Sunday, October 17, 2021
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

GORFAYNTA BUUGGA, “HOGGAAMIYE ISBADDEL HORSEEDA”

Maxaa Soomaali Hoggaan Xumada Baday?

Qoraha buugga: Siciid Cali Shire

Gorfayntii: Cabdixakiim Diiriye

“Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaane” Cismaan Yuusuf Keenadiid.

Inta aan arkey qeexidda ugu kooban uguna habboon ee hoggaaminta laga bixiyey, waa tan uu doortay qoraa Siciid, taas oo hoggaaminta ku macneysey in ay tahay, “Hab hawlo dad badani qabanayaan loogu jiheeyo hal meel”

Qeexiddaasi waxay soo koobtay macnaha hoggaaminta, waxayna tilmaantay dhowr qodob, sida , 1. In ay hoggaamintu tahay hab ama farsamo wax lugu maareeyo. 2. In ay tahay hawl dad badani wada qabanayaan ee aysan ahayn wax hal qof la keli yahay. 3. In ay u baahan tahay jiheyn iyo isku dubbarrid lugu mideeyo hawlahaas badan ee la wada qabanayo. 4. In ay jirto hal meel oo ah yoolka la higsanayo, in ugu dambeyn dedaalkii la bixiyey oo dhami ku biyo shubto. Waxaa la sheegaa in hoggaamintu ay tahay mowduuca loogu hadal haynta badan yahay, looguna qorista badan yahay adduunka, haddana loogu fahamka yaryahay!

Soomaalida iyo Hoggaaminta:

Sida uu ku sheegey buuggiisa kor ku xusan, Qoraa Siciid Cali Shire, wuxuu hoosta ka xarriiqay in dhammaan hoggaamiyayaashii Soomaaliya soo maray, xilligii daakhiliyadda ilaa iyo maanta, ay ahaayeen hoggaamiyayaal xun!

Wuxuu yiri, “Buugkasta oo aad akhriso, odey kasta oo aad wareysato, gabay kasta oo aad isha mariso, dhacdo kasta oo aad dhuuxdo, waxaa kuu soo baxaya in dhammaan hoggaamiyayaashii siyaasadeed ee dalka soo maray, laga soo bilaabo daakhiligii (1956-dii) ay ahaayeen kuwo xun. Dabcan wey is dhaameen, laakiin marka la fiiriyo meesha ay Soomaali dhigeen iyo miraha siyaasadihii gurrucnaa ee garasho hoosaynta lugu waraabiyey, waxaa la oran karaa waxay ahaayeen hoggaamiyayaal xun.”

Cismaan Yuusuf Keenadiid, mar uu muuqaal ka bixinayey, kuwii Soomaaliya hormuudka u noqday xilligii daakhiliyadda wuxuu yiri, “Muqaddimada kuwii looga dhigey waa manfaco raace.”  Qoraa Siciid wuxuu kusii daray “Marka isha lala raaco raadadkii hoggaamiyayaashaasi ay ka tageen, waxaad arkeysaa in ay jiraan, waxyaabo badan oo ay ka mideysnaayeen, sida xirfadda hoggaaminta oo ku yareyd iyo qiyam-kooda oo hooseeyey. “

Axmed Diiriye Qaasim wuxuu isna yiri “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye, misna luguma diirsade qalbigu waa dirkii Karale”  Suldaan Timacadde waa tuu isna lahaa “Dambarkeedii maandeeq nimaan doonin baa helaye”   Xaaji Aadan Afqallooc isna wuxuu yiri “Mas bey nugu noqdeen iyo abees mici ku dhiigle ahe, mindidii walaaxawli bey nugu miqiiqeene” Wuxuu markale yiri “Kuwii doorashada noo galaa gabay halkoodiiye, khalqigii oo hor u guurey bey dib u gucleeyeene, googooye Soomaali oo gobolba meel aadye”

Qoraa Cabdulqaadir Shire Faarax, ayaa buuggiisa “Xeebtii Geerida” Siyaad Barre ku tilmaamay in uu ahaa qof caafimaad ka raadiya ammaanta iyo isxayeesiinta ay dadka caadiga ahi ka xishoodaan! Wuxuu isku xayeesiin jirey buu yiri ,oo  gidaarrada xafiisyada iyo waddooyinka, lugu dhejin jirey boorar lugu qoray, mideeye, badbaadiye, nabad horseede, bulsho sime, maato kalkaale, geesi waddani ah iwm! Qofku in uu isxayeesiin been ah caafimaad ka raadiyo, waa sifo hoggaan xun! Dr Xasan Cali Mire, isaga oo ka digaya miraha uu beero hoggaanka xun, waa tuu yiri “Maangaab markuu taliyo baa mooraduug imane”

Sida uu qabo qoraa Siciid, In dadka madaxda ah lugu ammaano wax aysan muteysan, ma ahayn mid ku gaar ah, Siyaad Barre, ee waxaa la wadaagey dhammaan kuwii ka dambeeyey. Tusaale, Cabdullaahi Yuusuf buuggiisa Halgan iyo Hagardaamo, waxaad bog kasta ku arkeysaa, in wanaag kasta iyo dedaalkasta oo ummadeed, uu si gaar ah isagu abaalkeeda u sheeganayo. 

