Muqdisho (WDN)- Dagaal aad u xooggan oo muddo saacado ah socdey ayaa duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabeelle. Kaaso oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka Alshabaab.
Khasaaro xoog leh ayaa lasoo sheegayaa inuu halkaasi labada dhinac kasoo gaarey, kaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hase yeeshee dhinac walba wuxuu sheeganayaa in dhanka kale in uu u geystey jab iyo khasaare.
Gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Md. Muumin Maxamed Xalane, ayaa sheegay in khasaaro xoog leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Alshabaab isla markaan ay soo badbaadiyaan dad rayid ah oo kooxdu hore u qafaalatey.
Md. Muumin ayaa intaasi ku darey in sidoo kale xoolo aad u fara badan oo dhawaan kooxda Alshabaab dadka deegaanka ka dhaceen ay dib usoo celiyeen, waxa uuna xusey in dagaalku uusan joogsaneyn illaa ay ka ciribtirayaan maleeshiyaadka kooxdaan oo tilmaamey in ay usoo dhigatey xasuuqa shacabka reer Hiiraan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply