Diblomaasi Biritish ah oo Loo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah ee Xoghayaha Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya

Diblomaasi Biritish ah oo Loo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah ee Xoghayaha Guud ee QM u Qaabilsan Soomaaliya

kayLondon, Abril 29, 2013 (WDN)-  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Md. Ban Kii Moon, ayaa u magacaabay Md. Nicholas Kay in uu noqda ergygiisa gaarka ah ee u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Md. Nicholas Kay oo hadda ah  agaasimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka dalka Biritayn ayaa wuxuu bedeli doonaa Md Augustine Mahiga oo xilkaasi hore u hayay.

Md. Mahiga ayaa isagu ahaa nin saamayn weyn ku lahaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya xilligii ay talada haysay dawladdii KMG ahayd iyadoo marar badana ay cabashooyin ka muujiyeen qaar ka mid ah dhinacyada isku hayay siyaasadda Soomaaliya.

Ergeyga Cusub oo xilka la wareegi doona bisha Juun ee sannadkan ayaa wuxuu hore dalkiisa Safiir uga soo noqday dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo iyo Suudaan.

Dawladda Biritayn ayaa waaydan dambe dadaal ugu jirta sidii wax looga bedeli lahaa xaaladda qalafsan ee Soomaaliya ku sugnayd muddada dheer iyadoo bisha May ee foodda innagu soo haysa la filayo in shir lagag hadlayo dib udhiska Soomaaliya uu ka dhici doono magaalada London.

Dalka Soomaaliya oo muddooyinkan danbe ka soo kabanaya dagaalo iyo burbur badan oo ka taagnaa in ka badan labaatan sanno ayaa la filayaa in qaramada Midoobay ay kaalin weyn ka qaadato hawlaha dib u dhiska dalka.

 

WardheerNews, London.