Ra’iisalwasaare Rooble oo ku dhawaaqay in waddooyinka Muqdisho la xirayo munaasabadda caleema saarka awgeed

Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed  Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo rogey bandow bilaabanaya 10:00 PM Caawa ilLaa berri oo khamiis ah 05:00 Galabnimo munaasabadda caleema saarka awgeed. Waxa uuna shacabka ka codsadey in ay dulqaad muujiyaan una hogaansamaan awaamiirta laamaha amniga.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in dhamaan waddooyinka magaalada la xiri doono, isla markaana uusan jirin wax isu socod dhanka gaadiidka iyo dadweynaha ah inta munaasabbada socoto. Arinkan oo ay ka dambeeyay maadaama dalka ay imaanayaan madax iyo wufuud kale oo heersare ah.

Md. Rooble ayaa farey laamaha amniga in ay diyaariyeen gaadiidka gurmadka degdega ah oo goobaha caafmaadka lagu geeyo dadka ay lasoo darsaan xaaladaha caafmaad inta wadooyinku xiranyihiin.

Amniga magaalada caasimadda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana soconaya imaatinka wufuudda caalamiga ah ee doonaya ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinta Khamiista berri ah dhici doonta.

Maxamed Aadan Cumar
WardheerNews, Muqdisho