Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DHABTII JACAYL WAA LOO DHINTAA (QAYBTII 3AAD)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Aad baan ugu faraxsanahay inay faraxsan tahay oo caawa arooskeedii yahay. Ninkii ay dunida ugu jeclayd (anigaa is moodayey) ayay caawa la aqal galaysaa. Anigu arooska dibadda ayaan ka joogaa oo ma haysto kaadhkii casuumadda ee aan ku geli lahaa, sababtoo ah  dhinaca wiilka kama tirsani dhinaca gabadhana….. Haddii aanay fariimahayga iska xidhin (baloogin) kaadhka casuumadda arooskeeda waan weydiisan lahaa. Waxaan ku fakari jiray oo sawiran jiray iyadoo  habeenka aqalgalkayaga taash qurxoon ku lebisan oo ii dhoolacaddaynaysa. Haddii dayaxa la waayo xiddigahaa lagu gudaaye, haddii aan iyadoo aniga taash ii xidhan arki waayey, waxaan jeclaan lahaa in aan mar iyadoo taash uun ku lebisan indhaha saaro! Waan ogahay inaad niyadda iska leedahay ninku damiir xumaa oo doqonsanaa. Damiir xumada iyo doqoniimada aad igu sheegaysid oo dhan jacaylka aan u hayo ayaa ibaday. Jacaylkaan u hayaa iminka maaha mid hanashadeeda ku dhisan ee waa mid farxadeeda iyo wanaageedu sal u yahay. Waana  sababta aan caawa farxaddeeda ugu faraxsanahay. Anigu uma jeclaan inay ila aqal gasho iyo in jidhkayagu is taabto oo keli ah, waxaaba farxaddeeda iyo inay waxay jeceshahay hesho ayaa igala qiimo weyn.

Wiilasha irridka taagan ee dadka kaadhka casuumadda weydiinaya tolow ma I sii daynayaan? Laakiin kaadhkaagii meeyey hadday i yidhaahdaan, maxaan ugu jawaabaa?  “ Caruusadda  ayaan jecelahay, muddo badan xidhiidh naga dhaxeeyay sidaa daraadeed inaan habeenka farxaddeeda indhahayga ku arko ayaan  doonayaa”, haddaan idhaahdo oo runta u sheego inay iga maadsadaan baan ka cabsi qabaa. Sidoo kale wiilashu waxay ka socdaan dhinaca caruuska, markaa inay iga cadhoodaan baa suurtogal ah. amaba  iiga baqaan inaan caruuska waxyeeleeyo amaba arooska qaso. Haddaan sheeko aan albaabka ku dhaafo curin lahaana weligay been ma sheegin. Dhawr mar oo  inaan sheego isku dayayna waa la igu fahmay. Tolow waxyaabaha xidhiidhkayaga xumeeyay inaan dhanka beenta damiin ka ahay ma ka mid bay ahayd? “Dumarka been baa waa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa”, baa hore loo yidhi’ye, malaha wax caawa dibadda i joojiyey qayrkayna u aqal gelayo waa been sheegidaa la iga madoobeeyay.  Anigu fikirkaa ragga Soomaaliyeed lama qabo, waa fikir aad u liita oo caqliga gabadha caaya, yasa oo quudhsada. Midda kale beentu miyaanay akhlaaq xumo ahayn oo denbiyada waaweyn ku jirin,? sidee  qofku ugu dhiiradaa inuu sheego weliba inuu qoys dhan been  ku aasaasay ugu faani karaa! Anigu yaabay. 

Seeska guri la billaabay oo aan la sii wadin, oo la ii sheegay in dhulka la isku qabsaday sidaasna seeska dhisiddiisa lagu joojiyey, ilaa inta lagu kala baxayo oo hudheelka aroosku ka dhacayo ka soo horjeeda ayaan fadhiyaa. Mararka qaar baabuurta arooska dadka keenaya oo ilayskoodu I qabanayo mooyiye, sida kale goobtu waa mid mugdi ah. Marmar aan isku ilaawo maahine marka gaadhi ilayskiisu I qabto geed Garan-waa ah  oo agtayda ku yaala baan isku toosinayaa. Waxaan ka baqayaa waa in qof i garanaya, I arko. Malaha aniga oo aan cabsoon’e intaa qof i garanaya oo wiilasha albaabka arooska isbaarada dhigtay I dhaafiya,raadiya ayaa  habboonayd.

