Muqdisho, May 05, 2013 (WDN)- Sida ay ku warrameen dad Goobjoogayaal ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lala beegsaday kolonyo baaruur ah oo ay la socdeen wafi reer Qadar isgoyska KM$ ee magaalada Muqdisho.
Gaariga qaraxa lala eegatay ayaa la sheegayaa in uu lahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed balsa waxa la sheegay in uu xiligaasi aannu wasiirku saarnayn gaariga oo sida sheegay siday dad ka socday waddanka Qadar.
warka ayaa wuxuu intaa ku daryaa in isla markiiba ay goobta qaaraxu ka dhacay soo gaareen ciiddamada dowladda, waxeyna xiraen goobta uu weerarka ismiidaaminta ah ka dhacay iyadoo la maqlayay mararka qaar rasaas dhaceysa oo ciiddamada ridaydayeen , mana jiraan faah faahin ilaa hadda laga helayo qaabka ay wax u dhaceen iyo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Qaraxan Ismiidaaminta ah, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lagu dhuftay gaari uu leeyahay wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo xiligaasi la tilmaamay in uusan gaarigaasi saarneyn balse lagu waday wafdi reer qadar ah.
Weerarkan Ismiidaaminta ah ayaa imaanaya xili Shalay uun dib loo furay waddooyinka muhiimka ee magaalada Muqdisho ee ay ku jirto Isgoyska KM-4 ee maanta uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale ay kusoo aadaysaa Xilli hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab shalay ugu baaqay dagaalyahanada taabacsan in ay kordhiyaan Weerrarada Ismiidaaminta ah ee lagu qaaddayo dawladda iyo ciiddamada shisheeye ee taageera.
Waxaana weerarka maanta ku dhintay inlta laga war hayo ilaa 10 qof halka ay li dhaawacmeen dad intaasi ka badan, waxa ayna u badnaayeen dadkaasi kuwa rayid ah.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ay maanta shacabkaasi ku wax yeeloobeen, waxa ayna shabaabku sheegeen in ay ku dileen weerarkaa mas’uuliyiin dowladda ka tirsan inkastoo ay dowldadu dhankeeda beenisay sheegashada shabaab ee ku aaddan in ay waxyeello la gaarsiiyay masuuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa isna qarax kale uu ka dhacay dagmada deyniile ee gobalka banaadir, waxaana la soo sheegayaa in ay waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah iyo askar ka mid ah dowladda Soomaaliya.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan waxaad kala socon doontaa WardheerNews
Maxamed nuur amiin
WardheerNews
Muqdisho, Soomaaliya
