Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 28
Post

Isdubashada Soomaalida

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Fallaadhaha qorraxda ee daaqadda ka soo galaya waa kuwo aad ku indho-daarandaraysid. Marka aad furtidna neecow macaan ayaa ku saaqaysa. Cirku daruur ma leh. Waa maalin qurux badan oo cimiladu ku farxad gelinayso naftuna jeclaysanayso in aad dibadda u baxdo. Nasibi darro dariiqyadu waa madhanyihihiin oo  cid socotaa ma jirto. Dadka...

Post

Wasiir Goodax Gaarsii Warkayga!

W/Q.  Aadam Cabdiraxmaan Waxaa dugsi iyo ii dhigta 5 carruur ah , 3 kalana  Jaamacadaha ayay ku jiraan. Waxaan leeyahay makhaayad, biilasha  qoysaska iyo caruurta wax barashadooda way ku filantahay oo cidna gacanta uma hoorsado. Waxbarashada cunug kasta waxaa iiga baxda bishii 70 doolar celcelis ahaan. Waxaa hadda si xoog ah hoos ugu dhacay dakhligii...

Saddex iyo labaatanka Abriil: Saaxiibbada Buuggow, Salaan Guddooma!
Post

Saddex iyo labaatanka Abriil: Saaxiibbada Buuggow, Salaan Guddooma!

W.Q. Dr. Maxamed D. Afrax Waa qalin-la-bood ay igu baraarujisey bilashada Maalinta Caalamiga ah ee Buugga iyo xuquuqda Hanti-maskaxeedda, 23 Abril, oo ku beegantay maantadan. Waa munaasabad mudan in lagu baraarugo, si weyn loo bilo, la isku boorriyo waxa ay u taagantahay, loogu hambalyeeyo bahda ay sida gaar ahaaneed u khusayso: bahda qalinka iyo qoranayaasha;...

Post

Siciid Jaamac Xuseen“Faras”- Haldoor Ku Dayasho Mudan

Odhaahda Tifaftirka– WDN: Waxa sharaf iyo qaddarin noo ah in aanu qormadan ku maamuusno Macallin, Haldoor, Qoraa iyo Hal-abuur aad ugu weyn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed- waa Ustaad Siciid Jaamac Xuseen. Sidaa darteed waxa aanu idinla wadaageynaa qoraallo kooban oo dad badan oo mug ku leh Soomaali, oo ay Siciid  wadashaqeyn iyo isbarasho dhexmartay, ay...

Post

Tumis Xeeldheer: Xudeydi, Noloshiisii Cuudka & Waayo Kale

W/Q. Bare Sare Axmed I. SamatarTurjumid: Cabdiqani Ismaaciil & Cabdicasiis Guudcadde Wuxuu mudnaanta kala mid yahay qof kasta oo Soomaali ah oo sameeyey wax qarankiisu ku faani karo. Isaga oo weli dheer, dhabarkiisu toosan yahay, tallaabadiisu xooggan tahay, maskaxdiisuna si buuxda u soo jeeddo, cuudyahanka ugu weyn Soomaalida ee hadda nool, Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi),...

Post

FARQIQA LABADA NIDAAM DOORASHO EE 2020/2021 OO MIDNA GOLAHA WASIIRRADA EE JFS ANSIXIYEEN, MIDNA GOLAHA SHACABKU ANSIXIYEEN

W/Q. Xildhibaan Fawzia Yusuf  X. Adam HORDHAC Soomaaliya waxaa helay dib u dhac saameeyay dhammaan haykalkii dawladnimo iyo hannaankii geeddi – socodka hore u marka shacabka.  Siddeed sano (8) ayaa laga joogaa wakhtigii Soomaaliya ay ka baxday ku-meel gaarnimo, konton sanona waxa laga joogaa wakhtigii ugu dambeeyay ee doorasho xor ah oo xalaal ah amma...

Su’aasha Gobollada Bariga Somaliland: Maxaa Xal Ah oo Ay Hargeysa Haysaa?
Post

Su’aasha Gobollada Bariga Somaliland: Maxaa Xal Ah oo Ay Hargeysa Haysaa?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed Bishii Ogost 2019, ayaa taliyaha ciidamada Somaliland (SL), Nuux Taani ku baaqay in xubnaha ka tirsan ciidamada ee ka soo jeeda beelaha qaarkood, fadhiyana deegaannada Bariga Somaliland aan loo baahnayn, ee ay iska tagaan, halkii ay rabaana aadaan. Waxa uu taliyuhu intaa ku daray in ciidamadii deegaanka Badhan fadhiyey ee maalmahaa...

Post

Hormuud iyo Hableheenna

Zaad , EVC , Sahal iyo E-Dahab W.Q. Aadan Cabdiraxmaan Wuxuu ka mid noqday Telefoonka gacantu nolosha. Waxtar iyo waxyeello labadaba, dhaqaale iyo dhaqan bi’is, hawl fududayn iyo hagardaamo wada socda ayuu sidaa, Telifoonkan qof kasta oo qaangaar ah uu maanta gacanta ku sito, adeegyada faraha badan ee ay Hormuud iyo shirkadaha la jaadka ahi...

Post

Dubashada Soomaalida

W.Q. Idiris M. Cali Muddo ayaan sugayay in maqaalkan oo kale uu soo baxo. Judhaba magaca loo bixiyay baa maankaaga gadaya: “When Religion and Culture Kill: COVID-19 in the Somali Diaspora Communities in Sweden”—Marka ay Dhaqanka iyo Diintu [Dadka] Dhagraan! Wuxuu maqaalku ku furmayaa sahan: Soomaalda Iswiidhen waa 0.69% dadka dalkaas ku nool; balse dadka...

Post

Maxay isku Hayaan Xukuumadda DDS iyo Ururka ONLF?

W.Q. Xasan Keynaan Maxaa dhexyaalla Xukuumadda DDS iyo ONLF? Maxay isku hayaan Madaxwayne Mustafa iyo Guddoomiye Maadey? Suura gal ma tahay in la dhexgalo khilaafka dhexyaallana la soo afjaro? Yaa dhexgali kara oo ka mira dhalin kara? Waxaan isku dayi inaan ka jawaab su’aalahan. Waxaan idinla wadaagi xogo badan oo muhim ah oo aan goob...