Ra’isalwasaare Xamse oo kulan la qaatey iskuduwaha arrimaha bini aadanimada Qaramada Midoobey

Ra’isalwasaare Xamse oo kulan la qaatey iskuduwaha arrimaha bini aadanimada Qaramada Midoobey

Muqdisho, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay iskuduwaha xafiiska bini aadanimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths kulankaasi oo diiradda lagu saarey xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.

Ra’iisulwasaare Xamse ayaa tilmaamey in xukuumaddiisu mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay ayadoo xakuumadda Soomaaliya ay dajinayso qorshayaal fog oo looga gaashaamanayo abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga.

Martin Griffiths ayaa dhankiisa tilmaamay in Qaramada Midoobey iyo deeq bixiyeyaasha caalamka la wadaagi doono xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta ee la xariirta abaarta baahsan ee saamaynta ku yeelatey kala bar shacabka Soomaaliyeed.

Martin Griffiths ayaa sidoo kale ka digey xaaladda abaarta Soomaaliya ka jirta isagoo xusey in nolosha malaayiin Soomaali ah helis xooggan ku jirto isla markaana wax ka qabasho degdeg ah loo baahanyahay waxa uuna tibaaxey in xaalado aad looga noxo indhihiisu ku arkey.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho