Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxay isku Hayaan Xukuumadda DDS iyo Ururka ONLF?

W.Q. Xasan Keynaan

Maxaa dhexyaalla Xukuumadda DDS iyo ONLF? Maxay isku hayaan Madaxwayne Mustafa iyo Guddoomiye Maadey? Suura gal ma tahay in la dhexgalo khilaafka dhexyaallana la soo afjaro? Yaa dhexgali kara oo ka mira dhalin kara?

Gudoomiye Maadey (bidix) iyo Madaxweyne Mustafe DDS

Waxaan isku dayi inaan ka jawaab su’aalahan. Waxaan idinla wadaagi xogo badan oo muhim ah oo aan goob joog u soo ahaa. Iyo talooyin laga yaabo inay wax tar u noqdaan ciddii ku hawlan ama ku hamiyaysa inay xal u hesho khilaafka ka dhex jira DDS iyo ONLF. 

Maxaa Dhexyaalla Xukuumadda DDS iyo Ururka ONLF?

  1. Arrintan way ka guda wayn tahay mid u dhexaysa laba dhinac oo kala ah Xukuumadda DDS-ONLF ama Mustafa-Maadey. Dhinac sadexaad ayaa shaxda qayb ka ah waana dhinac ugu awood badan uguna khatarsan. Dhinacaa waa Dawladda (State) iyo Xukuumadda (Government) ee Itoobiya. Ciddii aan garanayn ama is diidsiisa xaqiiqdan habeen ayay gudaysaa. Waxayna u badan tahay inay ku dambayso caloolyow iyo hungo.
  2. Saddexda dhinac waxaa dhexyaalla qaddiyad guun ah kana mid ah qaddiyadaha dunida ugu adag uguna murugsan: masiirka qowmiyadda Soomaalida ee xayndaabka Itoobiya la galiyay iyagoon waxba laga waydiin. Qaadiyaddan waxaa la barbar dhigi karaa qaddiyadaha Falastiin iyo Kashmiir. Waa qaddiyado lagu riiqmay. Jiilal badan ku rogmadeen. Ilaa iyo maantana xal waara loo la’ yahay.
  3. Qaddiyad walba iyadaa qeexda cadwgeeda, dabeecadaha uu leeyahay, iyo siyaasadaha iyo xeelada uu adeegsado. Qaddiyad walba iyadaa abuurta shacabeeka, halgamaageeda iyo halyaygeeda. Iyadaa dhasha fulaygeeda, dabadhilifkeeda, iyo dhagarqabaheeda. Qaddiyad walba iyada ababisa aamusanheeda, dammanaheeda, duljoogaheeda, iyo daawadeheeda. Qaddiyadwalba iyadaa falkisa taariikhdeeda. Sawirka inoo muuqda iyo shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta ina hortaagan waxaa dihatay qaddiyada Soomaaliyeed ee DDS. 
  4. Dawladda iyo xukuumadahihii kala duwanaa ee Itoobiya waxay qowmiyadda Soomaaliyeed ku maamulayeen hal qaaciddo oo ku salaysan isir nacayb ku wajahan isirka Soomaaliyeed, iyo diin nacayb ku wajahan cid kasta oo islaam ah. Soomaalidu waa qowmiyadda keliya ee kulmisa labada cadaw ee Itoobiya ugu daran: Soomaali iyo Islaam. Sidaa darteed Itoobiya waxay qowmiyadda Soomaalida u maleegtay mar walbana ku fulisaa qaaciddooyinka isir nacaybka iyo gumaadka tan ugu mariid badan. Madaxdii Itoobiya soo martay – Menelik, Haile Selassie, Mengistu Haile Mariam, Meles Zenawi – aadbay u kala duwanaayeen dhan kasta. Laakiin isku mid iyo isku mabda’ ayay ka ahaayeen aragtidooda ku saabsan isirka Soomaaliyeed. 
