Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 72
Post

Lacagta Shilin Soomaaliga oo ka yaabisey dhaqaalyahannada adduunka

W/Q: Maxamed Dalmar Muddo hadda laga joogo 23 sano ayaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday, hay’adihii  dhaqaalaha iyo maaliyaddu burbureen, sharcigii iyo kala dambeeyntiina suuleen. Haddana lacagta shilin Soomaaligu weli way shaqaysaa, waana firfircoon tahay [1]. Waa arrinta ka yaabisey aqooynyahannada dhaqaalaha  adduunka oo soo jiidatay dareenkooda. Daraasado, qoraallo iyo dood-cilmiyeed xiiso badan ayaa ka...

Post

Puntland Ma ka Cayaari Doontaa Door Hoggaamineed Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyanta?

Qalinkii Saciid Faarax Madaxweyne Cabdi Weli isagoo ka jawaabaya baahida reer Puntland ay u qabaan dimoqraadiyaynta wuxuu ku ballan qaaday dhowr wareysiyo oo uu bixiyey doorashadiisii ka dib inuu dalka gaarsiin doono 2019 doorashooyin qof walba uu codkiisa ku dhiibto si loo helo hoggaan qaran oo shacabka ka yimaada. Hagaag! Ha yeeshee waxaan durbadiiba si...

Post

Eng . MAXAMED BURAALE FAARAX IYO FURSAD QAALI AH OO AAN KU XUSUUSTO

Wq. Siciid Jaamac Xuseen Saddex dhinac oo qof walba lagu qiimeeyo, gaar ahaan marka uu xijaabto ee tii Alle u timaaddo ayaa kala ah dabcigiisa iyo dad-la-dhaqankiisa, aqoontiisa iyo cilmiga uu lahaa, shaqadiisa iyo hawlkarnimada wax-qabadkiisa.  Sifooyinkaas dadkii ay marxuumka isugu dhowaayeen noloshiisa iyo kuwa ay soo wada shaqeeyeen, ayaa si sax ah uga warramay...

Post

Basar xumo!

W/Q C/karim C/raxmaan X. Xasan Waxaa dhawaan maqaal ka hadlayay dhibaatooyinka iyo caddaalad darrada ay keento caadifadda qabiilku ku soo qoray boggan WardheerNews Bare sare Saciid Sh. Samatar, oo tusaale u soo qaatay Basar xumada Bisadda isagoo tixraacaya odhaah Soomaaliyeed oo uu horey ugu sheegay Cabdillaahi Suryaan.  Sida uu maqaalkiisa ku sheegay Saciid Samatar odhaahdaasi...

Post

BAROORDIIQ : Mudane Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen:“Geeriyeey xishoodlaay”

W/Q Mustafe  A. Xandule Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ah “Geeridu nin aadan aqoon iyo Geeljiray ku roontahay.”  taas oo ujeedadeedu tahay, waa arin aad u adag inaad maqasho ama ka samirto qof aad taqaanay geeridiisa. Anigu shaqsi ahaan ma aqoonin marxuum C/Risaaq X. Xuseen balse taariikhdiisu waa marag madoonto meel kasta laga dheegan karo. Waxaanse anigu...

Post

GABAY: AARKII QARANKEENNA: GEERIDII CABDIRISAAQ X. XUSEEN

W/ Tiriyay: Maxamuud Axmed Cabdalle (Abwaan Shiine) Waa gabay aan  tiriyay  markii aan ka war helay geeidii naxdinta lahayd ee ku timid Alle naxariistii Jano ha ka waraabiyee marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen. Kolka uu halyey iisho oo iilka lagu awdo Ehel iyo xigaaliyo asxaab waw ayaan mudane Ajasha iyo geerida ku timid aarkii qarankeenna Udub qaran...

Post

MADAXWEYNE GAAS: SIDEE KUGU AF-GARANNAA?

W/Q: Ibraahim G. Sharmarke Jiilaalkii 2012-ka, markii aan qorayey maqaalkii: Dhambaallada af-Ingiriisiga ah: Ma Jaajuusnimaa mise waa Isqaadqaad? aan Amiir Caamir ka ergadee, Isma lahayn adiga iyo Madaxweyne dadkiisii la hadlaya ayay xaajada Af-Soomaaliga ku xeerani idinka dhex oogmi doontaa. Waxaan Dayrtii 2009-ka ka ciil-qabey, Cabdikariim Cabdiraxmaanna  uu mqaalkii Sheekh Shariif iyo Afka Hooyo,  ka...

Post

Xusuustay Xaaji Axmad Juuni (AUN)

W/Q Maxamad Dalmar Dhibaatada dagaalka sokeeye keenay waxaa ka mid ah in la iloobay waxay dadka Soomaaliyeed isu ahaan jireen, wanaagay isu geli jireen iyo siday wax u wadaagi jireen. Dhanka kale, Waxaan weli la iloobin godobtii belaha soomaaliyeed kala galeen dagaalka sokeeye dhexdiisa. Waxaad marar badan maqleysaa: Ma reer hebel baa wanaag naga dhexeeyaa!...

Post

Muran iyo Madal Ceebeed!

W. Q. Khaliil C. Xasan Xalay gelinkii dambe abbaara 2dii habeenimo xilliga Muqdisho, goor ay Soomaalida inteeda badani huruday, 37 maalmood ka dib markii xilka ra’isalwasaaraha loo magacaabay Md. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayuu madal ceebeed kaga  dhawaaqay xubnaha golihiisa wasiirrada. Wuxuu madasha soo galay isagoo waraaqo ay ugu qoranyihiin liiska wasiirradu gacanta ku sita. Madaxweyne...