Muqdisho, May 05, 2013 (WDN)- Sida ay ku warrameen dad Goobjoogayaal ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lala beegsaday kolonyo baaruur ah oo ay la socdeen wafi reer Qadar isgoyska KM$ ee magaalada Muqdisho. Gaariga qaraxa lala eegatay ayaa la sheegayaa in uu lahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Mey 04, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada Warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; IGAD oo warmurtiyeed ka soo saartay shirkii Addis Ababa, Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu noqday, wasiirka arrimaha dibbadda oo ka war bixisay qodobbadii shirkii Addis Ababa, Waddooyinkii Muqdisho oo dib loo furey, Feysal Cali Waraabe oo...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Mey 03,2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa gaaray, shirkii wasiir arrimo dibadeedyada IGAD oo Itoobiya ka furmay, Maalinta warbaahinta madaxa bannaan oo Muqdisho laga xusay iyo qodobbo kale.
RaadRaac: Tegidda Barre Hiiraale ee Kismaayo iyo Xaaladda Kismaayo
RaadRaac (WDN)Xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo, ayaanu waxan ka wareysannay afhayeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seyraar, oo sheegay in dhawaan ergada shirka ay dooran doonaan madaxweynaha Jubbaland. Seyraar waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in wax xiisado ah ay ka dhalatay tagidda Barre Aaden Shirre Hiiraale ee magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa Gaadhay
Muqdisho, May 02 , 2013 (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa oo ay kaga qaybgalayaan shir madaxeedka waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha iyo waftigiisa, ayaa waxaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Addis Abab si diirran ugu soo dhaweeyay...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo baarlamaanka la hadlay iyo taliyayaal cusub oo la magacaabay
Muqdisho, May 02, 2013 (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagay barlamaanka Soomaaliya, halkas oo uu ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneysay. Md. Xasan Sheekh oo hadalkiisa ku billaabay booqashadiisii Puntland, ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul ku dayasha mudan oo khibrad u leh hannaanka federalka,...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Mey 02, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Madaxweyne Xasan Sheekh oo baarlamaanka Soomaaliya la hadlay, wasiirka arrimmaha dibbadda Soomaaliya oo shir kaga qeyb galeysa Addis-ababa, Britain iyo Imaaraad oo lacago ugu deeqay Soomaaliya iyo qodobbo kale.
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Mey 01, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxaa ka mid ah; Afhayeenka maamulka KMG ah ee Kismaayo C/naasir Seyraar, ayaa Radio Wardheer u sheegay in ergo 500 gaaraysa ay madaxweynaha Jubbaland dooran doona, Ammaanka Muqdisho oo maalintii labaad aad loo adkeynayo, fataahadda wabiga Shabelle oo laga deyriyay iyo qodobbo...
Muqdisho oo Caawa u Muuqata Meel Bandoo ah
Muqdisho, Abril 30, 2013 (WDN)- Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa caawa u muuqata magaala bandow ah iyadoo dadka magaalada ku dhaqanna ay goor hore guryahooda ku kala xaroodeen, kadib howl gallo adag oo ay maanta magaalada ka sameeyeen ciiddamada dowladda Soomaaliya. Saaka, subaxnimadii hore ayay dadka reer Muqdisho ku soo tooseen iyadoo waddooyinka caasimaddu ay...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abriil 30, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada aad ku maqli doontaan warka waxa ka mid ah; ammaanka Muqdisho oo la adkeynayo xilli ay soo dhawdahay markii la dilay hoggaamiyihii al-Shabab Aaden Ceyrow, QM oo Danjire cusub u magacowday Soomaaliya, Boosaaso oo lagu dilay dad lagu eedeyay Shabaabnimo iyo qodobbo kale.





