Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Yasiin Toojle (Q.2aad)

W.Q. G. Cismaan

Gelin hore buu Yasiin hurdada ka kacay, maalintu na Axad bay ahayd. Dhawaaqa gambaleello fogfog baa dhegahiisa ku dhacaayay subaxaas. Hal mar bay ku soo dhacday, illeen dal Kirishtaan ah buu soo galay habeen hore! Hoolka cuntada buu kula quraacday tahriibeyaal kale. Quraac waxaa u noqotay booraj iyo kafee. Ugu yaraan boqol nin baa ku quraacanaysay hoolkaas. Afrikaan aad u tiro badan buu Yasiin ku arkay meeshaas. Waxaa asaga soo ag fariistay nin Eritareyaan ah. Salaam calaykum, buu ninkaan Yasiin ku salaamay. Waa calaykum salaam, buu asna ugu jawaabay. Wax kale la isma dhihin.

Cara MinŽo. This former residence of US NATO forces, lost in the middle of citrus groves became the largest center for asylum seekers in Europe, in the area of Cara, in Sicily, Italy, on January 25, 2015. Photo by Olivier Jobard/Transterra Media

Eritareyaanka meesha waa ku badnaayeen. Yasiin wuxuu arkay in nimankaas ay raxan raxan u socdaan markii uu bannaanka u baxay. Xerada oo waagii hore, Hoteel ahaan jirtay waxay lahayd waqtigaas berkad weyn oo lugu dabaasho. haddaba lbarkaddii oo mar hore biyaha laga daadiyay, oo maran, baa noqotay meel ay qaxootigu  ag fariistaan galab walba. Meeshu waxay noqotay meel la isku barto oo lugu sheekaysto. Bisha maajo baa lagu jiray oo xiligii kulaylaha weli lama gaarin. Jasiiradda siishali aad bay u kulushahay markaas. Meesha ay ku taal xerada qaxootigu waxay lahayd beer balaaran oo dalcad saaran. Yasiin waxaa u muuqatay, intuu barkadda maran ag taagnaa, meelo fog fog oo xerada ka baxsan. Dhowr bisadood baa ku nasanaayay hooska geedaha beertaas.

Afrikaan madow oo tiro badan baa bannaanka uga baxday xerada barqadaas. Gadaal buu Yasiin ka ogaaday in ay kaniisad hal kiilomitir u jirta xerada ay lug ku aadeen. Dalalka Itoobiya iyo Suudaan buu ku arki jiray dad krishtaan ah laakiin Talyaaniga wuxuu indhihiisa ku arkay, markii ugu horraysay, dad ka soo jeeda dalal kala duwan oo krishtaan ah oo hal meel wada jooga.

Qaaradda Yurub oo dhan waa krishtaan. Maxaa talo ah? Yasiin wax badan kama garanayn dhaqanka reer Yurub. Wuxuu qabay wal wal in sheekado gadaal kaga xumaato.

Qolkiisii buu ku laabtay. Taleefonkii toojlaha ahaa buu kala soo baxay boorsadiisa cusub. Wuxuu is waydiiyay, Yaa waayo qofkaan igu ciyaaraya? Yasiin wuxuu damcay in uu jawaab u diro qoladii farriimaha u soo diray. ALLAHAAGU HADDII UU ALLE YAHAY YAA TAHAY? Farriinta Yasiin way baxday laakiin in ay waali cad tahay in uu fariintaas u diro cid uu san garanayn buu gadaal ka dareemay.

Shan diqiiqo kadib jawaab baa u soo dhacday. “MACALLIN TOOJLE BAA LA I DHAHAA. MA OGTAHAY IN DIIMO KA DA’ WEYN TAN KRISHTAANKA AY LAHAAN JIREEN REER YURUB OO QAARADDA GUDAHEED WELI LOOGA DHAQMO DHAXALKAAS? HADDII AY MACQUUL KULA NOQOTO WAXAAN DIYAAR U AHAY IN AAN KU TUSO DHAQANKA DHABTA AH EE REER YURUB”. Yasiin waa yaabay. Dhaqanka dhabta ah ee reer yurub? Micnahu muxuu noqon karaa? In uu si rasmi ah u ogaado Yurub waxay tahay xiiso buu u qabay, laakiin Yasiin wuxuu ka gaabsaday in uu mar labaad farriin diro.

Yasiin wuu soo waysaystay kadibna salaaddii duhurka buu la tukaday muslimiinta xerada kula nool. Bacda salaad waxaa si tartiib tartiib ah xerada ugu soo laabtay tiradii nimanka afrikaanka ahaa oo dibedda ku maqnaa.

