Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 57
Post

DIILLINTA DHIMASHADA!

W.Q. Cabdixakiin Marayare Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho. Dharaartii aan ifka imid ayey dawladnimadii Soomaaliduna kuftay! Ma aniga ayay iga cararaysay? Maaddaama aan agoonnimo ku dhashay oo aabbahay geeriyooday qiyaastii  xilligii aan caloolgalay,waxa i habtay hooyaday Aamina oo ila soo rafaadday. Rafaadkaas bay igu korisay oo ay tacliinna igu bartay. Jawiga aan wax ku dhexbartay...

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qaybtii 3aad)
Post

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qaybtii 3aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane Laba toddobaad ka dib, waxaan ku soo laabtay gurigii hooyo Ceynabo, aniga oo walbahaar ka qaba halka xaal ku dambeyn doono. Runtii, uma aanan muuqan qof niyad-sami ku jooga. Hooyo waxay igu wargalisay in Jimcaha soo socoda lagu ballansanyahay in loo gardhigto ehellada seygaygii aan isa seegnay. Annaga waxaa xaggayaga na matalaya abtiyaashay,...

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 2-aad)
Post

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 2-aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane Si aan is kaga qaado heeryada gumeysiga aan ku jiro, waxaan go’aan buuxa ku gaaray in aan waxbarashadeydii dib ugu laabto. Gabadha la dhalatay seygeygana aan iga guur ku iraahdo, waayo war iyo dabagurid iga  deyn mayso. Aad ayey ii xanuujineysay in aan arko gabadh igu fil ah oo aroor kasta u...

Post

Maxaa loo dhisayaa, yaase loo dhisayaa dawladda Soomaaliyeed?

W/Q Maxamad Dalmar Waxaa hadda hawsheedii lagu guda jiraa dhismaha dawlad Soomaaliyeed ee cusub. Waa tii Shannad markii laga soo bilaabo dawladdii Carte ee 2000ka. Waqti badan iyo juhdi badan ayaa la galiyey sida loo dhisayo dawladdaan. Laakiin, la  isma weeydiin: 1) Maxay tahay ulajeedada aan dawladdaan u dhisanayno? 2) Yaan u dhiseynaa? Maxaa natiijo...

QADDIYADDA SOMALILAND -QAYBTII II baad
Post

QADDIYADDA SOMALILAND -QAYBTII II baad

W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan Qaybtii Labaad Bishii Maay ee sannadkii 2006dii oo ku beegnayd sannad-guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, ayey laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC du waxay qabatay dood ku saabsan Somaliland. Dooddaas oo lagu falanqeeyey gooni isu-taagga Soomaaliland cinwaankeedu wuxu ahaa: 15 sano oo aqoonsi la’aan ah...

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybta 1aad)
Post

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybta 1aad)

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane Aniga oo dhex muquuraya badweynta salalka iyo saadaasha xun, ayuu iga soo wacay teleefoonka. Waa seq dhexe xilligu, dad iyo duunyaba wax dhaqdhaqaaqaya ma jiraan. Sariirtii baldhaca weyneyd ee aan hadba doc ugu galgalanayey ayaan iska dul saaranahay. Hurdo kuma indhakuusho, mana dhadhansado, hilowga iyo harraadka aan u qabo muuqaalkiis awgiis....

Post

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Bancawseedka Maraar ilaa Harar

Tarjume & Tifatitre Boodhari Warsame Cutubkii 7baad Subaxii Deseembar 23 ahayd, ayaan hiirtii hore kulminnay safarkii loogu talo galay in uu Maraar naga gudbiyo. Dhulkan dhexyaalka ah ayaa waxaa ku kulma Ciise, Bartire iyo Habar Awal, si ay safarrayda ugu dhacaan oo ugu bililiqaystaan hantidooda. Soomaalidii argagax ayaa ku dhacay markii ay arkeen qof baxsad...

QADDIYADDA SOMALILAND (Q I): DOOD DHEXMARTAY DR. XUSEEN BULXAN & PROF AXMED I. SAMATAR
Post

QADDIYADDA SOMALILAND (Q I): DOOD DHEXMARTAY DR. XUSEEN BULXAN & PROF AXMED I. SAMATAR

W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan Bishii May ee sannadkii 2006dii oo ku beegnayd sannad-guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, ayey laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC du waxay qabatay dood ku saabsan Somaliland. Dooddaas oo lagu falanqeeyey gooni isu-taagga Soomaaliland, cinwaankeedu wuxu ahaa: 15 sano oo aqoonsi la’aan ah kadib !. Dooddu...

Post

SILSILADDII XAYDHA (Hormadii 4aad)

W.Q. Shaafici Qaasim Nuur Aan halkaygii kasii wado taxanihii ku saabsanaa gabayadii Xaydha, innagoo dul istaagi doonna gabaygii toddobaad ee laga tiriyo silsiladdan. Jeerkan waxaa meertadii kusoo noqday Xirsi Cali Buraale (Xirsi-Caamir), oo ahaa xuddunta uu ka unkamay asaraartan kan oodda jebiyey. Xirsi-Caamir waxa uu markan daba joogaa go’aankii Maxamed Nuur Abokor (Huube) ee ahaa...

Post

Yasiin Toojle (Q.2aad)

W.Q. G. Cismaan Gelin hore buu Yasiin hurdada ka kacay, maalintu na Axad bay ahayd. Dhawaaqa gambaleello fogfog baa dhegahiisa ku dhacaayay subaxaas. Hal mar bay ku soo dhacday, illeen dal Kirishtaan ah buu soo galay habeen hore! Hoolka cuntada buu kula quraacday tahriibeyaal kale. Quraac waxaa u noqotay booraj iyo kafee. Ugu yaraan boqol...