  5. Halgankii dheeraa ee khadhaadhaa ee soo socday ku dhawaad Lix qarni wuxuu jawaab u ahaa qaaciddada mariidka badan ee Abyssinia iyo Itoobiya. Laga soo billaabo Ahmed Guray Halganka wuu soo taxnaa. Marba koox ayaa calanka u haysay halgankaa hormuudna u ahayd. ONLF waa ururkii ugu dambeeyay ee quminayay halgankaa taxanaha ahaa. Ciddii ku mashquusha marba shaqsiga hoggaamiya ONLF, waxay wax ka argtaa joogga raha, mana huri doonto qoomammo iyo is-hiif.
  6. Abiy Ahmed Markuu xukunka qabsaday wuxuu la yimid halabuur iyo siyaasado u muuqday kuwo keeni kara isbeddel dhab ah inuu ka dhaco Itoobiya oo waa cusub uu u baryo qowmiyadihii iyo shucuubtii mugdigu iyo faqrigu ragaadiyay. Laakiin durba waxaa soo baxay calaamado muujinaya inaanu Abiy ku duwanayn Madaxdii ka horraysay. Ciddii arki wayda ama iska indha tirta dhagaraha Abiy mus baa ku bannaan. Goor dambe ayayna wax ogaan.
  7. Abiy Ahmed isagaa magacaabay Musatafa sidii hoggaamiyayaashii ka horreeyay ay u magacaabi jireen shaqsigii ay doonaan. Qaddiyada iyo masiirka qowmiyadda Soomaaliyeed ee soo taxnayd ka mid ma ahayn madhruucii Mustafa lagu magacaabay. Sidaa darteed Mustafa wuxuu ku jiraa xayndaab cidhiidhi ah. Afkaartiisa iyo mabda’ uu aaminsan yahay macne wayn uguma fadhiyaan Abiy Ahmed. Qaaciddadii mariidka badnayd ayaa hortaalla. Hadduu fuliyo wuu sii joogi. Awood iyo adduun uu ku xarragoodo inta dalqaha wax ka aragta ama aw daare la qandhaysanna uu ku halwgaliyana wuu heli. Haddii uu fulin waayana waa la tuuri sidii caadada ahayd, ama waaba la qisaasi. Siday anigu iigu muuqato, Mustafa tan hore ayuu doortay wuuna isku gawracay. Xukuumadda Mustafa waxaa ku jira shaqsiyaad waaya arag ah marar badanna isku dayay inay u nasteexeeyaan danta guudna ilaaliyaan. Laakiin Mustafa wuxuu madax madax isugu tuuray xaalad kalliftay inaanu cidna aaminin cidna bixinnin. 
  8. Abiy Ahmed ONLF isaga heshiis la soo galay. Heshiiskaa daacad kama aanu ahayn markii horeba. ONLFna duruufo aanay u diyaar garoobin, culays ay Eritrea saartay, iyo dabcsanaan iyo kala daadsanaan dhexdooda ah ayaa tafan taafay. Heshiiskii ay la saxiixdeen Itoobiya si yara durduro ah ayaa loo farsameeyay. Markay dalka yimaaddeenna hirgalintiisi si hufan uma aanay dabagalin. Abiy-na dhagartii uu markii horeba la maagganaa ayuu halkiisii ka sii waday. Dhaqanka Abiy waxaa ka mid ah inuu dhagaraha uu u maleego ONLF uu dusha u saaro Mustafa iyo Xukuummaddiisa. Dabinnada uu Mustafa la maagan yahayna uu dusha u saaro ONLF. Mustafa iyo ONLFba way u nugulyihiin dhagaraha Abiy marar badanna way ku qatalmeen. Laakiin ONLF way ka waaya aragsan tahay Mustafa, wayna ka taxadar badan tahay. Waxaa jira marar badan oo ONLF ay daafacday Mustafa isagoon ogayn. Ururnimada iyo qaddiyadda ayaa mowqifka ONLF saamayn wayn ku leh. Halka uu Mustafa ka yahay shaqsi. 
