Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Falanqayn: Khudbaddii Madaxweyne Biixi ka Jeediyey Shirkii Jabuuti (14 – 18 Juun 2020)

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Warbaahinta Soomaalidu waxay maalmihii ina dhaafay aad u hadalhaysay shirkii wadahadallada Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliyeed (DFS) ee ka dhacay Jabuuti 14tii – 18dii Juun 2020; gaar ahaan khudbaddii madaxweyanaha Somaliland Md. Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Warbaahinta Somaliland (SL) waxay ku tilmaantay khudbaddaas inay ahayd markii ugu horraysay ee la horgeeyey qaddiyadda gooni-isutaagga Somaliland fagaare caalami ah. Waxaase aysan badi xusin khudbaddii dheerayd, fasiixiga ahayd, ee uu madaxweyne Axmed Silanayo ka jeediyey shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London, 23kii bishii Febrayo 2012, ee ay qabanqaabisay dawladda Ingiriisku, goobjoogna ka ahaayeen 80 dawladood iyo ururo badan oo caalami ah. Talow ma ka xusuus-dhowaan baa, mise waa ogaan ula-kac? Ma aan garan. 

Saxiddaas ka dib, aan u gundo-dego qoddabadii khudbadda Md Biixi. Ugu horrayn waxa uu xusay in 26dii Juun 1960kii 35 dal ictiraafeen Somaliland, laakiin ma hayno ilaa hadda dalalkaasi kuwa ay ahaayeen. Sida taariikhdu xusto, mid qoran iyo mid goobjoog ka sheekeeyey ba, ujeeddada dadka Waqooyigu xorriyadda u rabeen, Ingiriisna isaga cayriyeen, ma ahayn inay dawlad gooni ah noqdaan. Waxay lahaayeen hadaf cad oo ahaa inaysan ka harin maalinta walaaladooda koonfureed calanka qaadanayaan, toosna ugu biiraan. Shucaarka dadku wuxu ahaa “ha iga reebin lixdanka”, oo ahaa sannadkii koonfurta loo ballanqaaday inay daakhiliyada ka baxayaan, dal madaxbannaana noqonayaan. 

Waxa taas u marag kacaya in 26dii Juun – 1da Luuliyo 1960, Somaliland aysan noqon dawlad shaqaysa. Isla habeenkii calanka la saarayba, maalintii ku xigtay dayuurad iyo gawaadhi ayaa Xamar loo qaatay. Waxa astaan markhaatiya ah in 26dii Juun 1960 calankii la saaray “Beerta Xorriyadda” Hargeysa uu ahaa calanka buluugga ah ee xiddigta cad dhexda ku leh, kaasoo ahaa bandiiradda Xamar u yaqiinsatay calanka Soomaaliyeed.

Caddaymahaas kore waxa laga soo dheeganayaa in maxmiyaddii hore Biritishka ee Somaliland (Ex-British Somaliland Protectorate) ku milantay Soomaaliya (ex-Italian colony). Macnihii 1dii Luuliyo 1960kii, ma dhicin midow (union) ee Somaliland ayaa ku biirtay Xamar (merge). 

Md Biixi waxa kale oo uu khudbaddiisa ku nuux-nuuxsaday xasuuqii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka geysatay Waqooyiga dalka sannadihii 1982-1990. Madaxweyne Biixi wuu ku saxan yahay in la xasuusnaado xasuuqaas, si mar walba maanka loogu hayo, uguna taalo xusuus-wadaagta dadka Soomaaliyeed oo dhan. Laakiin cudur-daar uma noqon karto gooni-goosiga/isutagga, sida khudabadda Md Biixi tibaaxaysay. Xasuuqaas dhacay muddadaas ma aha mid midayn kara beelaha waqooyiga, waxa ay doodaasi faquuqaysaa beelaha waqooyi ee aan iyagu tirsanayn xasuuq kaga yimi dawladdii Siyaad Barre, waxaanay gooni-isutaagga Somaliland ka dhigaysaa mid beel gaar ahi wadato.

Waxa kale oo Md Biixi xusay halgankii dadka Somaliland u soo galeen dawladnimada ay maanta haystaan, macnihii halgankii xarakadii SNM. Mase uu ku darin in barnaamijka SNM uu si cad u qeexayey inay ka go’an tahay midnimada iyo dhawrista qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Kolkaa halgankii SNM u ma noqon karo isna cudur-daar gooni-goosiga/gooni isu-taagga. Ururkii SNM-na ha ku qab-weynaado inuu afka dhulka u daray nidamkii kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre.

Md Biixi waxa uu ku faanay in maamulka Somaliland (SL) uu sugay nabadgelyada, qabteena doorashooyin. Waa run, lagu masuugi maayo taas. Jawaabtu waa hamblayo iyo bogaadin. Ilaah ha u siyaadiyo. Haseyeeshee ujeeddada nabadda loo sugay, ma ictiraaf raadin bay ahayd mise noloshaa u baahan. Haddii lagu waayo ictiraaf miyaa la baabiinayaa nabadda? Sidoo kale, doorashooyin dambe dib loo qaban maayo miyaa, haddii ay ictiraaf keeni waayaan!

Isla khudbadda waxa uu Md Biixi ku xusay cunaqabatayn dhaqaale ee ay DFS ku hayso Somaliland. Hadda ogow imikaba Xamar way u soo gudbisaa caawimaada qaybtooda. Waxaase uu Md Biixi ujeedaa waa inay DFS aqbasho in caawimaada caalamiga ahi toos u tagto Hargeysa, iyadoo aysan soo marin Xamar. Waxa la maldahayaa waa inay DFS aqoonsato in Somaliland tahay qaran ka madaxbanaan Soomaaliya. Jawaabtu waa, haddii sidaa la yeelo, looma baahna in la wada-hadlaba. Caawimada caalamiga ah yaan la siyaasadayna meesha ma qabato, ilayn shirka Jabuuti siyaasad buu ahaaye. Khudbadda Md Biixi ma ducay ahayd! 

Calaa kula xaal, shacabka Somaliland, runtii, dawladnimadoodii gacantooda ayey ugu jirtaa (de facto), qaranimadoodii caalamiga ahaydna (de jure) Xamar ayey taalaa, beesha caalamkuna farta ayey ugu fiiqday jihada Xamar. Kolkaa Md Biixi iyo madaxda Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay soo bandhigaan sida ay u rabaan inay qaranimada ula wadaagaan Koonfur. Markaana aan aragno jawaabta ay Xamar ka bixiso.

Wa Bilaahi towfiiq 

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.