Sidoo kale kuwii ku xigey, sida, Shiikh Shariif, Farmaajo, Cabdiweli Gaas, Xasan Shiikh, Xasan Kheyre ikk, waxay isku wada xayeesiiyeen, waxyaabo qofka caadiga ahi ka xishoodo! Waxaa shacabka Soomaaliyeed ceeb ku ah in madaxdaasi ay isku faaniyaan, tilmaamo ay ka mid yihiin, ammaano, waddaniyad, badbaado qaran, hiil qaran, hufnaan, maamul wanaag iyo caddaalad!

Marka ay raggaasi waxaas oo ammaan ah is huwinayaan, dhanka kale waxaa sii labo jibbaarmaya, heerka maamul xumada, xatooyada, musuqa, eexda, wax isdabamarinta iyo damiir la’aanta aan xumaanta laga sarriiganeyn, gaar ahaan in la xado xoolaha yar ee ummaddu leedahay, ee galay gacanta masuuliyiintaas. Raggaasi in ay ummadda u cudurdaartaan ama ka gar baxaan iskadaaye, waxayba doonayaan in abaalmarin iyo ammaan lala dabojoogo.

Marka dib loo milicsado, jabhadahii hubeysnaa, hoggaamiye kooxeedyadii, ururradii diimeed, madaxdii gobollada. Dadka wax ka qoray waxay isku raacsanyihiin in ay ahaayeen, hoggaamiyayaashii ugu xumaa ee soo maray taariikhda dalka!

Hoggaan xumadaasi waa midda keentey in badda Soomaaliya lugu shubo wasakh warshadaha adduunka laga soo waaridey, mar kalena lahaanshaheedu muran galo, in ruux muslim ah magaca ALLE lugu dilo, in shacabkii oo oksijiin la’aan u dhimanaya, ay madaxdii malaayiin doollar u diyaarsanayaan suuqa kala iibsiga codadka doorashooyinka soo socda!

Qoraaga oo soo xiganaya wixii ay aqoonyahannadii iyo abwaannadii Soomaaliyeed ka yiraahdeen hoggaamiyayaashii siyaasadeed ayaa yiri, “Dhinaca kalena waxaad arkeysaa meesha qaarkood laga shakin karo islaamnimadooda, qaar laga shakin karo waddaniyaddooda, in kuwo kale laga shakin karo bini’aadamnimadooda, (Malaha waa kuwa maanta jooga) 

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa isagu aamminsan in Soomaaliya wax hoggaamiye la oran karo, ay soo mareen labo shakhsi (Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen) oo lixdamaadkii soo kala noqday madaxweyne iyo raysul wasaare isla soo shaqeeyey, kuna caan baxay karti iyo hufnaan. Kartida iyo hufnaantu waa arrinta sumcadda fiican u yeeshey labadaas masuul iyo siyaasiyiin kale oo magac wanaagsan ka tagey. Hoggaamiyayaashii hore ceebkasta oo laga sheego, waxay ahaayeen dad iimaan leh, oo aan lugu baran boobka hantida guud, sidoo kale waxay xambaarsanaayeen waxoogaa qiyam qarannimo iyo damiir fiyow. Kuwa maanta joogaana waxay taas ku baddesheen han yari iyo hunguri xumo, ay dalkii ku magac dileen, dadkiina ku kala direen!   

ASTAAMAHA HOGGAANKA WANAAGSAN:

Sida uu qabo qoraa Siciid, tilmaanta ugu habboon ee hoggaamiye lugusoo koobi karo, waa in uu yahay ruux leh oddoros iyo saadaalin, hoggaamiyaha fiicani waa in uu si dhab ah u fahamsan yahay xaaladda taagan iyo waxa hareerihiisa ka socda, wuxuu dhanka kale saadaalin karaa waxa uu wakhtigu rimmanyahay. 