  9. Mustafa iyo ONLF labadaba way soo wajihi kartaa xaalad abuurta dhiillo iyo colaad aanay si ula kac ah u go’aansan uguna badheedhin. Khasaaraha ka yimaaddana iyaga lagu eedeeyo laguna qisaaso. Waa tii Cabdi M. Cumar iyo ONLF qoorta isu galisay. CMC wuxuu ONLF u bixiyay magacyo ceeb iyo bahdil ah sidii UBO. ONLFna waxay u yaqiinneen Dabaqoodhi. Way isku riiqmeen. Shacabkiina gumaad, bahdil iyo mooraduug ba’an ayaa loola badheedhay. Dalkiina intiisa badan waxa laga dhigay qubuuro. Xukuumaddii Itoobiya iyo qaaciddadeedii mariidka badnaydna waa la iska Illoobay. Riwaayadaa mid u eg ayaa socota.   Waxaynu hadda maraynaa Mustafa oo meel walba la taagaan dhaleecaynta ONLF magacyo ceebeedna u raadinaya. Waxa xigi inta wax garan way og tahay.
  10. Shaqsiyadda Mustafa iyo Maadey. Labadaba waan aqaannaa, inkastoo aan Maadey aad u aqaan. Mustafa markii la magacabay Waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee si cad u taageera. Xushmad wayna waan u hayaa. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, Mustafa waa nin la magaacaabay oo aqbalay kuna qasban inuu fuliyo qorshaha Abiy. Bilihii u horreeyay wuxuu Mustafa isku dayay inaanu illoobin danta guud iyo masiirka ummadeed. Laakiin taa waxaa aad uga cadhooday Xukuumadda Abiy oo gaartay ilaa heer ay ku amarto inuu is casilo. Welina hanjabaad ayaa lagu wadaa. Natiijadu waxay noqotay Mustafa inuu hoggaansamo uuna u bato halkii ay mareen madaxdii ka horraysay. Wax walba waxay isugu soo biya shubmeen xukunka yaanu ku dhaafin. Wixii kale oo idilna waa la jiifiyaana bannaan. Maadey waa shaqsiyad naadir ku ah isirka Soomaalida. Waxaan bartay markaan dhiganaynay dugsiga hoose. Waxa uu halganka u huray qiyaas malaha. Waa nin daacad ah oo dulqaad badan. Waxaan aaminsanahay wax kasta oo maslaxad u ah masiirka ummadeed in lagu qancin karo. Laakiin banii adam dhan walba ka dhammsytiran ma jiro. Maadey si fiican uguma diyaar garoobin xaaladda cusub ee ONLF soo wajahday, markay gudaha soo galeen. Waxbadan buu sahladaa isagoo aaminsan inuu Waqtigu xallin doono. Maadey iyo hoggaamiyayaasha kale ee ONLF way ka gaabiyeen dhismaha, tayaynta iyo hawlgalinta Ururka.  Si dhab ahna uma xisaabin umana diiwan galin dhiiga iyo maalka aan qiyaasta kahayn ee ku baxay halganka. Ma saadalin karo siduu Maadey u dhaqmi doono haddii ama markii uu xukun qabto.

