Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sidee Baa Tix Loo Gorfeeyaa?

W/Q Idiris M. Cali

Gorfayntu waa rogrogidda arrin/aragti. Ujeeddadu waa in aragtidan/arrintan laga qaato go’aan, iyadoo la itaalsanayo aqoon ama/iyo waaya’aragnimo. Isla ujeeddadan isagoo xambaarsan, ereyga “gorfayn” wuxuu ku sal leeyahay garta la naqayo ee loo xilsaaro waxgaradka. Tusaalle ahaan, abwaan Yamyam (1946-2005) baa tix ku xusay: “Geed baa la waabaa / Gogol baa la fidiyaa / Guurti lagu casuumaa / Gar kastoo adayg badan / Way tala gorfeeyaan / Go’aankoodu waa xeer / Dhibta soo gunaanada.”

Beryahan dambese adeegsiga ereyga “gorfayn” wuxuu aad u soo galaa nakhtiimidda buugaagta. Qof buug soo akhriyay, oo dhuuxay dulucdiisa, baa gorfeeya, isagoo wixii uu kala kulmay, xog ahaanna uu ka kororsaday, soo tebiya. Balse gorfayntaasi waa midda aan akaademiga ahayn. Gorfaynta akaademiga ah ee buugga waxaa ka soo dhalaala qof u dhuun daloola, islamarkaasna waraaqo/buuggaag akaademi ah ka soo saara, mawduuca uu buuggu ku saabsan yahay. Waxaa intaas dheer, gorfaynta akaademiga ah mid aan ka dhur yarayn baa jirta. Waana midda uu soo gudbiyo qoraa waaya’arag ah oo wax badan ka yaqaanna mawduuca buugga uu gorfaynayo. Annaga oo maanka ku hayna noocyadan gorfayneed ee waliba casriga ah, haddaba, gorfaynta tix lagu gorfaynayo qaab qoraal ah, iyadoo loo gorfaynayo si suugaaneed, waxay daaran tahay: (1) barashada aqoonta maansada; iyo (2) aftahammo qalimeed oo heerkeedu sarreeyo si gorfaynta la soo qaddimayaayi u yeelato milgo iyo raandhiis.

Labadan qodob, midka hore waynu ku dambaynaynaa. Is weydii oo waa maxay aftahammada qalimeed ee heerkeedu sarreeyo? Waa qoris habboon oo xirfadaysan. Qorista habbooni iskama timaaddo ee waa la tabcadaa. Waxaana lagu taabaa dadaal baaxad weyn oo ku dhisan, marka hore, jamasho niyadda ah, joogtayn akhris iyo qoris noocyo badan leh iyo, haddii loo guntan karo, jihaad waxbarasho oo ilaa heer jaamacadeed taxan. Maxaase lagu aqoonsadaa qoraha mulkiyay xirfaddan? Midda koobaad, waa inuu heli og yahay ereyba ereyga uu ka hodansan yahay, sammi iyo lidba, oo uu ayaankiisa ka baari karo Qaamuusyada daabacan. Midda labaadna waa inuu qeybsan yahay hannaanka qoraalka, qaababka qoraalka, agabka qoraalka, oo uu waliba fikrad fiican ka haystaa siyaabaha loo farshaxameeyo qoraalka. Isku soo wada xooriyoo, qoraaga tix gorfaynaya waa inuu marka horaba si habboon wax u qori karaa, oo uu u muujin karaa aftahammadiisa qalimeed ee heerka sare ah.

