Monday, May 06, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Bal Aniga iyo Eey!

W.Q.Burhaan Cali

dog2Marka uu ii muuqdo waan naxaa, marka uu ii soo dhawaadana jiririco ayaa tin iyo cirib i saaqda. Haddaan bannaan marayo waddada ayaan uga leexdaa, hadduu meel ciriiri ah igaga horyimaadana alla bari ayaan galaa anoo hiifaya oo haaraamaya oo mararka qaarkoodna nacladaya ayaan isweydaaranaa waa haddii xarig qoorta ugu xiranyahay saaxiibkiisna wado, haddii kale xaaladdu waa dagaal, hadba labadayada kan ku hormara ayaa guushu raacdaa. Haddaan raganimo iska baarbaaro anoo caguhu i culisyihiin, ayaan isugu daraa qaylo iyo lugaha oon dhulka la dhaco. Isaga oo naxsan oo qaylinaya ayuu dhan u boodaa marar badanna aniga ayaabu i cayrsadaa!

Dagaalkaa car iyo wir ee aniga iyo Eeyga naga dhaxeeya iyo baqdintaa ii dheer aniga gaar iguma ahan. Waa arrin Soomaali badideed rag iyo dumar, waayeel iyo saqiir meel ay joogaanba ila wadaagaan ee maxaa u sabab ah argagaxan iyo arxan darrada aanu u hayno Eeyga?

Markaanu carruurta ahayn Eey il iyo aragti ayuu noo ahaa, maalinkii oo dhan ayaannu cayrsan jirnay, guriga uu galana waayeelka jooga oo ka baqaya inuu iyaga iyo weelashaba nijaaseeyo ayaa bannaanka u soo saari jirey. Waxaannu ka hari jirney markaannu daallo ama gabbalku dhaco!

dog1Anaa huba inaad ila yaabi doontide i amaahi maankaaga. Waxa sidaa inoo galay waa manhaj kun sano iyo ka badan la fidinayey, su’aalna aan badiba laga keenin. Waxaa nala baray in Eeygu nijaas yahay, haddii qoyaankiinnu isgaarana la isku dahirinayo toddoba jeer oo midkood ciid yahay, guriga uu soo galana malaa’igtu ayan soo gelin, kiisa midabka madaw lehna waaba ibliis! Hadduu salaadda kaa hormaro salaaddaas waa kaa burtay! Sidaa darteed ma bannaana inaad haysatid illaa inuu shaqo kuu hayo mooyee!

Adigu indhaha ma saartay oday waayeel ah oo meel fadhiya oo Eey ku soo dhawaaday, oo tabar uu kaga cararo intuu waayay habaar miciin biday. Duf ku bax, Duf ku bax, shshsh, shshsh! Sidoo kale ma aragtay islaan waayeel ah oo ka walwalaysa halka ay ka keeni lahayd ciid ay isku dahiriso, bal kadeedkaa day!

Intay biinankaa nagu xireen ooy nooga tageen bal may sidoo kale noo sheegaan in Eeygu yahay mu’min ilaahay aan marna caasin. Sidoo kale may noo sheegaan in Eeyga oo la sharaysto ay ahayd caado carabi lahayd islaamka ka hor si maskaxdooda looga tirtiro malahaa xun ee ay noolahaa ka qabaan loogu ballan qaaday janno haddii loo naxariisto oo daryeel la siiyo. May noo sheegaan si kalsooni buuxda loo sii siiyo in xitaa la yiri Eeyga aad daryeesheen ee aad tababarateen ugaadha uu idiin soo qabto gawrac uma baahnee cuna!

Bal may sidoo kale noo sheegaan in dhareerkiisa iyo isaga oo dhan uu nadiif yahay oo weelka uu wax ku cunay aad ku cuni kartid haddaadan arrin caafimaad uga baqayn. Bal may noo sheegaan in uu masjidka nabiga (cs) uu Eeygu si xor ah u dhexmari jirey xilli kasta oo xitaa aan kaadidiisa biyo lagu dahirin jirin. Bal may noo sheegaan inaan la helayn asxaab Eeyga uga qaxaysa sida aan uga qaxno balse magaalada Medina sida uu doono ayuu u dhexmushaaxi jirey. Bal may noo sheegaan in nabigoo salaad ku jira Eey u soo dhawaaday uusan dhibsan, sidoo kale dhallinyaro ilma adeeradii ah inay lahaayeen Eey ay la ciyaaraan!

Illeen maan gudhay iyo garasho gurracan midna lagama gar helee sidee halxiraalahan u furaa!

dog3Ilaahay waxuu fasax ii siiyey inaan Eeyga tababarto, deedna ku shaqaysto laakiin sidee u tababari karaa haddii la yiri taabashadiisu waa nijaas! Eeygu waa xawayaan firfircoon qofkii saaxiib ka dhigtana aad ayuu ula ciyaaraa oo aalaaba saaxiibtinimada waxuu ku muujiyaa inuu ku qanqaniino, leefo, isku kaa xoqo adigana waxuu beddelkeeda kaa sugayaa inaad salaaxdid ood qaadid. Haddaba bal adigu iswaafaji yuusan kuu soo dhawaan iyo tababaro!

Waxay afka noogu tireen “Ilaahay waxuu uumay Eey ayuu ugu neceb yahay, wuxuuse ka sii necebyahay kan ka qaylisiiya!” Waa su’aale Eey muxuu ku mutaystay nacaybka ilaahay? Ilaahayse muxuu ku necbaadaa xayawaan isagu uumay, isaga u tasbiixsada aan xorriyad kala doorasho la siin, janno iyo cadaabna midnaba sugayn sideebuu u necbaadaa!

Codsi: Waan hubaa inay kugu adagtahay inaad jeclaatid Eey e, fadlan isku day inaad baqdintaa iska bi’isid, carruurtaada iyo kuwa aad waalidka u tahay ha u gudbin baqdintan garasho li’ida ah, iskuna day inaad ku dhiirri gelisid inay xayawaankaa la saaxiibaan.

Burhaan Cali

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.