Hoggaamiyaha wanaagsani wuxuu awooddiisa isugu geeyaa, saddex arrimood: 

1. Xoojinta xirfaddiisa hoggaamineed, waana mid dhibaato badani inaka haysato, in masuulku uusan aqoon iyo khibrad toona u lahayn masuuliyadda uu hayo, waxay na meesha ka saartay qaacidadii ahayd, “Qofka habboon iyo booska uu ku habboon yahay” waa tuu lahaa abwaankii “ Aqoontaan jahliga loo legdaye laga adkeysiiyey, aakhirkeedu suu noqonayo waa arki doonnaa” Aakhirkeediina la aragyoo waa jab iyo naasobeel. 

2. Isku wareejinta dad isaga ka aqoon iyo karti badan, si ay talo u siiyaan u lana shaqeeyaan. Soomaaliya se dhaqankii kacaanka ee guulwadeynta iyo nacamleynta, ayaa dhaqan siyaasadeed ka noqday, waana arrin ay ka siman yihiin siyaasiyiinteennu. Waxaa se yaab leh, hoggaamiye rabo dad ka aragti gaaban kana aqoonyar oo uu harowsado, in ay agjoogaan sidee buu ku doonayaa in ay siyaasaddiisu hana qaaddo. Oraah baa tiraahda “Haddii ay dadka oo dhami isku si u fakerayaan, markaas qofna ma fakerayo”. 

3. Fahamka dadka uu hoggaaminayo iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaa la yiraahdaa “Haddii ay jirto sir hoggaamiyayaasha waxqabadka lihi, ay leeyihiin waa in ay isha ku hayaan xaaladda hortooda ka aloosan” Haddise uu hoggaamiyuhu yahay warmooge ay koox yari meel ku xiratay –Waa sida ay madaxda Soomaalidu u badan yihiin e– Waxay caddeyn u tahay karti xumadiisa!

Qoraa Siciid ayaa su’aal ahaan isu weydiiyey, meesha ay madaxda Soomaalidu xumaanta ka keeneen, maku dhasheen, ma barteen, mise waa lugu khasbay. Isaga oo taas ka jawaabaya, wuxuu sheegey in qeyb ahaan, la oran karo, hoggaanka Soomaalida (Noockasta oo ay yihiin) Xumaanta waa lugu ababiyey, qeyb ahaan wey barteen, qeyb ahaanna waa lugu khasbay. 

Maaddaama qaab korinta iyo barbaarinta ubbadku ay ka qalloocan tahay bulshadeenna, iyada oo ilma kasta lugu ababiyo reerkiisa iyo reeraha kale, waa halkii uu Keenadiid lahaa “Qofka Soomaaliga ahi wuxuu kula colloobaa markuu  ogaado cidda aad tahay” Sidoo kale tayada tacliinta dalkeenna ayaa aad u hooseysa, waana tii uu Hadraawi yiri” Iskoolladu waa dayeyn, damiinnimadey dhigaan” 

Qoraa Caasho Geelle Diiriye,  ayaa fashilka madaxda Soomaalida u saarisay, in ay sabab u tahay, koox abaabulan oo madaxweyne kasta dadka ka xirata ka dibna ku xammaalata, waana caqabadda koowaad ee madaxdeenna manja xaabisa! 

Madaxda qaarkood waxay iskudayaan in ay yareeyaan damaca kooxaha ku xeeran,  hase yeeshee kooxda ayaa oggoleysiisa in ay dantiisu ku jirto, in uu iyaga ka dambeeyo, sidaas ayeyna ku noqdaan awoodda dhabta ah ee talisa, madaxweynuhuna ugu ekaadaa  mid guddoomiya talada ay soo gaaraan!

Kooxdu markii ay feenato lafihii u dambeeyey ee nacfi ku jirey, ayna aragto in dowladdaan dufankii ka dhammaaday, madaxweynuhuna uusan haysan sumcad markale soo celin karta, waxay raadiyaan qof kale oo dihin, oo dalka lugu afduubto!

Hoggaan xumadaas waxaa ka sii tiiraanyo badan, baraarug la’aanta shacabka Soomaaliyeed, qoraa Maxamed Daahir Afrax wuxuu cudurrada Soomaalida indhabeelka ku ridey ku daraa, wax uu ugu yeero “Maalin-la-nool” Meesha, ummadaha kale la yiraahdo, taariikhda hal jiil baa xusuusta, Soomaalida waxaa la oran karaa, waa ummad xusuus guur ku dhacay. Waxaa muuqata in dadkeennu aysan weli kala garan hoggaanka xun iyo kan fiican, aysanna wax dersi ah ka qaadan, wixii dhacdooyin soo maray lixdankii sano ee lasoo dhaafay!

W/Q: Cabdixakiim Diiriye

Garoowe , Soomaaliya

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.