Suuragal ma Tahay in la Dhexgalo Khilaafka Dhexyaallana la soo Afjaro? 

Marar badan ayaa laga dooday la iskuna dayay in Mustafa iyo ONLF laga dhex abuuro is faham guud. Aniga laftayda ayaa xog ogaal u ah aadna isugu dayay arrintaa inay guulaysato. Haddana dadaallo ayaa socda. Laakiin way adkaatay in guul laga gaaro. Sababo badan ayaa jira. Sababta ugu wayn waa kaalinta Itoobiya iyo Abiy oo Mustafa iyo ONLF midba dhan ula heshiisay, fartana isugu fiiqa. Laakiin Abiy wuxuu halista wayn u arkaa ONLF maadaama ay iyadu matasho qaddiyad ummadeed iyo taariikh halgan. Mustafana wuxuu ONLF u arkaa rag kursiga kula tartamaya, suura galna ay tahay inay dhaafiyaan. Sababta labaad waxaa weeye, iyadoo dadka u kala dabqaadaya ayna xisaabta ku darayn ama ay dhayalsanayaan xoogga saddexaad ee khilaafkan qayb ka ah: Xukuumadda Abiy. Sabab saddexaad waxay tahay shaqsiyaadka ama kooxaha wax dhexdhexaadinaya oo ah kuwo dano gaar ah leh oo hawsha u arka mashruuc. Sabab afraad waa Madaxwayne Mustafa oo marar badan u muuqda hoggaamiye aanu xarig ka xirmin, ama aanan hubin sida uu Abiy u arki doono haddii uu la heshiiyo ONLF. 

Gunaanad iyo Taooyin

Waxaa hadda socda dadaal uu xidhiidhiye ka aahay Hussein Kasim rag culusna ay ku jiraan. Anigu waan ka cudur daartay, sababtoo ah iima muuqan qaab ama fursad lagu guulaysan karo. Laakiin waan aamin sanahay inaan la rajo dhigin. Allahna waxaan ka baryi inuu barakeeyo dadaalkaa socda.

Waxaan qormadan ku soo gunaanadi sheeko na dhexmartay 1994tii aniga iyo Danjire (Amabassador) Peter Gabriel, dadka qaarna ay u yaqaaniin Rooble jibriil. Danire Peter aqoon gaara ayaan u leeyahay. Markuu qarxay dagaalkii ONLF iyo Xukuumaddi Meles Zenawi ayaan wacay Danjire Peter oo marka ahaa Danjiraha Itoobiya u fadhiya Belgium. Waxaan ku idhi dagaalkan hadda billawday intuusan fogaan dad iyo dalna aanu galaafan aynu ku dadaalno sidii lo joojin lahaa khilaafkana loo yarayn lahaa. Waxaan soo jeediyay isna inuu xagga xukuumadda Addis Ababa fikradda la wadaago anna aan isku dayo sidii loo heli lahaa akhyaar ka hawl gasha dhanka ONLF. Danjiruhu aadbuu ii dhagaystay wuuna ku mahdsanaa. Laakiin halkaan ka filiyay meel aan ahayn ayuu ila aaday. Markaan hadalka soo kobo, ONLF iyo hogaankeedii xilligaa ayuu aad u daleeceeyay. Fikradii aan soo jeediyayna wuxuu ku tilmaamay mid aan loo baahnay. Markay ii caddaatay halka aan kala taaganahay, ayaan ku idhi: “Maalin aan manta ahayn ayaan iska waraysan doonnaa hadduu Allah nagu simo.”

15 sano kaddib ayaan Addis Ababa ku kulannay oo aan sheekaysanay, isagoo wax xil ah aan hayn. Wuxuu Danjiruhu billaabay inuu daleeceeyo xukuumaddii Meles iyo gabboodfalladii ay ku kacday. Aadbaan u dhagaystay. Waxaa igu soo maaxday eraydaii aan ku kala tagnay 1994tii. “Maalin aan manta ahayn ayaan iska waraysan donnaa.” 

Belo saacaddeed joogta, Sabti nabada haw riixin. Cid kasta oo awood is bidaysa ama aaminsan inay kalsooni ka haysato Xukuumadda Abiy Ahmed, waxay talo ama tamar hayso maanta ayaa loo baahan yahay. Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Wasiirrada, iyo saraakiisha kale ee Xukuumadda DDS xil wayn ayaa saaran. ONLFna masuuliyad ayaa saaran. Masiirka ummadeed iyo danta guud halaga fikiro hana loo gurmado. 

Haddii aydan wax badbaadin karin, daab ha u noqonnina masaarta gumaadka. Xusuusnaada halkay ku dambaysay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.

W.Q. Xasan Keynaan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.