomaaliga. Waxaa nasiib darro ah in uu muddo ka dib ka fogaaday arrimaha Soomaaliyeed. Intii uu u guuray dalka Mareykanka ayaa wuxuu noqday barafesoor Jaamacad ka dhiga suugaanta Ruushka.

WDN: Maxay ahaayeen dhibaatooyinkii aad kala kulantay barashada Af Soomaaliga?

Dr. Kapchits: Ina Cali Qablax oo indhoole ahaa markii uu taabtay dundumo ayaa wuxuu yidhi: ‘Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkii, halna waa ammankaag. Dundumada inteer le’eg aboor baa sameeya, waa yaab! Habeynkii buu sameeyaa, waa yaabka yaabkii! Candhuuftiisuu ku sameeyaana, waa ammankaag!’ Aniguna waa sidaa oo kale. Markii aan dhadhamiyey af-Soomaaliga ayaa waxaan is idhi: ‘Tolow, erey bixinta af-Soomaaligu waa yaab! Dhawaaqa af-Soomaaligu waa yaabka yaabkii! Naxwaha af-Soomaaliguna waa ammankaag!’ Af Soomaaligu hodon weeye, dhan kasta oo laga eego. Wax cir ka soo dhac leh ma aha, in uu udub dhexaad u noqday maansada Soomaalidu ay ku caan baxeen, ayna ku faani karaan. Shaki ma leh in afka caynkaas ah barashadiisu shaqo fudud aysan ahayn. Waxaase la ogsoon yahay in dhib walba ay dheefi ka dambeyso.

WDNYaa wax kaala qabtay arrintaas?

Dr. KapchitsNasiibwanaag waxaa ah in waagii aan isku tuxallujiyey barashada afkiinna, dhaqankiinna iyo suugaantiinaba ay Moosko joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah waa aan la saaxiibay. Inkastoo la yidhi ‘Saaxiibkaa mar waa kuu sahan, marna waa kuu sabab’, haddana saaxiibtinnimadaasi khayr mooyaane wax kale ma ay dhalin. Ardadaas oo ka kala socday miyi iyo magaalo, aadna u tiigsanayey tacliinta wax badan ayaan ka bartay, gaar ahaan sidii af Soomaaliga loogu hadli lahaa. Si ay mahadi ku jirto ayaan u xusuustaa kulligood, gaar ahaan Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed, Ilaah ha u naxariistee. Labadoodu waxtar aan la soo koobi karin bay ku kordhiyeen horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Halkan ka ahhri: Wareysiga Dr. Kapchits


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.