Aroos iyo farxad waa laba isku sidkane dadku iyaga oo aan goobta aroosku ka dhacayo gelin ayay dhoolacaddaynta sii billaabayaan. Shaki beryahan igu beermay aawadii dadka dhoolacaddayntooda ma aamino’e waxaan u malaynayaa dhoolacaddayntan albaabka ka sii billaabmaysaa inay tahay afsaar(maaskaro) been ah oo uu qofku ku metelayo dareen aan ka dhab ahayn ee uu ku qasbanaaday. Waan hubaa dad badan oo aan arooska ku faraxsanayni inay ka tirsan yihiin dhoolacaddeeyayaashan. Inay jiraan kuwo  ka hinaasisan iyo dad lamaanaha ku xaman doona in aanay isku qalmin ama isku qurxoonayn, ayaan sida wadkayga u hubaa. Haddana  waa kuwaas wejiga uga qoslaya ee kuwo ku faraxsan iska dhigaya. Ilbaxnimada bini’aadamku gaadhay waxay isku toshay(xidhiidhisay) laba qof oo darafyada adduunka kala jooga laakiin waxay gebi ahaanba xadhiga u goysay xidhiidhkii uurkeena iyo wejigeena. Qofku isaga oo xanaaqsan ayuu inuu faraxsan yahay iska dhigayaa, isagoo murugaysan ayuu dhoolacaddaynayaa oo isagoo niyadjabsan wejigiisa yididiilo ku beerayaa.  Aad baan u necebahay noloshan reer magaalnimada ee metelaadda ku dhisan.

Dadka arooska kusoo qulqulayey marba marka ka danbaysa way sii yaraanayaan. Tobbankii daqiiqo ee I dhaafay, gaadhi isa soo taagay iyo dad lug ku yimi toona may jirin. Wiilashii albaabka hor taagnaa badankoodu gudaha ayay galeen oo laba keli ah ayaa albaabka kusoo hadhay. Mid ka mid ahi gudaha ayuu caw ka soo qaatay oo intuu gidaarka guriga dhabarka saaray ayuu dhulka fadhiistay. Marba gacanta ayuu wax kusoo qaadanayaa oo afka gelinayaa. Kama qasna wuu iska mirqaamayaa. Qaad ayuu daldalayaa. Wiilka kale marna jaranjarada goobta ayuu dabada saarayaa marna kursi caag ah oo meesha yaala ayuu ku fadhiisanayaa. Waa wiil shaqadiisa u daacad ah oo aad u feejigan oo habsami u socodka arooska iyo nabdoonaanta baabuurta badan ee goobta la dhigtay ka fekaraya.

Dig, dam iyo guux ayaa dhanka arooska iga soo gaadhaya. Laakiin  maaha jabaq iyo cod toos ah oo caadi loo maqlayo. Waan jeclaan lahaa in aan dhegaha ugu raaxeeyo heesaha ammaanta ah ee loo qaadayo aroosadda. Waayo ammaanteeda aniga naruuro ayay ii ahaan lahayd. Haseyeeshee dhismahan aroosku ka dhacayo waxa loo farsameeyay qaab aanu codku dibadda u baxayn. Waa nashqad aanan dalka hore ugu arag. Wiil aan saaxiib ahayn ayaan ka bartay jiritaanka goobtan iyo nashqadeedan casriga ah. Maalmihi xidhiidhkayagu fiicnaa oo aan  dhawr mar isla soo qaadnay qaabka arooskayagu noqon lahaa iyo goobtuu ka dhici lahaa, ayaan halkan ay caawa ku aqal galayso u sheegay! Haa. Goobtaanu sii wada qorshaysanay ee aan anigu baray ayaan caawa dibadda ka joogaa iyadiina nin kale ku aroosayaa. Ma bannaankiisaad fadhiisan baan weligay ku fikiray. Waa iska xaal adduun. ‘Doqontu xadhkaha lagu xidhayo gacanteeday ku sidataa’, ayaan maqli jiraye, aniguna waxaan ahay ninkaa gabadhii xaaskiisa noqon lahayd goobtii nin kale ku aroosi lahaa sii baray. Wax kaleba waa saleelee waxaan ka baqayaa in denbi” dayuusnimo” ah buugga la iigu qoro.