Intaas ka dib, qoraaga tix gorfaynaya, ee waliba u gorfaynaya si cilmiyaysan oo waxtar leh, kama maarmo aqoonta maansada. Horta, aqoontu maxay tahay? Aqoontu waa dheef ogaaleed oo barasho miiggan lagu taransado. Aqoontu laamo ayay kala leedahay. Laan kastana waxaa saaran ereyo la xaddiday macno ahaan, la hormeeyay mawduuc ahaan, lana ururiyay manhaj ahaan. Ereyadu waxay noqon karaan magacyo guud iyo magacyo gaar ah iyo falal iwm. Tusaale ahaan, qofka baranaya aqoonta maansada waa inuu ogaadaa, buxuurna ku noqdaa qeexdimahooda oo uu abla-ableeyaa, ereyadan kala ah: maanso, dhafane, alan, meeris, hojis, hooris, miisaan, tuduc, tix, muunso, afarrey, gabay, geeraar, jiifto, shirib, dhaanto, murti, afmaldah, xus, shareere, ekeeye, sillansugan, xarafraac, deelley, qaafiyad, deelqaaf, halxiraale, maahmaah, hilin, ammaan, faan, g/kuhaan, afkuleeble, gabay-xayir, bayd-gaab iyo ugu yaraan boqollaal erey oo kale oo lagu saafto aqoonta maansada! Waana inuu ka war hayaa, abaalna u hayaa, buuniyada isku dubbariday aqoontan. Markuu aqoontan ruugo—kuna kaabo aqoono kale oo afeed, dhaqameed, falsafadeed, sooyaaleed, bulsheed, nafsiyadeed, miyuusigeed, dhuleed, dhireed, xiddigiseed iwm—oo uu qalinkana ku wanaagsan yahay ayuu qofi awood fiican u helayaa gorfaynta tix kasta oo ay dani ka hayso.

Marka, sidee ayaa tix loo gorfayn karaa, iyadoo aqoon maanso iyo mid qoraaleedba lagu hubaysan yahay? Qayb ahaan annagoo ka jawaabayna su’aashan, aan isla aragno arrimahan soo socda ee fududayn kara in tix la gorfeeyo: (1) Halrumeeddada tixda ayaa la soo bandhigi karaa: Tixdu, magaceed? Yaa (loo) curiyay? Goormaa la curiyay? Halkee lagu curiyay/daabacay?… (2) Dulucda tixda ayaa la falanqayn karaa: Tixdu, maxay ka curatay? Sabab? Nuxurkeedu muxuu yahay? Xogteedu ma dhab baa, mise waa mala-awaal? Luuqda (ama dareenka) curiyuhu waa sidee? Akhristuhu sidee buu ula falgalayaa tixda, dareen ahaan? Maxay yihiin magacyada gaarka ah amaba ereyada macnaynta u baahan ee tixda ku sheeggani? Dhib kasta oo tixda ku xusan xal ma la socdaa, mise adigay tahay inaad furdaamiso? Dulucdu ma caddahay, mise way sarbeebban tahay?… (3) Dhismaha iyo quruxda tixda ayaa la faaqidi karaa: Tixdu, xubintee ayay maanso ka tahay? Meerisyadeedu waa imisa; mase dhan yihiin? Xarafraac miyay leedahay, mise waa jacbur? Sidee ayay tuducyadeedu u habaysan yihiin? Tixdu, dhextaal miyay wadataa? Ararna? Gabagabana? Farshaxankeedu waa sidee?… (4) Murtida tixda ayaa la sharxi karaa: Tixdu, hilinkee ayay ku arooraysaa? Sidee ayaa loogu dhex falkiyay afmaldahyada kala ah: hummaagyayn, ekeeye, shareere iwm? Imisa maahmaahood baa laga helayaa, haddayba ku jiraan? Halkudhegyana? Sheekooyinna? Amuuro kaloo dhaqameed ama hiddeedna?… (5) Waa la qiimayn karaa tixda, iyadoo (i) la lafagurayo toganaheeda iyo tabanaheeda anshaxeed, (ii) lana faydayo inay fulisay yoolkii loo hidiyay iyo in kale.

Shantan qodob iyo weydiimaha ku hoos jira waa la sii tarmin karaa amaba in ka mid ah ayaa laga kaaftoomi karaa, iyadoo loo eegayo (1) tixiba tixda ay ka qotodheer tahay murti ahaan, amaba ka baaxad weyn tahay duluc ahaan, iyo (2) ahmiyadda la siinayo tixdaas. Tusaale ahaan, waxaan hadda soo bandhigaynaa gorfaynta tix la magac baxday, “Haroorays.” Gaabnideeda awgeed, tixdan waxaan ku miisaami doonnaa in badan oo ka mid ah qodobbada kore. Halkaasna waxaynu kaga warcelinaynaa weydiintii aan qoraalkan cinwaanka uga dhignay: Sidee baa tix loo gorfeeyaa?Afeefise waa in gorfaynteennani boobsiis tahay, oo dib laga sii naaxin karo. Taasina waxay marag cad u tahay in gorfaynta tix la gorfeeyaa ay jaadad badan yeelan karto, islamarkaasna ay jaadadkani kala roonaan karaan.

