Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Geeridii Guuleed Yare (Q.1aad)

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Aroor Jimce ah oo uu hurdada ku daahay ayuu goor dambe ka soo toosay. Si la mid ah dhalinyarada filkiisa ah ee maanta joogta ayuu isaga oo aan sariirta ka kicin telefoonkiisa gacanta haabtay, oo isha mariyey wixii farriimo u soo dhacay muddadii uu hurday. Ka dibna wuxuu furay rugaha uu ku leeyahay baraha bulshada ee kala duwan.

Cabbaar ka dib isaga oo Facebookga iska dhex mushaaxaya ayuu ku arkay farriimo badan oo tacsi la isugu dirayo. Markii uu dhowr farriimood oo isku mid ah is dhaafiyey isaga oo aan hubin qofka dhintay. Wax yar ka dib wuu rumaysan waayey waxa uu arkay. Waxa laga tacsiyaynayaa waa dhimashadiisa, waxaana midiba mar ku soo baxaysaa farriimo isdaba joog ah oo aan kala go’ lahayn. Qaarkood sawirkiisaa ku dheggan, qaar kalana saaxiibbadiisa u tacsiyadaynaya ayaa la sawiran. Waa saaxiibbadii, macalimiintiisii, qaraabadiisii, dad kale oo ay si uun isu yaqaanneen iyo qaar kale oo uusan hore ugu arag Facebookga. 

Dadka badankoodu way ammaanayaan, oo wanaag badan oo uu lahaa ayay ka sheegayaan. Qaarkood waxay soo geliyeen hadallo waddaniyad u badan oo uu hore goobo kala duwan ka yidhi, iyaga oo si qiiro ku dheehantahay uga hadlaya ninka uu ahaa Guuleed Yare. 

Guuleed Yare hadda wuxuu dhex wareegaysanayaa qolkii uu hurday. Wuxuu sameeyo iyo meel uu wax ka billaabo midna ma garanayo. Wuxuu isku dayey in uu saaxiibkiisii ugu dhowaa waco, laakiin telefoonkii kama uusan qaban. 

Facebookgii ayuu mar kale dib u eegay. Mise waxaadba mooddaa maanta in aan wax kaleba lagaga hadlayn. Waxaa sida daadka ugu soo rogmaday farriimo tirada ka batay oo far Soomaali, Carabi iyo Ingiriisiba ku qoran, oo dadka qof waliba si xeeldheer uga hadlayo Guuleed Yare shakhsiyaddiisii markii uu noolaa. Iyaga oo isla markaana Ilaahay uga baryaya in uu u naxariisto, jannada Fardowsana ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtiisiina sabir iyo iimaan ka siiyo. 

Imminka waxaa ku billaabmay shaki. Wuu is taataabanayaa. Muraayad ku dhegganayd kabadhka dharka ayuu hor joogsaday oo isku eegay, oo sidii qof qof kale qancinaya oo kale hoos isugu sheegay: “War waad nooshahay”. 

Xoogaa markii uu warwareeggii ku dawakhay, ayuu kursi qolka fadhiga yaalley isku tuuray. Ka dibna wuxuu shiday telefishan meesha u yaalley. Telefishanka waxaa halka hoose kaga qoran qormooyin warar u badan oo isdaba socda, oo inta ay meel ku libdhaan haddana docda kale ka soo billaabmaya, oo ay ka mid tahay tacsidii dadku isu dirayeen ee geeridiisa. 

Qosol-gariir yar oo uusan u qasdin ayaa soo dhaafay. Shaydaanka ayuu iska naaray. Wuxuu haddana u maleeyey in uu riyo ku jiro. Iyadana dhowr ficil oo uu ku hubiyey in uusan riyoonayn ayuu kaga qancay. 

Guuleed Yare wuxuu dhowaan ku soo dhammeeyey heerka labaad ee waxbarashada sare jaamacad ku taalla mid ka mid ah waddammada fara-kutiriska ah ee Soomaalida loo ogolyahay in ay waxbarasho u aadaan. Ka dibna wuxuu markiiba shaqo fiican ka billaabay shirkad uu wax ku leeyahay nin adeer ugu beegan, oo ah ninka kharashka jaamacadda heerka labaad ka bixinayey labada sanadood. 

Guuleed Yare maanta waa labo iyo soddon jir. Ragga haddii saddex meelood loo qaybiyo qaybta dhaadheer ayuu gelayaa. Waa bashaash qosol badan oo ay yartahay in aad aragtid isaga oo xanaaqsan. Waa maarriin furan oo salxanyo dhaadheer leh, waxaana ku soo jirta bidaartii aabbihii oo kale. Jidhkiisu si fiican ayuu u dhisanyahay, oo waxaad mooddaa in uu hadda geela ka soo leexday. 

Maanta waxaa u billaabmay nolol aad uga duwan tii uu ku soo koray. Dhowaan ayaa gabadh ay muddo wada socdeen loo meheriyey, welise lama aqalgelin. Waalidkii oo isaga iyo walaalihiiba nolol adag ku soo koriyey maanta way ku nasteen, wax badan ayuuna noloshooda ka beddelay. 

