Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gobolka Siti Waa Malko

WQ Cabdalla Xaaji Cusmaan

Gobolka Siti oo ka tirsan Dawlad-Deegaanka Soomaalida, saddex degmo oo ka tirsan ayaa xukuumaddii Males Senawi si jujuub ah u raacisay Deegaanka Cafarta, halkaas oo ay weli dhibaato ka taagan tahay. Ujeedeedda dhulka Soomaalida loo raaciyey gobolka Cafartu ma aha fikir xilligan uun dhashay ee waa aragti fog oo ay qabeen kuwii isaga xukunka uga horreeyey ee Minilig, Xayle Selaase iyo Mangistu.

Si aan u garanno danaha gurracan ee ay Xabashidu ka leedahay gaar ahaan gobolka Siti guud ahaanna dhulka Soomaalida, waxaan maqaalkan kooban ku soo qaadan sooyaalkii la isla soo maray.    

1862kii ayuu gumaysigii Faransiisku qabsaday Obokh oo ka tirsan Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo uu heshiis kula galay Suldaankii Raxayta. Muddo yar dabadeedna heshiis kale ayuu la galay suldaankii Tajorrah. Ujeeddada uu gumaysiga Faransiisku  u soo degay xeebtaa waxay ahayd, waa marka koowaade, in uu helo goob ay maraakiibtiisa ku socota Indojayna (Indochine) ay ku nastaan isla markaana sahayda, biyaha iyo shiidaalkaba ay ka qaataan, waayo xilligaa Ingiriiska oo Cadan qabsaday 1839kii ayaa maraakiibta Faransiika u diidday in ay ku soo xidhaan dekedda Cadan. Waa marka labaade, xilligaa waxa soday hawshii lagu jeexayey Kanaal- ka Suweys (Canal de Suez), kaas oo Jabuuti ka dhigay goob malko ah. Waa marka saddexaade waxa jirey heshiis uu gumaysiga Faransiisku la galay gumaysigii Xabashida ee uu Mililig boqorka u ahaa, heshiiskaa oo ahaa ganacsi ay labada dhinac iswaydaarsadaan.

Waxa kale oo heshiiska ku jirey in la sameeyo khad tareen oo isku xidha Obokh iyo Addis Ababa. Laakiin in khad tareen halkaa laga sameeyo way suuroobi weyday, waayo? Waa dhul qarfa ah oo buura badan, biyuhuna ku yar yihiin (sida ku qoran buugga “Heritage ou Frustration” Colette Dubois). Boqor Mililig aad buu u jeclaa in khadka tareenka halkaas la soo mariyo, dan baase diidday. Markaa kadib waxa gumaysigii Faransiisku u soo diga rogtay halka ay maanta ku taallo caasimadda Jabuuti. 1897kii, ayuu xeebta Cambaado oo Jabuuti Woqooyi-galbeed ka xigta ka soo degay, halkaas oo uu heshiis kula galay odayadii Ciisaha.

Heshiiskaa qodobbadiisa waxa ka mid ahaa, in Faransiisku dhulka Ciisaha ka hor joogsado shisheeyaha ku soo duulaya, heshiiska waxa ku jirtay in ilaa goobta la yidhaa Jaldaysa oo Diri-Dhaba bariga kaga toosan, una jirta 20 KM in Faransiisku gaadho. Xilligaa Ciisuhu waxay ka cabsi qabeen  Xabashida oo 1887kii qabsatay xaruntii islaamka ee Geeska Afrika ee Harar, isla markaana ku soo siqaysay dhulka Soomaalida iyo in Faransiisku dhiso khad tareen oo isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa iyo deked.

Xilligaa Ingiriiskuna waxa uu qabsaday gobollada Woqooyi (Somaliland), Talyaaniguna Koonfur. Heshiiskaa uu Faransiisku la galay odayada Ciisaha waxa uu ahaa afka baarkiisa wuuna ka baxay, sidaa oo kale ayaa Ingiriiska iyo Talyaaniguna uga baxeen heeshiisyadii ay la galeen Soomaalida. Iska daa dhul uu ka horjoogsado’e heshiis qarsoodi ah ayaa jiray, kaas oo Xabashida u fasaxayey inay dhulka Ciisaha qabsadaan marka laga reebo inta uu isagu rabo, hubka ay dhulka ku qabsadeena isaga iyo Ingiriiska ayaa siin  jirey Xabashida.

