Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la taliyeyaal cusub magacaabay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la taliyeyaal cusub magacaabay

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa magacaabey la taliyeyaal dhanka Federaalka iyo Arrimaha Dastuurka, xilli maalinta berri lagu wado in ay dhacdo munaasabadda caleema saarkiisa oo wufuudda ka qeybgalaysa illaa iminka kasoo dagayaan garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Wareegto uu saarey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku magacaabey la taliyayaal cusub:

1. Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.

2. Axmed Cabbaas Axmed La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiintaan uga baryey alle inuu la garabgalo masuuliyadda cusub ee looga igmadey, waxa uuna kula dardaarmey in si daacad ah ay ugu adeegaan qaranka waajibaadkooduna si hufan u guttaan.

La taliyeyaasha cusub ee uu madaxweynaha magacaabay ayaa ah shaqsiyaad hore xilal uga soo qabtey xukuumadihii hore ee dalka waxayna aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha madaxweynaha Soomaaliya u xilsaarey.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho