Category: Maqaallo.

Home » Maqaallo. » Page 4
Wadaad Waa baa baryay!
Post

Wadaad Waa baa baryay!

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq) Burburkii ka dib, waxa innagu habsaday wadaad xume (Bahal Gadh leh). Kaas oo  meel uu joogaba  isku caleemo saaray inuu dadka ka aragti dheer yahay, ka waayo aragsan yahay, ka aqoon badan yahay, kana wakiil yahay adduunka iyo aakhiraba (Sheekhal-kulli ). Sidaa darteed wax walba isagaa wax  laga waydiiyay;...

Taxanaha Aadan Makina: Farsamayaqaankii Iskhayaanay
Post

Taxanaha Aadan Makina: Farsamayaqaankii Iskhayaanay

Nin farsamayaqaan ah oo taqasus dheer ulahaa faryaamada iyo dhismaha guryaha, ayaa wuxuu gaadhay xilligii uu geli lahaa hawlgabnimo da’ lasoo deristay awgeed. Qoladii uu u shaqeynaayey ayuu ku wargeliyey in uu shaqada ka fadhiisanayo maadaamo uu cagacageynaayo da’ aad u weyn, isla markaana uu doonaayo in inta ka hadhay cimrigiisa uu ku noolaado deganaansho...

Diihaal-reeb: Milicsi kooban
Post

Diihaal-reeb: Milicsi kooban

Cabdiraxmaan Faarax Guri Barwaaqo Email: hal_aqoon@yahoo.com Magaca buugga:  Diihaal-reeb Qore                :  Khaalid Jaamac Qodax Soosaare          :  Qodax Publishers ISBN                :  978-1-105-51544-6 Inta bog           : 219bog www.lulu.com ______________ Hordhac: Curinta maansadu innaguma cusba. Cid halbeegyadeeda taqaanse innagu yar. Deelqaaf iyo laaxin baa laga jiraa. Waxay ku kala geddisanyihiinna lama wada yaqaan. Xulashada ereyadu kaalinta ay ka...

Taxanaha Aadan Makina: Damaashaadkii Dharka
Post

Taxanaha Aadan Makina: Damaashaadkii Dharka

Odhaahda Tifaftirka: Taxanaha Aadan Makina waa sheekooyin gaagaaban oo si joogto ah loogu soo bandhigi doono degelka WardheerNews ugu yaraan toddobaadkiiba halmar. Sheekooyinkan oo uu qoray halka uu qaarkoodna ka tarjumay  Adan Makina oo ka tirsan Bahda WardheerNews waa kuwo aad u xiiso badan islamarkaana ay xikmadi  ka dambeyso. Haddaba waxaannu taxanahan ku billaabaynaa sheekada cinwaankeedu...

Bal Aniga iyo Eey!
Post

Bal Aniga iyo Eey!

W.Q.Burhaan Cali Marka uu ii muuqdo waan naxaa, marka uu ii soo dhawaadana jiririco ayaa tin iyo cirib i saaqda. Haddaan bannaan marayo waddada ayaan uga leexdaa, hadduu meel ciriiri ah igaga horyimaadana alla bari ayaan galaa anoo hiifaya oo haaraamaya oo mararka qaarkoodna nacladaya ayaan isweydaaranaa waa haddii xarig qoorta ugu xiranyahay saaxiibkiisna wado,...

Isha Qarsoon(IQ): Ma Geydo Bulshadu Yooyootanka!
Post

Isha Qarsoon(IQ): Ma Geydo Bulshadu Yooyootanka!

W.Q.Cabdilaahi Cawad Cige Waddani tol leh: Siddeed saacadood oo aannu hawada ku soo jirnay ka dib, ayuu duuliyihii dayuurad nooceedu yahay 787 Dreamliner oo sharikadda Dayuuradaha Itoobiya leedahay nagu soo dejiyay garoonka Bole, ee magaalada Addis Ababa. Bahashu xajmi weynaa, qaad badanaa, qurux iyo farshaxan badanaa, duuliyuhu muxuu shaqadiisa ka jibbo keenay. Sidii awr hayin...

MAALINTA NABADDA ADDUUNKA MAXAY KU TAHAY ?
Post

MAALINTA NABADDA ADDUUNKA MAXAY KU TAHAY ?

W.Q.  Siciid Jaamac Xuseen Saxiibkay  Geeddi oo taliskii kacaanka militariga ee Oktoobar 69 iyo ciddii la soo shaqaysay shaki ka galo daacadnimadooda si kasta hadday u istaaqfura-laystaan, ayaa la socday inaan kal hore maqaal Ka qoray ”8da Marso: Maalinta Haweenka Adduunka.” Si ay ku dhacdayba, markanna waxuu la kulmay anigoo ku dul fadhiya qoraalka ka...

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna
Post

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna

W/q: Axmed Ibraahin Cawaale aiawaleh@gmail.com 1. Hordhac “Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye...

XAKABYALEY
Post

XAKABYALEY

Waxa Tiriyay: Faarax Cali “Gammuute” E-Mail: farahgamute@gmail.com Wax la yidhi, labay ka murugtay. Jiq bay isku noqdeen. Geedkay ka fursan weyday. Waayeel kala gaadhaa loo guray. Waa loo muddeeyay. Ammin dheer baa golihii lagu kulmay. Gar laysu hankaabsay. Mudduci tiisa marsanaya iyo madaacale deedafeynaya ayay ku soo gudhay. Odayaashii dhexda ahaana, “Ilaahow gar eexo ha nagaga...

Dinasoor iyo Doolli (Sheeko gaaban)
Post

Dinasoor iyo Doolli (Sheeko gaaban)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Xilligii  waa is-dooriyey Adduunku intiisii hore waa isaga soo dhowaaday; Qalabka warfaafinta isbeddelka xad-dhaafka ah ee ku dhacay ayaa dunidii kala durugsanayd tuulo yar ka soo saaray, dadkii  kala fogaana qoys keliya oo goor kasta kala war qaba ka yeelay. Hase yeeshee, sidii baa maalin walba qiso lala yaabaa waa kasta...