Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Somali Music

Tumis Xeeldheer: Xudeydi, Noloshiisii Cuudka & Waayo Kale

W/Q. Bare Sare Axmed I. Samatar
Turjumid: Cabdiqani Ismaaciil & Cabdicasiis Guudcadde

Wuxuu mudnaanta kala mid yahay qof kasta oo Soomaali ah oo sameeyey wax qarankiisu ku faani karo. Isaga oo weli dheer, dhabarkiisu toosan yahay, tallaabadiisu xooggan tahay, maskaxdiisuna si buuxda u soo jeeddo, cuudyahanka ugu weyn Soomaalida ee hadda nool, Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), waxay da’diisu ku dhawdahay siddeetan sano. Sida ku dhawaad milyan qof oo kale oo dadkiisa ah, wuxuu ka soo qaxay qalalaasaha ka taagan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waa 27 Diisember, 2007. Hadda ayaannu dhammaynnay qado macaan oo wakhti dheer qaadatay oo aannu ka cunnay mid ka mid ah hudheellada ugu fiican ee Hindida ee Landhan ku yaalla, kaas oo wax yar u jira Madxafka Biritishka.                                                         

Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi)

Xudaydi wuxuu burjiga kala mid yahay André Segovia, giitaarlihii Isbaanishka iyo adduunkaba caanka ka ahaa, kaas oo aaladdaas ku daray kaydka muusigga kalaasiigga ah. Haddii Xudeydi uu ka dhalan lahaa waddan intan adduunka uga furan, waxaa loo tixgelin kari lahaa Segovia-ha cuudka—caan, hodan, iyo ka badan.

Qolkayga hoteelka aan deggenahay ayaannu wada fadhinnaa maalin uu deggen yahay jewiga Landhan; mid ka mid ah kabannadiisa ayaana si jacayl leh u saaran laabatadiisa gacanta bidix, gacanta weyn ee caanka ah ee midig faraheeduna waxay u dhaqdhaqaaqayaan inay taabtaan kabanka oo ay hal mar ina geliyaan xaalad isugu dhafan beerqaad iyo dareentaabad.

Waa hubanti in Xudeydi yahay nin hibo leh, cuudyahan xirfad sare leh, kaas oo aan awoodin keliya inuu ka shanqadhiyo xadhkaha cuudka, ha se ahaatee sidoo kale caddeeyey inuu awoodo allifidda heeso yaab leh oo waddani iyo jacaylba ah. Intaa waxa dheer, in aqoonta uu u leeyahay tumista muusiggu ay ka mid tahay kuwa ugu ashaqaraarsan, xaglinba ha noqotee. Haddii la milicsado nolishiisa faneed, waxa adkaanaysa in awooddiisa farsamo ee caqiibada leh laga sooco dun-wanaaggiisa iyo ka-falcelintiisa cabqarinnimada leh ee xaaladaha ku gedaaman.

Arrintani waxay si gaar ah u soo baxaysaa markaynu eegno sannadihii badnaa ee uu qaxoontiga ahaa, dhaqaale ahaanna liicliicayey. Waxa laga yaabaa astaamaha kore inay yihiin qayb ka mid ah tayadiisa qofeed.

Xudeydi wuxuu marti rasmi ah ka ahaa Machadka Macalester xagaagii 2004, kolkii isaga, oo ay weheliyaan fannaaniin kale, sida Faadumo Qaasim Hilowle iyo Cabdinuur Allaale, ay si dhammaystiran uga ciyaareen madasha Concert Hall. Intii lagu guda jirey xafladdan Landhan, waxaan jaanis u helay inaan ku qanciyo inuu i soo booqdo oo uu su’aalo door ah iiga jawaabo. Iswaraysiga waxaannu ku yeelannay Af Soomaali.

AIS: Soo dhawoow, Mudane Xudeydi.

X: Waad mahadsan tahay, Barafasoor Axmed.

AIS: Intaynnaan hore u socon, erayga Af Soomaaliga ah ee ‘fan’ muxuu adiga kaaga dhigan yahay?