1900-kii, ayaa si rasmiy ah loo bilaabay dhismaha khadka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa, 1917-kiina waa la dhammays tiray. Khadkaa tareenka dhererkiisu waa 752 km. 420 km waxa uu maraa dhulka Ciisaha (Gobolka Siti Deegaanka Soomaalida). 1934 kiina waxa la bilaabay in la xarriiqo xuduudda kala qaybisa dhulkii Ingiriisku qaatay (Somaliland), qaybtii Xabashida la siiyey iyo intii Faransiisku goostay. Hawshaa lagu xarriiqay xuduudda oo laga soo bilaabay carro Dhulbahante markay soo gaadhay goob aan sidaa uga fogayn halka ay ku kulmaan saddexda xad, ayaa Ciisihii ka dhiidhiyeen dhulkooda gaaladu soorantay. Waxay go’aansadeen inay ka dagaallamaan, soddon dhallinyaro oo is urursatay ayaa 30 Mars 1934-kii weerar ku qaadday Injineerkii loo soo kiraystay inuu calaamadiyo xadka iyo raggii la shaqaynayey oo wata gaadhi Landrover ah, ninkaas oo la odhan jirey Emil Beitz. (Warkan waxaan ka soo xigtay Facebook-ga Mohamed Malim Osman, oo deggan Diri-Dhaba) Dhallinyaradii waxay beegsadeen gaalkii oo cagaha wax ka dayey, markay muddo baacsanayeen ee ay ka hadhi waayeen ayuu bastoolad uu sitay miciinsaday, waxa uu gacanta ka dhaawacay Bahdoon Diirrane oo ka tirsanaa dhalliyaradaa, isagiina goobtii ayaa lagu bireeyey. Gaalkaas dilkiisa waxa taariikhda ku galay Bahdoon Diirrane.

Arrintaa dawladdii Xayle Selaase waxay u soo qabqabatay shacabkii halkaa degganaa oo odayo u badnaa. Maalmo kadib waxa isa soo dhiibay Bahdoon Diirrane oo soo furtay dhammaan Ciisihii ay Xabashidu xidhxidhay. Bahdoon xadhig dheer baa lagu xukumay, waxana lagu xabbisay xabsiga caanka ah ee la yidhaa Aalam baqa (Adduun kuu dhammaa) ee ku yaal Addis Ababa. 1937-kii markii Talyaanigu qabsaday Itoobiya ayaa xabsiga laga sii daayey isagoo halkaa aad ugu rafaaday. Waxa kale oo jiray nin ka tirsanaa dhallinyaradaa gaalka dishay oo la odhan jirey Rayaale Gaaxmaal oo gumaysigii Ingiriisku ku dilay magaalada Saylac (Sida ku qoran buugga Garbaduubkii Gumaysiga,Farax M. J. Cawl, 1978 ).

Xuduudda ay xarriiqeen gumaystayaasha reer Yurub waxa ka muuqata in ay iyagu qaateen oo ay isku koobeen xeebaha Soomaalida, kana qadiyeen gumaysigii  xabashida ee rabay inuu wax ka helo xeebaha Soomaalida, waayo? Iyaga dani uguma jirin in Xabashidu xeebaha wax  ka hesho. Xayle Selaase oo Itoobiya boqor ka noqday sannadkii 1930 kii, qudhiisu waxa uu dedaal badan u galay sidii adeerkii Mililig oo kale inuu hantiyo xeebaha Soomaalida iyo Ilateria (Eritrea). Dagaalkii labaad ee dunidu markii uu dhammaaday ee la jebiyey Jarmalkii iyo Talyaanigii xulifada la ahaa, ayaa dalka Ilateria oo Talyaanigu gumaysan jirey ay Jimciyadda Qurumuhu federal ahaan u raacisay dalka Itoobiya, laakiin Xayle ayaa khiyaamay oo si rasmi ah ugu biirsaday dalkiisa.  Waxa kale oo uu dedaal badan u galay, in Soomaaliya oo dhanna lagu soo daro Itoobiya. 1960kii, markii ay midoobeen labadii gobol ee ay kala haysteen Ingiriiska iyo Talyaanigu ee ay noqdeen Jamahuuriyaddii Soomaaliya, Itoobiya aad bay uga xumaatay. Waxay isku tijaabisay inay qabsato gobolladii Woqooyi.

Bishii Abril 1960kii, markii uu Maxamed Ibraahim Cigaal iyo wafdi uu hoggaaminayey ay gumaysigii Ingiriiska la soo sexeexdeen, in gobollada Woqooyi gobannimada qaataan 26ka Juun 1960ka, ayaa wafdigu waxay soo mareen Addis Ababa si ay  Xayle Selaase uga codsadaan in uu Soomaalida u soo celiyo Hawd iyo Reserve Area oo uu Ingiriisku Xabashida ku wareejiyey sannadkii 1954kii. Inkastoo kulankii  ay la yeesheen boqorka Xabashida uu ku soo dhammaaday natijo la’aan, haddana maalmihii ay Addis Ababa joogeen waxay la kulmeen safiirkii Soodaan Itoobiya u fadhiyey , kaas oo ka wargeliyey wafdiga Cigaal in Xabashidu diyaar u tahay weerar ay ku soo qaaddo marka ay Soomaaliya gobonnimada qaadato si ay u qabsadaan dekedda Berbera. (Warkan sirta ah iyo kulankii dhex maray Xayle Selaase iyo wafdiga Cigaal oo faahfaahsan waxaad ka heli buugga xusuus qorka ee Danjire Axmed Maxamed Qaybe soona baxay 2015kii.)