Haddii Yasiin sii joogo Yurub waa sax in uu wax ka fahmo fikiradaha kala duwan oo sabab u ah horumarka reer Yurub ay gaareen. Go’aan wuxuu ku gaaray in macallinka uu farriin cusub u diro, asaga oo  leh waxaan doonayaa in dhaqanka dhabta ah ee reer Yurub aan wax ka fahmo. Qolka yar oo la siiyay buu salaaddii casar ku tukaday.

Galabtaas waxay nimanka kale u sheegeen Yasiin in Isniin walba maamulka xeradu ay shan iyo toban doollar siiyaan qaxootiga meesha ku sugan. Lacagtu waxay ka timaadaa dowladda Talyaaniga, oo waxaa loogu talogalay in ay waxyaabaha yaryar ee ay u baahanyihiin ay ku gataan dadka qaxootiga ahi. Niman badan baa sigaar ku iibsada lacagtaas. Hal baakad oo sigaar ah wax ka badan bay qofka u goysaa markii xeradda qaxootiga lagu dhexnoolyahay!

Galabgaabka markii la gaaray, Yasiin shaah buu ka cabbay meel maqaayad ah oo ka basxsan xeradda. Waxaa isla fadhiyay waqtigaas, oo na shir u socday, niman badan oo Afrikaan iyo Carab ah. Waxaa laga shiraayay habkii looga soo dhex saari laha nimanka qaxootiga ah oo meeshaas ku sugan, qof afhayeen u noqda oo la macaamila saraakiisha dowladda Talyaaniga. Waxaa la isku afgartay in toddobaadka soo socda ay doorashada afhayeenka qaxootiga ka dhici doonto xerada gudaheed. Shirka galabtaas halkaas lugu ma xirin. Waxaa loo gudbay qoddob xasaasi ah: wacyigelinta dadka ku cusub xerada qaxootiga. Yasiin waqtigaas dadka cusub buu ka mid ahaa. Nin dheer oo sheegay in uu kasoo jeedo Kamaruun baa istaagay. Khudbad buu Af Ingiriis ugu akhriyay dhammaan dadkii meesha wada fadhiyay.

Ninkaas dheer wuxuu hadalkiisa ku billaabay in uu soo dhaweeyo dadka meesha ku cusub, wuxuu ku daray in xerada gudaheeda ay mumnuuc ka tahay in wax diimaha taabanaaya laga doodo, maxaa jira dad badan oo aan isku dhaqan ahayn baa meeshaa isla deggan. Wuxuu kula dardaarmay dadka cusub in ay nabadda xerada ilaayaan oo ay ka fogaadaan wax walba oo colaad keeni kara. Wuxuu ku casuumay nimanka cusub in doorashada afhayeenka ay ka qeyb qaataan. Wuxuu u caddeeyay caadi in ay tahay muddo lix bilood gaaraysa in lagu sii jiro xeradda laakiin, inta badan, in dadka ka hor la fasaxo.

Ninka reer Kamaruun markii uu dhammaystay khudbaddiisa waxaa istaagay nin Suuriyaan ah. Ninkaas wuxuu ka hadlay xaaladda guud ee dadka qaxootiga ah oo badda ku dhimanaaya maalin kasta. Qiyaas ahaan, buu yidhi, boqollaal baa maalintiiba ku dhimata baddaas oo ay qaar ka mid ah dadka meesha fadhiya ay kasoo gudbeen. Wuxuu sheegay in musiibo ay tahay waxaan. Wuxuu nimanka meesha fadhiyay ka codsady in aysan ilaawin wixii ay badda kala kulmeen marka ay ku guulaysteen in dalalka Yurub ay u gudbaan. In madaxa lagu hayo mar walba dhibaatada ay soo wada mareen.

Yasiin wuxuu ku laabtay xeradii marka shirka loo xiray nimanka maqaayada fadhiyay. Wuxuu u lugeeyay hoygiisa cusub oo dalcadda sarnaa. Afar boqol oo mitir baa u dhexaysay maqaayadda iyo xerada qaxootiga. Ganjeelka xerada buu ka gudbay. Kursi ag yaal barkaddii lagu dabbaalan jiray waqtigii hore, oo noloshu macaanayd, buu ku fariistay. Goobtu cidla’ bay ahayd fiidkaas. Yasiin waxaa dhegihiisa ku soo dhacaya qosolka, iyo qeylada, ka yeeraysay niman gudaha talafishin ku daawanaaya. Waxay daawanaayeenciyaarta  kubadda cagta.

Taleefon gacmeedkii badda dhexdeeda ka soo raacay buu Yasiin jeebka kala soo baxay. Farriin buu u qoray macallinka. “WAXAAN DOONAYAA IN AAN WAX KA OGAADO DHAQANKA DHABTA AH EE REER YURUB”. Wuu diray farriintaas. Waa la arkidoonaa jawaabta uu helo.

W.Q. G. Cismaan
Email: v1300e@gmail


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.