Guuleed Yare maalintii dawladdii dhexe dumaysey dhabarka ayaa lagu sidey, reerkooduna waxay ahaayeen reer miyi xoolo dhaqato ah oo xoolaha meesin waliba xeryaha uga buuxo. Hase yeeshee, maadaama sidii dawladnimadu Soomaali uga burburtay si la mid ah noloshii miyiguna ay uga baaba’day, waxay reerkooda iyo reero badan oo la mid ahaa soo miciin bideen magaalada, ka dib markii xoolihii ka dhammaadeen abaaro iyo cudurro soo noqnoqday dartood. Reerkoodu waxay caydhoobeen oo magaalada soo galeen isaga oo labo iyo toban jir ah, oo si fiican u yaqaan nolosha miyiga, xoolahana meesinkii loo diraba ka adag. 

“Hooyo, dhibaato nooc aanan idinla soo marin way yartahay, dhabarkaygana idiinku xammaalay, balse waxaad ogaataa weligay qofna gacan uma hoorsan”, waxaa sidaa ku tiri hooyadii oo maalin sabirsiinaysa Guuleed Yare, maadaama uu carruurta ugu roonaa. 

Waa garteed in ay ugu abaal sheegato in noloshii adkayd ee ay la soo martay, aysan geyeysiin in ay dawarsato. Dhaqankii hore ee Soomaalida ayaa sidaa ahaa. Hase ahaatee iyadu waxay hadalkan wiilkeeda u maqashiinaysaa in uu noqdo nin isku kalsoon, oo xaalad kasta oo soo foodsaarta uusan gacan qof kale wax ka sugin. 

Haa, waxay ahaayeen ma-qadaan ma-dhergaan. Guuleed wuxuu markiiba noqday wiil firfircoon oo la qabsaday magaalada. Waxbarashada jecel, bulshaawina ah oo saaxiibbo badan kasbaday, duruufta nolosha reerkoodana ku qanacsan. Wuxuu billaabay waxbarashada dugsiga hoose ilaa uu jaamacadda heerka koowaad ku dhammeeyey magaaladii ay u soo qaxeen. Waxaa u dheeraa in uu afafka Carabiga iyo Ingiriisagaba si fiican uga bartay Dugsiyo gaar loo leeyahay, oo magaalada ka furnaa.

Guuleed Yare muddadii uu waxbaranayey marna shaqo la’aan ma noqon. Wuxuu ka billaabay caseeye ama baalashle, dadkana baabuurta ayuu u dhaqi jirey. Shaqooyinka noocan ah waa halka naanaysta “Yare” looga soo lammaaniyey magaciisa. Markii dambe wuxuuba noqday bare dugsiyada wax ka dhiga.

Aabbihii shaqadii uu magaalada ku soo galay waxay ahayd kuuli guryaha wax ka dhisa. Ka dibna wuxuu u dallacay wastaad ama fuundi. Inta uu camal la’yahay ayaa ka badnayd inta uu shaqo gacanta ku hayo. Odayga taa waxaa u sii dheeraa markii xoolihii ka dhammaadeen in niyaddu dambaska noqotay. Waxaan maskaxdiisa ka bixin geelii waqtiyada qaarkood boqolka kor u dhaafi jirey, haliba hashii ay ka caano badnayd iyo tii ay ka quruxda badnayd. Odaygu xoogaaga uu maalintii soo shaqeeyo uma qaybsami jirin reerka iyo majinta jaadka ah, ee uu ku andacoodo in uu isku illowsiinayo wixii geel, lo’ iyo adhi dhaafay. “Jaadka anigu caqaar yar oo aan ku maararroobo ayaan ka cunaa”, ayuu isku difaaci jirey marka wax laga wayddiiyo. 

Guuleed Yare hooyadii iyadu suuqa ayay khudrad, caano iyo wixii kale ee ay heshoba la fadhiisan jirtey. Hiirta hore marka ay kallahdo gabbal gaab ayay haddii ay wax heshay iyo haddii kaleba iyada oo cagaha jiidaysa guriga u soo dheelman jirtey. 

Guuleed Yare weli kursigii ayuu qandoodaa. Fikrado badan ayaa midiba mar ku soo dhacaysaa, midkoodna madixiisa kuma hakanayso. Neef xoog badan ayuu iska soo saaray, oo haddana kor iyo saqafka guriga ku dhaygagay. Hadda wuxuu u muuqdaa nin is dhiibay, waxaana ku soo furmay su’aalo aan hor iyo dabo toonna lahayn:

“Ma run baa in aad dhimatay?  Qof aan soo xanuunsan miyuu dhiman karaa? Markii hore miyaad noolayd? Nolosha iyo dhimashadu maxay ku kala duwanyihiin? Marka la dhinto sidee la noqdaa? Aakhiradu maxay adduunka kaga duwantahay? Haddii ay run tahay in aad dhimatay yaa ku dilay? Dadku waxa ay kugu ammaanayaan ma runtood baa? Mise qofku marka uu dhinto uun ayaa been iyo runba la isugu soo dardaraa, oo ammaan tiro badan xabaasha looga daba geeyaa?” 

Su’aalo door ah, oo aan macno badan samaynayn, oo haddana aan isku toosnayn ayuu ku haftay, oo maskaxdiisa mashquul ka dhigay. Mar dambe ayuu si khasab ah isaga furfuray fikradihii isku cambusanaa ee madaxa ka xanuujiyey. 

Isaga oo sidaa isugu buuqsan ayuu soo xusuustay berigii ay reer miyiga ahaayeen labo jeer oo uu dhimasho ku sigtay. Weligii ma uusan illaawin labadaa dhacdo ee soo maray noloshiisa. Marar badan ayuuna saaxiibbadii uga sheekeeyey. 

La soco qaybta 2aad

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Eamil: [email protected]

————

Xuquuqda sheekadani waa mid dhowrsoon idil ahaanteed


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.