Tuesday, April 30, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Bancawseedka Maraar ilaa Harar

Tarjume & Tifatitre Boodhari Warsame

Cutubkii 7baad

Subaxii Deseembar 23 ahayd, ayaan hiirtii hore kulminnay safarkii loogu talo galay in uu Maraar naga gudbiyo. Dhulkan dhexyaalka ah ayaa waxaa ku kulma Ciise, Bartire iyo Habar Awal, si ay safarrayda ugu dhacaan oo ugu bililiqaystaan hantidooda. Soomaalidii argagax ayaa ku dhacay markii ay arkeen qof baxsad ah oo xeradeennii isaga oo qaawan ku soo dhex dhacay, ka dib markii uu lafahiisa dirqi ku la soo baxsaday. Ma ahayn safarkayagu mid  aan waxba laga dheefayn ee  hargo yar iyo tebbedo subag sixin ah oo loo sitay in lagu beddasho Haruurka beeralayda Geri ayaa raran. Sidaa oo ay tahay, waxa ugu yar ee burcaddaasi ay dheef bidaan si kal iyo laab ah ayay u marooqsadaan. Hantidayadu waxay ka koobnayd afar ama shan rati oo beer laalan, qiyaas ahaan 50 dameer oo dhegaha laga suntay iyo wehelka aan waligood laga ag waayin carriga Soomaaliyeed, waa dumar sirqo ah e. Habraha waxay u muuqatay in lagu xusho da’, foolxumo iyo xoog. Maalintii oo dhan ayay ilmahoodii oo ay dhuugag ku xambaarsanyihiin dhabarka ku sidaan, isla markaana qaadaan alaabooyin culculus, iyaga oo aan waxba daal ahi ka muuqan. Waxaa kuwaa ka mid ahaa badwiyad laga dhintay oo lagu garanayay ”Weerka”[1] cad, waa falliiq mayrax ah oo gambadeeda xayrta leh lagu dul xiro….

Richard BurtenGeriga buuralaydaas deggani Daarood ayay ka soo jeedaan, sida ay u badanyihiin Soomalida negi, waxuuna ku abtirsadaa Koombe. Dagaal aan waxba la isu la harin oo ay Oromada ku qaadeen awgiis ayay si isa soo taraysa Maakhir oo degaankoodii asalka ahaa ahayd galbeed uga guureen. Hadda waxay dhanyihiin 5000 oo gaashaan, qiyaastii 180 degmo ayay deggenyiin, waxaana lagu tiriyaa in ay awoodda ugu sarraysa carriga yihiin. In kasta oo ay Habar Awasha heshiis la yihiin, Gerigu dhif ayay oogada uga soo degaan in daaq la’aani ku khasabto gubanta mooyee. Buuraahaas waxaa kale oo iyana dega Oromada iyo qabiillada Soomaaliyeed ee Bartire, Bursuk, Sheekhaal, Hawiye, Udbayahan, Marreexaan iyo Abasguul. Oromada Harar iyo agagaarkeeda degta waxay u qaybsantaa afar jilib oo sida caadada ah lafo badan u sii kala baxa. Aaladu xagga galbeedka ayay ilaa magaalada ka soo fiddaa, Nooluhu waxay degaan dhulka xagga bariga iyo waqooyiga bari dhaca, meel ilaa laba maalmood loo kala socdo Ciise Soomaali iyo Harar, xagga koofureed waxaa dega Baabiliga iyo Jaarsada Wilensi, Sagarrah, iyo Kondura. Waa carri bogagga qoraalkan lagu tilmaamay. Bartiraha oo dega Silsilada Golis ee koofurta Oromada deris la ah, sidaana ugu fidsan xagga bari, ilaa lagu geeyo buuraha Jigjiga, waxaa lagu qiyaasaa 3000 oo gaashaan. Daarood ayay ka soo jeedaan, waxayna hoos tagaan Garaad Xirsi. Markii aan dhulkan socdaalka ku tegay Geriga ayay col ahaayeen. Garaadka qoyskiisu dhowr fac ayay xiriir la lahaayeen Amiirrada Harar, waddada safarka ganacsi ee Berbera iyo Harar isku xirta oo dhulkiisa martana waxay ka dhigaysaa garab la xulufaysto iyo cadow laga baqo. Garaad Xirsi, warbixinno kala duwan ayaa laga bixinayay: qaar waxay lahaayeen waa ma jixinjixe iyo laayaan dhuuni ah; kuwo kalena waxay ku ammaanayeen in uu nin Alle ka baqa oo ehelusalaad ah yahay. Si ay ahaataba, dhammaan waxay isku raaceen in uu dhallinyaranimadiisii ardaalnimo mug leh ku soo dhiiqsaday. Si uu u dambidhaaf uga ajarsado, wuxuu caadaystay in uu Wadaaddada quudiyo, Sheekh Jaamaca Harareedna joogto ayuu reerkiisa marti ugu ahaan jiray. Bursuqu waxay dhanyihiin 5000 oo gaashaan, garaad ma leh, 1854-tii na dagaal ayaa Geriga, Bartiraha, iyo gaar ahaan Oromada kala dhexeeyay. Dhulkaan aanooyinku waa ka duwanyihiin sida kuwa gubanta. Reer oogadu, sida Yawmul Qiyaame uu u dhigay, saddex maalmood bay dagallamaan saddex kalena waa heshiiyaan. Qabiillada reer xeebeedku iyagu si degdegga ah isu ma beddelaan; taa waxaa u dheer diyada ay kala qaataan, wax aan halkan laga aqoon. Sheekhaashu waa Soomaalida kaliya ee buuraha dega oo Dir iyo Daarood aan midna ka soo jeedin. Iyaga oo sheeganaya in ay Khaliif Abu Bakar ka soo jeedaan ayay ku doodaan in 10 fac ka hor uu nin Aw Qudub ina Fiqi Cumar la yiraahdo uu ka soo gudbay xagga Xijaas oo uu Bariga Afrika la soo degay lixdiisii wiil ee kala ahaa Cumar-wayne, Cumar-yare, laba Cabdillaahi, Axmad iyo Siddiiq. Qabiilkan wadaaddada ahi waxay ku kala dhex firiqsanyihiin dadkooda, sidii Levi21, waxayna ku baaheen Cifaat ilaa Ogaadeen. Lafahooda waawayn waxaa ka mid ah Aw Cumar oo ah kan u wayn iyo Bah Dumma oo ah tan ugu yar.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan-Sahankii Rchard Burton – Cutubkii 7baad: Bancawseedka Marar ilaa Harar

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame

Email: [email protected]
_________

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.