Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Geeridii Guuleed Yare (Q.2aad)

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Labadaa jeer ee Guuleed Yare dhimashada ku sigtay ee aanu kolnaba illaawin mar waxay ahayd, isaga oo aad u yar, ayaa reerkooda iyo reero kale oo ay isku hayb ahaayeen u hayaameen meel aad uga fog dhulkii ay degi jireen. Waxay ahayd abaar ba’an, oo ay biyo iyo baadba arlada ka dhammaadeen. Carruurta iyo maqasha waxaa la saaray awrta intii gurgurshaaga ahayd. Xoolaha intii jilicsanayd inta dadka qaar loo reebay, ayaa intii socon karaysey saddex geeddi la guuray. Waxaa la degay dhul ugbaad ah, oo kal hore roob fiicani helay, naqii ka baxayna aysan cidi daaqin. Laakiin waxay ahayd meel aysan biyo ka dhowayn, oo haddana kulul oo omos ah.

 Isla galabtii la degayba raggii wixii joogey iyo dumarka intii xoogga ahayd, qayb ka mid ah waxaa loo diray in ay beesha u soo dhaamiyaan, waxaana la isugu xidhiidhiyey tobaneeyo awr, oo midkiiba labo dhoon horraad iyo labo dhoon dambeed loo kala rogey. Labo ninna waxay dib u kaxeeyeen awr wixii gaadiid celis degmadu u soo ammaanaysatay. Qaybta kalana waxaa loo reebay in ay cidaha dejiyaan, xoolahana xeryo u dhigaan ama u oodaan. 

Guuleed Yare iyo caruurta la da’da ahi markaa ma oga reeruhu in aysan biyo haysan, dhaanka la dirayna uu maqnaan doono saddex caanomaal oo sii socod ah iyo saddex kale oo soo socod ah. Dadka waaweyni iyaga oo taa og, ayay caruurta iyo dadka intii jilicsanayd geed weyn oo hadhac ah hadhkiisa ku uruuriyeen. Sidaana waxaa loo yeeli jirey in qoyaanka dadka jidhkooda ku hadhay loo beekhaamiyo, si ay biyo la’aanta muddo ugu sii noolaan karaan. Sidaas oo ay tahay, haddana carruurtii dhowr ka mid ah harraad bay u dhinteen. Laakiin Guuleed Yare iyo qaar kale, iyaga oo xaalad naf ka dhowr ah galay ayaa dhaankii yimi, oo biyo lagu qabtay. 

Dhacdada kalana waxay ahayd, waa dambe isaga oo markaa maqasha raaca, oo lix jir ah, ayaa sidii hore oo kale loogu hayaamay dhul fog. Laakiin doorkan gaadiidka oo reeraha ku yaraa darteed, reer waliba mar ayuu guurayey. Reerkooda ayaana ugu hor guuray. Waxay yagleel ku degeen dhambacal yar oo jeexa ka hooseeyaa ugu roonyahay afar balli oo dohdani caan ku tahay. Dhulka intiisa kale waa dul ama buur daadsan oo aad u dhir badan, oo neefka geela ah ee aad sanqadhiisa maqlaysid aadan muuqiisa arki karin iyo kaymo isku xidhiidhsan oo aan kala go’nayn.

Duhur dabadii ayaa la degay. Xoogaa markii qorraxdu galbeed u hoobatayba waxaa la soo sheegay in carrada raxan libaaxyo ahi soo gashay. Aqalladii in la dhisto lama haleeline, xoolihii ayaa halhaleel casar dheer xeryaha lagu soo aabudhay, oo oodrogada afka laga saaray. Reerku hal qori oo xabbad keliyaale u dhaca ayay haysteen, waxaana galabtaa lagu aaminay Guuleed Yare aabihii, oo isagu reerka in uu oday u ahaa ka sokow, lagu yaqaanney kelyo adayg iyo shiish fiicnaan. 

Habeenkii markii uu dumay waxaa meel walba laga shiday dab, si libaaxa weerarka ah meel dheer looga arko, inta uusan xoolaha iyo dadka u soo dhicin.

Mashaqada ugu badani habeenkaa waxay dhacday, markii raxantii libaaxyada ahayd reerkii soo dul degtay, oo dhinac walba ka martay, xoolihiina xeryaha lagu celin kari waayey. Geela waxaa looga baqayaa in uu dido oo xerada dibadda uga dhaco. Lo’diina waa la fadhiisin kari waayey, kaadi bayna kala joojin weydey. Adhigu dhinaca uu libaaxu ka ciyo mooyee dhinaca kale ee xerada ayuu u didayaa. 

Habeenkaa sidii yurtaa loo hayey, ayaa libaaxu wax ka farsamo badane, goor dambe geelii muska u soo galay. Geeliina oodda ayuu jabsaday, oo siduu u dhammaa xerada dibadda uga dhacay. Libaaxii waa sidii uu rabaye, docda ayuu ka galay, oo marba mid luqunta ka jebiyaa. Ragna geel laga raacye, hareerta kale ayay ka raaceen si geela xerada loogu soo celiyo. 

Si ay ku dhacdayba; libaax gool ah ayaa raggii xeryihii u soo daba martay, oo caruurtii iyo dumarkii u soo dhacday. Habeenkaa markii ay gooshu muska ka soo dhacaysey Guuleed Yare iyo labo walaaladii ah oo ka yaryaraa, oo harar lagu duuduubay way ka soo tallaabsatay, Ilaahayse ma tusin. Wuu arkayey Guuleed Yare libaaxa ka tallaabsanaya isaga iyo walaaladii, welina ma uusan illaawin muuqaalkaas naxdinta iyo argagaxa badnaa. 