Gorfaynta Tixda “Haroorays”

“Haroorays” waa tix jiifto ah, kuna socota xarafka “h,” oo uu curiyay buuni Axmed Xaaji Ciise (Khadar). Sida magaceedaba laga garan karo, tixdu waxay ka hadlaysaa degmada Haroorays ee u dhexaysa Jigjiga iyo Wajaale. Sannadkii 2016, bishii saddexaad ee Maarso, ayaa Haroorays loo magacaabay degmo. Xuskeediina waxaa ka soo qayb galay madax, halabuur iyo shacab tiro badan oo gabayo iyo goolal lagu sooray. Hobolladii goobtaas ka dhaantaysay waxaa ugu cadcaddaa Axmed Budul Ismaaciil. Inkasta oo uu curiyuhu xilligaas ku sugnaa carriga Maraykanka, haddana tixdan ayuu xafladdaas ku darsaday.

Tixda “Haroorays” waxay ka kooban tahay 39 meeris, oo 13kii meeris ee is wataaba ay tuduc isku noqonayaan. Waxaana soo noqnoqanaya 5 meeris oo durraamasho ah, oo tuduc kasta lagu jiib xirayo. Haddaba, dhismaheeda caynkan ah—ee aan lahayn ararta iyo gabagabada tooska ah—marka loo kuurgalo, waxaa la go’aamin karaa inay tixdu tahay hees casri ah, oo loogu talo galay in muusig loo tumo. Welise ma arag, mana maqlin, heestan oo la qaadayo, iyadoo laxan iyo muusigba leh—waase hawl la filan karo timaaddada dhow.

Heesta “Haroorays” waxay la nuxur tahay heesaha sida gaarka ah loogu ammaano dhulka, siiba magaalooyinka. Waa heesaha ay ku jirto heesta lagu magacaabo “Ceeldheer” ee uu qaado Cumar Muuse Cadde (Cumar Boongo), ee ay miraheedu ka mid yihiin: “Anoo caafimaad qaba / Wed i celiya mooyee / Celdheer kama caweysteen!” Waxay heesahani ka hadlaan quruxda iyo wanaagga nololeed, ee ay dadnimadu kow ka tahay, ee loogu xisho goobaha la ammaanayo.

Balse heesta “Haroorays” waxay intaas ku darsatay bidhaaminta sooyaalka degmadan. Sidee ayay Haroorays ku aasaasantay, yaase aasaaskeeda lahaa? Siduu iigu warramay curiyuhu, Haroorays waxaa aasaasay Sheekh Aadan Horor, muddo qarni ah ka hor. Wax kale umuusan aasaasin oo aan ka ahayn inuu dadka banka jooga diinta ku gaarsiiyo. Curiyuhu, haddaba, isagoo arrintan xusaya ayuu heesta ku soo qaatay: “Harartii labaadee / Diintu ay u hoyataay.

Heesta “Haroorays” kama aan helin ereyo ad-adag oo in la micneeyaa ay qasab tahay. Qofkii ay ereyadeedu ku adkaadaanna wuxuu ka baari karaa Qaamuusyada internedka ku jira, sida Qaamuuska Af-Soomaaliga ee ay wada diyaariyeen buuniyada kala ah, Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli. 

Haddaynu u gudubno heesta, curiyuhu wuxuu ku bilaabay:

Gabdho heego dheeroo  
Halabeeyay timahoo
Dhaqankii hagoogtiyo
Hoballada barbaartoo
Axmed Budul hoggaanshaa
Hambalyada xuskaagii
Farxaddii ka heesoo
Hirwo kuu ciyaaree     
Allahayow Haroorays

Halkan ka akhri: Sidee Baa Tix Loo Gorfeeyaa?

Qore: Idiris M. Cali Dhanjac: [email protected]

                


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.