Thursday, July 04, 2024
Wardheer News

Sidee Baa Tix Loo Gorfeeyaa?

W/Q Idiris M. Cali Gorfayntu waa rogrogidda arrin/aragti. Ujeeddadu waa in aragtidan/arrintan laga qaato go’aan, iyadoo la itaalsanayo aqoon ama/iyo waaya’aragnimo. Isla ujeeddadan isagoo xambaarsan, ereyga “gorfayn” wuxuu ku sal leeyahay garta la naqayo ee loo xilsaaro waxgaradka. Tusaalle ahaan, … Continued

Dabinka wadahadallada!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) Shirka maalinnimadii 14-6-2020 ka furmay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, laguna wadahadalsiinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Somaliland wuxuu noqon doonaa mid taariikhda cusub ee Soomaalida baal mugdi ah ka gala! Waa marka horee; … Continued

Kulanka Farmaajo iyo Biixi: Billowga Safar Dheer

W/Q: Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) Waxaa maalinimadii shaley labadeedii, gelin ay bulshada Soomaaliyeed, ee dalka iyo dibaddaba ku nool isla dhexmarayeen dooddo culus iyo saadaal ku aaddan natiijada laga filan karo kulanka maanta oo Axad ah 14/06/2020 ku dhex mari … Continued

Wadahadallada Soomaalida ee Jabuuti: “Muruqa laba suulle ninba si ku ah”

W/Q Maxamuud Ibraahim (Xaaji)   Waxa maanta oo taariikhdu tahay 14/06/2020 ka furmay magaalada Jabuuti shir lagu dhexdhexaadinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Somaliland. Ugu horrayn waxaan soo dhoweynayaa “mabda ahaan” in dadka Soomaaliyeed khilaafyada dhexdooda ah ku dhammaystaan wadahadal. Tan … Continued

Gorfeynta Buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin: Qiso jid-bixiyeen ah

Qoraha Buugga: Cali Jimcaale Axmed                   Gorfeyntii: Dr. Maxamed Daahir Afrax Hordhac Buugga la magac-baxay Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu dhawaan soo saaray Bare Sare Cali Jimcaale Axmed wuxuu ku bishaaraynayaa ifbax-suugaaneed ugub ah; ifbax Cali horseedayo in uu hore ugu … Continued

Macallin Cumar Abuukar: Xirfadle In Badan La Xusuusan Doono

W/Q Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) Barqadii Jimcaha 29/05 ayaa Maxamed Siciid Eelaayoow, gool-hayihii Xidigaha Xaawa Taako, oo Baraawe jooga, ayaa madasha WhatsApp-ka ee saaxiibadu ku kulansanaayeen, dhawaanna uu sameeyay Cabdixakiin Ciise Geeddi Farayre, waxa uu soo dhigay tacsi: “Inaa Lilaahi … Continued

GORFAYNTA BUUGGA, “HOGGAAMIYE ISBADDEL HORSEEDA”

Maxaa Soomaali Hoggaan Xumada Baday? Qoraha buugga: Siciid Cali Shire Gorfayntii: Cabdixakiim Diiriye “Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaane” Cismaan Yuusuf Keenadiid. Inta aan arkey qeexidda ugu kooban uguna habboon ee hoggaaminta laga bixiyey, waa tan uu doortay qoraa … Continued

Dib Ma Isku Dhegeystay!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “dumarka been baa lagu soo xero-galiyaa runna waa lagu dhaqaa”. Inkastoo ay fiicnaan lahayd marka horeba in run la isku guursado haddana waxay maahmaahdani inoo iftiiminaysaa in qoyska cusub aan looga maarmayn … Continued

Gama’diidna maynaga baxay!

W.Q. Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)  Geeridu waa xaq, san-ku-neefle walbaa maro, mar bayse kadis kugu noqotaa ood ka naxdaa, oo murugo iyo tiiraanyo ku dhaxalsiisa, waa tay Soomaalidu horey u tiri: geeri aqoon bay kugu dishaa! Maanta subaxdii, waxaan … Continued