Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo wafdi uu hogaaminayaa ay ku suganyihiin dalka Turkiga, ayaa shalay kulammo gaar gaar ah la qaatay dhiggiisa iyo madaxweynaha dalka Turkiga, ayadoo dhanka kalena uu guddoomiyuhu booqday goobo ku yaala magaalada Ankara. Kulamada ka hor, ayaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisu waxey booqdeen qabriga uu...
Diblomaasi Biritish ah oo Loo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah ee Xoghayaha Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya
London, Abril 29, 2013 (WDN)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Md. Ban Kii Moon, ayaa u magacaabay Md. Nicholas Kay in uu noqda ergygiisa gaarka ah ee u qaabilsan dalka Soomaaliya. Md. Nicholas Kay oo hadda ah agaasimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka dalka Biritayn ayaa wuxuu bedeli doonaa Md Augustine Mahiga oo...
Madaxweyne Xasan oo soo gabagabeeyey socdaalkii Puntland
Garoowe, Soomaaliya, 29 Abril 2013- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey, ayaa galabta soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe ee Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno iyo mas’ uuliyiin kale, ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abriil 29, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Kullamo u socda madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Puntland Md. Faroolle, Madaxweyne Faroolle oo soo jeediyay in la maxkamadeeyo hoggaamiyayashii dagaalka ee baarlamaanka ku jira, Dagaal ka dhacay Ceel-barde iyo qodobbo kale.
Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Istanbul
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa gaaray magaaladIstanbul ee dalka Turkiga, ayadoo wafdiga Guddoomiyahana ay caawa kuwajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abriil 28, 2013 (WDN)- Warka Radio Wardheer, Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garoowe kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Somaliland oo heshiis shidaal baaris ah la gashay shirkad dalka Norway laga leeyahay, Taliyaha taraafikada Soomaaliya oo cabanaya iyo qodobbo kale.
War-saxafaadeed: Booqashada Madaxweyne Xasan ee Mombasa
(Mombasa Kenya, April,27, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax C/Qaadir....
Dagaal Khasaare Geystay oo Balcad ka Dhacay Maanta
Muqdisho, Abril 27, 2013 (WDN)- Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in ciiddamo meleteri ah iyo ilaalada guddoomiyahii degmada Balacd uu dagaal ku dhex maray magaalada gudaheeda, inkastoo markii dambe dibadda looga saaray ciidamadii taageersanaa guddoomiyah demadaa Balcad. Dagaalka oo aan la’ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay ,ayaa la sheegayaa...
Dhageyso Warka Radio Wardheer
Muqdisho, Abril 27, 2013 (WDN)-Warka Radio Wardheer–Qodobbada warka aad ku maqli doontaan waxa ka mid ah; Baarlamaanka Soomaaliya oo diidey in mowshin laga keeno wada hadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mombasa kula kulmay dhiggiisa Kenya, Dagaal ka dhacay Balcad iyo qodobbo kale.