Guuleed Yare hadda wuu yara degganyahay. Wuxuu isku qanciyey in uu noolyahay. Waxaase dhib weyni ka haystaa sidii uu u heli lahaa qorshihii iyo tabtii uu bulshada ugu qancin lahaa in uu noolyahay, oo uusan dhiman. Marba talo ayaa is tusaysa, haddana mid ka fiican ayaa u muuqanaysa. Intii uu talo uruurinta ku jirey ayaa isaga oo aan weli talada meel dhigin, waxaa telefishankii uu hore u shiday – oo markaa ka horow uusan dareemin in uu ilaa markii shidnaa – soo galay muuqaal nin uu yaqaan ah. Ninkaas oo ka hadlaya dhibaatada warbaahintu dunida ku hayso iyo sida ay bulshooyinka qaarkood uga dhigto dad ba’a iyo balanbalka samada looga soo qoray, oo aan waxba qabsan karin, ay tahayna in goor iyo ayaan caawimo degdeg ah lala gaadho. Bulshooyin kalena uga dhigto kuwo barwaaqo sooran ah, oo wax qabsaday, in dhulkooda loo haajirana ay waajib tahay. Runtii Guuleed Yare muuqaalkan laftigiisa dhowr goor oo hore ayuu daawaday, laakiin hadda waxaa ku riixaya dareen uusan iska caabbin karin.  

Cumar waa ninka muuqaalka ka hadlayee, waa aqoonyahan cilmiga diinta iyo ka adduunyadaba jaamacado kala duwan oo dunida bariga iyo ta galbeedka ku soo bartay. Wuxuu ka mid yahay dadka tirada yar ee Soomaalida wax akhriya. Wuxuu wax ku akhriyaa afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga. Waana sababta Cumar marka uu hadlayo si mug iyo miisaan leh ugu soo tebiyo tagtada, una tusaaleeyo ta taagan, isla markaana talooyin uga sii bixiyo timaaddada. 

Waxaa kale oo dadka kii miyi jira iyo ka magaalo jooga, kii dibad u dhoofay iyo ka dalka deggan, ka jecel iyo ka neceb, intuba u daneeyaan doodihiisa in uu kula hadlo af Soomaali badhax la’ oo uusan ku labin afafka qalaad ee uu yaqaan, si ka duwan sida ay yeelaan aqoonyahanno iyo siyaasiyiin badan oo marka ay hadlayaan isku dara af Soomaaliga iyo afafka qalaad ah ee ay wax ka yaqaanniin. Iyaga oo aad mooddid in ay ku kabayaan ama ku qarinayaan afgaroocnimada ka haysata afkooda hooyo. 

Cumar markii uu hadlayey wuxuu tusaale u soo qaatay muuqaalkii foosha xumaa ee warbaahinta dunidu ugu tebisey adduunka berigii Soomaalidu dawladnimada isku dishay. Markii dambana iyaga oo ku diganaya eedaynta uga dhigay “dawlad fashilantay” “dad is cunaya” “dunida halka ugu khatarta badan” iyo qaar kale oo ka sii fool xun. Ilaa dunidu u qaadatay in Soomaalidu tahay dad wada argagixiso ah, oo wada dhiigyo cab ah, ayna waajib tahay in la iska ilaaliyo shiikhooda iyo shariifkoodaba. 

Intaa kuma deyne, wuxuu is weydiiyey: “Dadyow badan oo sida Soomaalida iyo ka xunba isu dilay ayaa jira. Iska daa in la eedeeyee, inta loo gurmaday oo godkii ay ku dhici lahaayeen laga soo qabtay, ayaa ilaa ay dawlad ka noqdeen la soo gardaadinayey. Tolow, Soomaalida maxaa ku gaar ah, oo ay godobta intaa le’eg ku mudatay?” 

 Wuxuu kusii daray, xilligii gumaystuhu carrada ka talinayey, sidii warbaahintii xilligaa jirtey iyo raggii wax qori jirey uga midaysnaayeen in ay Soomaalida ku suntaan dad qabyaaladi dilootay, oo aan sinaba qaran u noqon karin.

Cumar wuxuu ku soo afmeeray hadalkiisii; Soomaaliyi xaalado midiba mid ka adagtahay oo door ah bay soo martay wayna ka nooshahay. Ta maanta haysatana way ka gudbaysaa, isaga oo soo xigtay erayo ka mid ahaa gabaygii Qamaan Bulxan:

Hadday sigato gobi way kacdaa amase suuxdaaye

Suryin kuma bakhtido maalintii laga sarreeyaaye.   

Waxaa jira hadal ku deeqa iyo mid aad qawaddid oo dhinac kaa mara. Guuleed Yare hadalkani saaka wuxuu u doojiyey sida hogosha roobka oo ku curatay dhul muddo abaar ahaa. Wuxuu isku qanciyey isaga oo niyadda isu dhisaya, in warbaahintan saaka adiga oo nool, oo soo taagan dadkii rumaysteen in aad dhimatay ay dawlado iyo ummado badan eed aysan lahayn ku nabtay, oo iska daa dadka kale’e iyagii rumaysteen sawirkii xumaa ee laga sheegayey in ay wax ka jiraan. Wuxuu isku maaweeliyey: “dhibka kii lagula qabo ayaa ka roon ka kugu gaarka ah”. 

La soco qaybta saddexaad…

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Eamil: [email protected]

Geeridii Guuleed Yare (Q.1aad)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.