X: Fan wuxuu u taagan yahay waxqabadyo hal-abuur ah, kuwaas oo halkooda ugu xiisabbadan, ama ugu soojiidasho badan, taagan, una qalma in la soo ifbixiyo. Jiritaanka noocan ahi wuxuu filiqsan yahay, marka si weyn loo fiiriyo, laga bilaabo xirfad sare-u-lahaanshaha tumista qalabka muusikada ee foodhida, cuudka, durbaanka; cod fiican ku heesidda; samaynta riwaayadaha iyo maansada; ilaa xaradhka, iyo qoraal wanaagga. Haddii la soo koobo, ‘fan’ wuxuu noqonayaa hal-abuurnimo tayo sare leh—awood loo bogo, taas oo indhasarcaad ku dhow.

AIS: Sidee baad ku noqotay cuudyahan?

X: Laga soo bilaabo kolkii aan aad u yaraa ee aan joogey Cadantii Biritishka [ee Yemen], waan aqaanney inaan xiiso u hayo muusigga. Kol kasta oo aan arko askari boolis ah oo tumaya durbaan, oo gaardiyaya, waan ku carari jirey, daba socon jirey, waxaanan malaysan jirey anigoo noqday mid ka mid ah kuwa durbaanka tumaya. Mawjadaha ayaa i qaadan jirey, aniga oo aan socodka iyo wakhtigaba dareensanayn, ilaa qof qoyska ka mid ahi uu i soo qabto oo guriga i keeno. Kolkii aan iskuulka hoose ku jirey, mar kasta oo aan fursad u helo waxaan miiskayga looxa ah korkiisa ka dhigan jirey durbaan, iyaga oo faraha labadayda gacmoodba sugi kari la’ inay tumaan. Waan ku yara fiicnaaday tumista, ardaydii aanu isku fasalka ahaynna way la dhaceen. Dabadeedna arrin aad u muhiima ayaa dhacay: waxaa Cadan yimid nin magaciisa la dhaho Cabdillaahi-Qarshe.

AIS: Ma waxaad u jeeddaa Qarshihii halyeyga ahaa? Ninkii codadka u sameeyey heesihii hore ee waddaniga ahaa ee ay ka mid ahaayeen ‘Qolaba Calankeedu Waa Caynoo’ iyo ‘Aqoon La’aani Waa Iftiin La’aan’?

X: Haa! Laakiin kolkaas wuu yaraa, caanna ma uu ahayn—caannimaddiisa oo dhammi waxay ahayd sannado farabbadan ka dib. Cadan ayuu ku koray, laakiin wuu ka tagey, sumcad ayuuna kula soo noqday isaga oo ‘fannaan’ ah. Judhiiba waxaan go’aansaday inaan soo jiito, waxaanan weyddiistey inaan darbuugadda u garaaco kolka uu cuudka tumayo. Markan, Qarshe xirfad badan u ma uu lahayn tumista, laakiin wuxuu ahaa Soomaaligii ugu horreeyey ee halkaa joogey ee si cad oo dhammaystiran u waajaha caqabadda ee, weliba, bilaaba inuu qaado heeso lid ku ah gumeysiga. Si dhakhso ah ayaan ula kulmay. Maalin, annaga oo si caadi ah isaga fadhinna, ayaan bilaabay in aan kabankiisa taataabo, oo aan salsalaaxo. Si dhakhso ah ayuu ii arkay, kabankiina si debecsan ayuu iiga qaaday, dabadeed wuxuu i weyddiiyey wixii uu aabbahay ii iibiyey markaan iskuulka gelayey. Waxaan u sheegay in shayadii la ii gaday ahaayeen buug iyo qalin-qori. Waa arrin fiican, ayuu yidhi Qarshe, laakiin wuxuu sidoo kale ii sheegay in aan iibsado kaban aan ku barbarto. Taladaas laabta ayaan ka qaatay, in yar ka dibna kabankayga ayaan haystey.