Labada nin ee goobta aroosku ka dhacayo ilaalinayey si weyn ayay u fadhiisteen. Xilli danbe ayay noqotay oo hawadu way taagan tahay. Sidaa daraadeed ayaan anigu dhaqdhaqaaqa iyo jabaqdaydaba uga taxadarayaa. Waan jabaq dhabanayaa. Ka warran haddaan nimanka u tago oo u sheego inaan arooska ku casuunaa, laakiin aan soo habsaamay sidaasna aan kaadhdhkii uga soo tegay, tolow ma I siidaynayaan? Belaaba badane haddaan gudaha galo, iyada ama qof kale oo i garanayaa i arko saw fadeexad  maaha? Haddii la i qoonsado oo waxaas oo dad ah oo i arkaya arooska dibadda la iiga soo saaro saw kama sii fadeexad badna? Dareenka i hagaya iyo rebitaankayga inaan iyadoo taash ku lebisan arko wuxuu iga dhigay of bilaa damiir ah, oo waxyaabo badan oo uu ka xishoon jiray xal  mooday.

Horta waxaad doonaysaa saw iyada oo taash xidhan uun maaha? Sawirada arooska ayaad baraha bulshada ka daawan doontaaye dhaxanta iskaga kac ayaan talo ku gaadhay. Way i baloogtay iyo waxaas ka bax, cid aad garanaysid oo soo dhigta waayi mayside niyadda khayr u sheeg ayaan qayb jidhkayga ka mid ah oo werwersan ku aamusiiyey.

Maanta waxay ahayd maalintii koowaad ee aanu fool ka fool iskaga soo horbaxno, sidii ay u aqal gashay. Si aan u hubiyo in wadnahayga boodboodkiisa dibada  laga arki  karo iyo in kale ayaan shaadhkayga hoos u eegay. Khalkhal iyo isdhex yaac ayaa hannaankii jidhkayga ee sida habsamida ah u socday ku dhacay. Laakiin iyada Waxba ugamaan duwanayn dadka kale ee dhinacyadeeda maraya. Sida darewaliintu waddada ay aad u isticmaali jireen iyaga oo aan markan u socon isu arkaan iyagoo wadadii ku sii socda, ayaan arkay anigoo dhinaceeda usii socda.  Waxaan xasuustay nin aanu qaraabo ahayn oo guri uu muddo badan kiro ugu jiray, berigii danbe mid uu isagu leeyahay dhistay oo maalintii markuu shaqada ka soo rawaxay gurigii hore ee uu kirada ugu jiray u rawaxay. Markii uu albaabka gurigiisii hore marayey ayuu xasuustay inuu gurigan ka aagbedeshay oo mid uu xaqle ka yahay dhistay. Lugahayguna sidaas oo kale ayay sidii ilmo yar oo hooyadii ka maqnayd sheedda ka arkay, dhankeeda u tallaabsadeen iyagoon maskaxda la tashan wax ogaysiis ahna siin . Laakiin markay maskaxdaydu soo baraarugtay ayay lugaha ka diiday inay dhanka inanta xaaska ah u dhaqaaqaan. Dagaalkii saddexaad ee dunida  ayaana qaar xubnaha jidhkayga kamid ah  oo lugaha iyo maskaxdu kala hogaaminayaan ka dhex aloosmay. Xubinta  dhididay, neeftuuraysa ee dagaalku saameeyayse wejigayga ayuu noqday.

Markii ay isha igu dhufatay markiiba sidii inay wasakh laga wiswisayo amaba dhul omos ah aragtay oo kale ayay indhaha  igala booday oo meel kale u  jeesatay. Inay Sidii qof shisheeye ah oo aanay weligeed arag iila dhaqanto marnaba kama aan sugayn. Qofku sidee buu muddo gaaban gudaheed sidaa iskugu bedeli karaa? Laba bilood ka hor ayuun bay ahayd markaan adduunka iskugu jeclayn, boggeeda ku jiray ee ay timahayga ku ciyaaraysay. Adigu Iminka haddaad i arki lahayd “Ma timaa kugu hadhay saw kuwa kaa daatay?” ayaa i odhan lahayd? Sababta  timuhu iiga tahriibeen ma isweydiisay?. Hidde uma lihin balse  bidaar aan aabahay, abtigay, adeeraday iyo walaaladayda iga weyn toona ku oolin ayaan leeyahay. Magaaladan qofkaan dunida u jeclaa sidii neef bakhtiyey oo uraya iiga jeesanayso sii joog ma leh, waa inaan taladii saaxiibkay deg-deg u qaataa oo iskaga huleelaa meeshan.

La soco qaybta 4aad

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.