Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dib Ma Isku Dhegeystay!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “dumarka been baa lagu soo xero-galiyaa runna waa lagu dhaqaa”. Inkastoo ay fiicnaan lahayd marka horeba in run la isku guursado haddana waxay maahmaahdani inoo iftiiminaysaa in qoyska cusub aan looga maarmayn in run lagu dhaqo. Taa waxaa aad uga duwan siyaasiga Soomaaliyeed ee kursi doonka ah. Waxay arrintiisu u muuqataa ama aan ku sifayn karnaa “kursiga been baa lagu hantaa beenna waa lagu maamulaa”.

Uma baahnid si aad xaqiiqada u ogaato in aad raadisid wargeysyadii xilligaas weedhahooda qoray ama aad ka dhursugtid idaacaddii ama telefishinkii hadalladooda duubay bal in ay mar uun dib u milicsadaan wixii ay baahiyaan. Maxaa yeelay waxaynu joognaa casri wax walba si dhib yar maqal iyo muuqaalba loo duubo, sidoo kalena si sahal ah loo soo bandhigi karo dhacdooyinkaas hore. 

Waxaan maalin walba baraha bulshada kula kulannaa muuqaallo iyo codad kala geddisan oo isbarbardhig lagu samaynayo hadalladii mas’uuliyiin mucaarad ahaa oo maanta xil haya ama kuwo xil hayay oo iminka mucaarad ah.

Waa hadallo iswada burinaya iyo ballanqaadyo wada beenoobay. Bal garoo hadda iyaga ayuun baa isku markhaati-furaya oo cid kaleba looma baahna. Tolow dib ma isku dhegeystaan! 

Haddaba, waxay iska noqotay arrin caadi ah guud ahaanba dadka horbooda siyaasadda Soomaalida degaankay doonaan ha ku sugnaadeene in marka ay xukunka dibadda ka joogaan aad uga dhiidhiyaan habdhaqanka silloon ee mas’uulka xilka haya. Haseyeeshee waxay arrinta yaabka lihi tahay in mas’uulkii mucaaradka ahaa marka uu kursiga ku fadhiisto in uu halkii ka sii miiso xumaantii uu hore u diidi jiray, barana dhaafsiiyo midkii uu dhaliisha iyo eedaynta u soo jeedin jiray. Yaab. Wixii shalay la qadhaadhaa miyaa maanta la qurxoonaaday!.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Haddaba marka aad arrimahan u kuurgashid waxaa xaqiiqo ah in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqonayo madaxweynihii ugu beenta badnaa. Waxaa marag ma doonto ah in madaxweyne Farmaajo ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii uu u tartamayay xilka habaraatee wax uu ka fuliyay aanay jirin.

Waxaa yaab leh in waxyaabihii uu dhaliili jiray uu hadda isagu ku dhaqmo iyadoo walibana uu xaalku ka sii daray. Waxaa filayaa in taasi kow ka tahay sababta uu uga caagay in uu horyimaado saxaafadda xorta ah si shacabku ula xisaabtamaan una doorbiday qudbadaha macno darrada ah  ee uu ka horjeediyo shirarka taageerayaashiisa ee sacabka, durbaannada iyo heesaha lagu soo dhaweeyo.

Mufakirka Turkiga ah ee Mehmet Murat Ildan ayaa isagoo Siyaasiyiinta ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Siyaasiyiinta waddankaagu waxay had iyo jeer isku dayayaan in ay kugu wareejiyaan darbi dheer oo been ah. Waa inaad garataa in runtu ay ka baxsantahay derbigaas, oo haddii aanad la kulmin runtaas ogow in aanad xorriyad la kulmayn”

Waa runtaas midda ay maanta shacabka Soomaaliyeed u baahanyihiin meel ay joogaanba si ay ugu noolaadaan xorriyad. Waa runtaas midda ay hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed isku dayayaan in ay qariyaan, kuguna xereeyaan xayndaabka beenta, faanka iyo borobagaandhada.

Waa runtaas midda uu iska indhatirayo waxmatarihii shalay xukunka hayay si ay ugu suurtogasho hammigiisa in uu mar kale shacabka basarxumadii iyo beentii looga bartay ku miiso. Waa runtaas midda dhibbanaha ku ah siyaasadda dhalanteedka ah ee Soomaalida.

Haddaba waa runtaas midda loo baahanyahay in ay shacaka Soomaaliyeed qarxiyaan si aan mar dambe loo soo haweysan in been lagu maaweeliyo. Yaase dan ka leh mar haddii uu hawshiisii gabay baarlamaankii la xisaabtami lahaa kuwa xilka ummadda loo igmaday.

Ugu dambeystii ogow “Kuwa aan qiimayn ereygooda, waligood ma qiimaynayaan rabitaankaaga.”- Amit Kalantri

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.