Xilligaas muhiimka ahaa, Qarshe wuxuu ii ahaa fure—casharro i ma uu siinnin, laakiin wuxuu igu dhiirrigeliyey, iguna tabaabulsheeyey, in aan barashada bilaabo. Markaa aan kabankayga iibsadey, labadii fannaan ee xirfadda i baray waxay ahaayeen marxuum Cabdi-Afweyne (oo Jabbuutina masrixiyado ka sameeyey) iyo Xasan Nahaari—waa magacyo taariikhda masraxa Soomaalida ku ladhan. Qalabka way soo kiraysan jireen markay u diyaargaroobayaan, ama dhigayaan, masrixiyadda. Maaddaama aan anigu haystey kabankayga ii gaarka ah, waa ay ii baahnaayeen, sidaa awgeed waxaan helay fursado badan oo aan ku tababbarto. Saddex bilood oo ‘barasho xooggan’ ah ka dib, kalsooni ayaan helay, isaga oo magacayguna noqday mid si badan loola xidhidhiidhiyo qalabka. Waad fahmi kartaa, Axmed, tumidda kabanku waxay aad ugu tiirsan tahay miisaanka habdhaca. Mar kasta oo qofka wax tumaya uu xooggan yahay dareenkiisa hoose ee habdhaca la xidhiidhaa, waa mar kasta oo codkuna wanaagsanaado. Waa taa sirta ku jirtaa.

AIS: Habdhac, maxaa laga wadaa?

X: Habdhacu dhawr wax ayuu ka kooban yahay, laakiin laba ayaa ugu muhiimsan, siday ila tahay: awoodda tumista iyo wakhtiga ama dhaqaaqa taabashada. Ka hore waa natiijada kulanka aaladda/qalabka iyo xubinta ku habboon ee jidhka banii’aadamka; ka labaadna wuxuu la xidhiidhaa xawaaraha dhaqaaqa. Laakiin middan xasuuso: in kasta oo labaduba marka hore u muuqdaan farsamo, haddana marka la sii wado waxay noqdaan wax aan aad loo arki karin, laakiin soo ifbaxaya, la dareemayo, oo ah khiyaal faneed oo ay adag tahay in la kala sooco.

AIS: Intee in le’eg ayaad Cadan joogtey?

X: Ilaa intaan doob-gurraan noqonayey. Waa da’aadda shan-iyo-labaatameeyada.

AIS. Intii u dhaxaysey yaraantaadii iyo doob-gurraannimada, ma marmar uun baad kabanka tumi jirtey, mise waxa kaa go’nayd inaad awooddaada oo dhan u hurto ka-jibbakeenidda aaladda?

X. Maya, maya! Si toos ah ayaan ugu go’ay, Soomaalidii Cadan joogteyna si weyn bay ii garab istaageen. Xaflad magaaladu u dhammayd oo xilligaa la soo abaabuley, Soomaalidii ayaa igu casuuntey si aan uga qaybgalo. Waxaan ka mid ahaa fannaantii yaryarayd ee loogu yeedhay in ay ka qaybqaataan. Sidaas awgeed, qaar ka mid ah bulshadii Soomaalida ee meesha joogtey ayaa ii keenay laba go’ oo cadcad, kuwaas oo ay igu duubeen: mid way ii guntiyeen, ka kalana way ii hullaabeen. Lebbiskan, oo ahaa mid aanan maalintaas ka hor gashan, waxaa la socdey kaba sandhal “faygammuur” ah oo loox ka samaysan iyo masalle (sijaayad harag ka samaysan). Wuxuu, run ahaantii, ahaa muuqaal yaab leh, isla markaasna qurux badan—jaadgooni ay dad badani rumaysnaayeen in uu yahay huga dhabta ah ee Soomaalida. Cuudka ayaa lay dhiibey, waxaanan tumay anigoo suke ah. Bulshooyinkii kale ee tartanka ku jirey waxay meesha ku yimaaddeen koox-muusigeedyo. Gebagabadiina, kolka la isu geeyo lebbiska iyo tumista cuudka, qaabka Soomaalida, ayaa gayeysiiyey garsooyaasha inay ku dhawaaqaan inaan kaalinta koowaad galay.

Halkan ka akhri: Tumis Xeeldheer: Xudeydi, Noloshiisii Cuudka & Waayo Kale.

W/Q. Bare Sare Axmed I. Samatar
Turjumid: Cabdiqani Ismaaciil & Cabdicasiis Guudcadde

————–
Maqaalkani wuxuu ku soo baxay sanadkii 2009 – Bildhaan: An International Journal of Somali Stuides


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.