Muqdisho, Isku-duwaha xafiiska arrimaha bini aadanimada Qaramada Midoobey Martin Griffiths, ayaa ka digey in Soomaaliya wajahayso qatar ba’an oo dhanka abaaraha ah oo aan horey loo arag.
Griffiths oo maalintii khamiista ahayd soo gaarey Soomaaliya ayaa sheegay inuu la fajacey markuu arkey dhibaatada heysata malaayiinta Soomaalida ah ee abaaruhu saameeyeen, waxa uuna tilmaamay in warbixinada ay helayaan ay muujinayaan in xaaladdaha ka jira magaalada Baydhaba iyo degmada Buurhakaba ay meel halis ah ku socdaan haddii aan gurmad degdeg ah lala gaarin ka hor October iyo December.
Warbixinada hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in 7.8 milyan oo Soomaali ah oo u dhigma kala bar shacabka Soomaaliyeed ay qatar ugu jiraan in ay wajahaan macluul daran, xilli carruurta Soomaaliyeed ay heysato xaalado nafaqo darri iyo cunno xumi.
Soomaaliya ayaanay tan iyo 2020 ka di’in roobab ku filan taasi oosababtay in malaayiin Soomaaliyeed noloshooda helis gasho, waxaana haatan adag sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu hayaan maadaama deegaanada dadkaas ay ku noolyihiin ay gacanta ugu jiraan maleeshiyaadka xarakada Alshabaab halka magaalooyinka qaar ay go’doon ku jiraan oo Alshabaab gubeyso gaadiidka gargaarka sida.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho
