W.Q. Shaafici Qaasim Nuur Hal-qabsi ayaa hadal meceeya e, waxa la yidhi beri hore ayaa islaan baa inanteedii curad waxa ka guursaday nin reer miyi ahaa oo jamaal iyo joog Ilaah u dhammeeyay, afarta maal adduunyana wax ka haystay. In muddo ah markii ninkii iyo inantii wada joogeen, Rabbina aanu sarrifin, ayaa subaxii danbe islaantii...
Taariikh Kooban: Cusmaan Geri
W/Q Faysal Cabdi Rooble Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun. Waxaa markay taariikhdu ahayd bishan August 24, 2016, magaalada Seattle ee gobloka Washington USA ku geeriyooday Alaha u naxariisto Cusmaan Yusuf Xaaji Aadan (Cumaan Geri). Cusmaan waxa uu ahaa markii uu geeriyooday 70- meeyo welina aan sideetankii gaadhin. Cusmaan waxa uu ka mid ahaa odayaasha...
Waa Salafi!
W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad Waxay ahayd billowgii sannadkii1991kii. Nin qalad sameeyey ayuu la yaabay. Nin kale ayaa ku yiri: qaladku waa ka dhacaye waa nin salafi ah . Intuu si qummaati ah u eegay ayuu yiri: waar ma ninka beenta sheegayaa Salafi ah?!. Alle ha u naxariisto ninkii hadalkaan yiri , xilli hore ayuu dhintay....
Jan. Maxamed Cali Samatar: Waddani Xasuus Muddan
W/Q Cabdiya Sheekh Axmed Qof walba waa uu tagi mowdkana waa uu la kulmi, balse waxaa muhim ah waxyaabaha qofka ummaddu ku xasuusato sida iimaankiisa, waxqabadkiisa, beni’aadannimadiisa, dad la dhaqankiisa, cilmigiisa, caqligiisa, sama ka talintiisa, wadaninimadiisa, geesinimadiisa, deeqsinimadiisa iwm. Qoraalkan gaaban waxaan ugu tala galay in aan ku xuso shakhsiga qiimaha badan ee ummaddeena ka...
Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 5-aad)
W/Q Cabdicasiis Maxamad Shidane Markii la soo gaaray xilligii aan safarka ugu ambabixi lahaa dalka Suudaan, waxaa ila soo daristay baqdin iyo walbahaar horleh. Baabuurka na qaadayaa wuxuu baxayaa saq dhaxe. Waxaa nalagu aruuriyay guri mugdi ah, waana meesha aan ka soo dhaqaajinnay. Waxaan ka koobneyn toddobo iyo tobban qof. Shan dumara iyo tobban iyo labo rag ah, oo ay...
Xus Jacayl! (Gabay)
Waxaa tiriyay Kayse-Galaydh waana gorfayntii Cabdixakiin Marayare Xus jacayl waa tix tilmaamaysa figta ugu sarraysa ee jacaylku gaadho amma gaadhi karo. Jacayl keliya ma ahan ee waa naf u lagdan naf kale oo ay bidaysa weheshi. Jacaylku sidiisaba wuxuu dhib iyo kadeed badaa laba qof oo dhul ahaan kala fog dareen ahaanse isku dhow...
Dambigii Dahsoonaa (Sheeko Gaaban)
W.Q. Khadar Iimaan Cige Wuu dhintay! Maxaa ku dhacay? Wadnahaa istaagay siduu isaga gataw-gataw lahaa habeenkii jimcaha xilli dambe ayay ka baxday tii xumayd! Ma wadno xanuun buu lahaan jiray? Mayee wadna xanuunna muu lahayne mar keliya ayuun baa jaq laga siiyay siduu isaga joogay ayaa la yidhi! Dadkii imika mawtalqaflaa dhammeeyay, sidaasaa dhabbada loo...
Saygii Saaqidka Ahaa (Qaybtii 4aad)
W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane Waxaan si qumman ula qabsaday shaqadii booyaasnimada ahayd ee aan ka billaabay Kenya. Dhaga-hadal iyo quursi kama marnayn shaqada aan qabto, waliba marka aan u sheego dadka qaar shaqadayda. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana wax badan aan ka dheefay shaqadaan. Waxaan ka nafisay oo iga yaraaday cadaadiskii naftayda saarnaa, waxaanan aaminay...
Xabaallaha Nasashada!
W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Waxay dhex fadhiyaan xabaallo. Haa, xabaallo gaboobay oo ay quruumo waa hore dhintay ku duuganyihiin ayaa dhan walba kaga hareeraysan. Haseyeeshee kama muuqato dareen ah in ay xabaallo dhex joogaan. Badh kuraasta lagu nasto ee hareeraha waddolugeedda xabaallaha dhexmarta ayay fadhiyaan iyagoo aad u faraxsan, sheekaysanaya ama talefoonnadooda gacanta ku foorara...
Si Aanay u Gaboobin (Sheeko Gaaban)
W.Q. Ayaanle Hoori Dhan walba ayuu indhaha u jeedaaliyay. Kursi bannaan ma arko. Si bay, maanta, makhaayaddu u dad badan tahay. Waa Khamiis. Waa maalinteedii. Haaye, xataa Khamiisaha, awal sidan umay buuq badnayn. Maxaa si ah? Isaga oo wali taagan, isla hadlaya, oon dhanna u dhaqaaqin bay laba nin oo dhanka waddada ugu xigaa kuraastoodii...