1964kii, talihii ciidanka Itoobiya ee degganaa gobolka Soomaalida oo la odhan jirey Janaral Amaan Mikaa’iil Andom, waxa uu warqad u diray boqor Xayle Selaase. Warqaddaas oo uu leeyahay waxaan xoog ku qabsan karaa ilaa dekedda Berbera ee boqorkaygiiyow ii fasax ( Sida ku qoran buugga Dagaalkii Ogaadeenia76-77kii ee uu qoray Dr. Saadiq Eenow 2018). Dabadeed ciidankii Xabashidu weerar xoog leh bay ku  soo qaadeen gobolladii Woqooyi gaar ahaan Dabagorayaale, Gorayacawl, Wajaale iyo Ina-guuxa. Jabkii ciidanka Xabashida ku dhacay waagaa taariikhday ku qoran tahay. Janaraal  Amaan Mikaa’iil Andom waxa la sheegay inuu dagaalkaa ku waashay oo dhakhtar loola cararay (Sida uu sheegay Allaha u naxariistee Cabdillaahi Ducaale oo qori jiray wargeyskii Iftiin, Jabuuti). Dagaalkaa waxa ku indha beelay laba  ka mida saraakiishii dagaalka hoggaaminaysay, kuwaas oo iyagoo la hoggaaminayo la soo fadhiisin jiray huteel ku yaal magaalada Diri-Dhaba. 

Khadka Tareenka ee Jabuuti ka soo baxa marka uu marayo Ayshaca waxa uu aad ugu dhaw yahay xuduudda Somaliland gaar ahaan magaalada Cabdulqaadir (Gobolka Selel.) Xayle Selaase waxa sida dharaarta ugu muuqatay halista ay ku jirto waddadaas dhuunta Itoobiya ah. Si uu uga gaashaanto waxa uu dhistay dekedda Casab oo ka mid ah dhulka Ilateria (Eritea) ee uu boobay, wadda laami ah oo isku xidha Casab iyo Hawaasna uu dhisay (665km). Waddadaas waxa dhexda kaga soo biirta waddo iyaduna laami ah oo ka timaadda Jabuuti. Dariiqaa Casab iyo Hawaas isku xidha waxa uu dhulka Ciisaha ka maraa saddexda degmo ee kala ah  Candhuufa, Caddati iyo Garba-Ciise (Waa degmooyinka la rabo in laga soo gooyo gobolka Soomaalida oo lagu daro Deegaanka Cafarta). Waxa kale oo uu Xayle Salaase Casab ka dhisay warshad saliidda lagu safeeyo. Saddexda degmo xilligii Xayle iyo Mangistu waxa ay ka tirsanaayeen oo laga xukumi jirey gobolkii Hararge ee xaruntiisu ahayd Harar. Kadib dhismihii dekedda Casab, dawladda Itoobiya waxay bilawday inay si qunyar-qunyar ah alabtii ay kala soo degaysay Jabuuti iyo kuwii ay ka dhoofinaysayba u soo wareejiso Casab (sida uu sheegay waaligii Faransiiska u joogay Jabuuti,  58-62, Jacque Compain ‘INA’.)

Khariidadda Qawmiyaddaha ee Itoobiya

1977kii, markii ay Jabuuti xorowday alaabtii ay halkaa kala soo degaysay waxay ku soo koobtay boqolkiiba toddoba keli ah (sida uu sheegay madaxweyne I.O.G sannadkii 2000, mar lagu waraystay R.T.D)

1991kii, waxa xukunkii Itoobiya xoog kula wareegtay jabhadii EPRDF (The Ethiopian Peoples Revolutionary Democratic Front) ee qolada Tigreegu hormoodka ka ahayd isbeddelkana keentay. Isbeddelkaasi waxa uu keenay in distoor cusub loo sameeyo dalka Itoobiya 1994kii. Distoorka cusub waxa lagu daray in qawmiyadaha Itoobiya la siiyo maamullo u gooniya oo iyagu soo doortaan. Dalkii oo dhan waxa loo qaybiyey sagaal Killil (Gobol ) oo ku salaysan qawmiyado.

Qawmiyadda Soomaalida oo distoorkan ka hor dhulkeeda la kala raaciyey saddexdii gobol ee kala ahaa Hararge, Bale iyo Sidamo, ayaa markii u horraysay nasiib u yeelatay in dhulkooda iyo dadkoodaba la mideeyo. Soomaalidu waxay noqotay qawmiyadda labaad ee ugu dhul ballaadhan qawmiyadaha Itoobiya. (327,068km2).

Halkan ka akhri maqaalka: Gobolka Siti Waa Malko

Cabdalla Xaaji Cusmaan
Email: [email protected]

———-
Qoraallada kale ee Cabdalla X. Cusmaan
Soomaalaay Sooyaalkaaga Illaasho– W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan         


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.