Basar xumo!

W/Q C/karim C/raxmaan X. Xasan

Waxaa dhawaan maqaal ka hadlayay dhibaatooyinka iyo caddaalad darrada ay keento caadifadda qabiilku ku soo qoray boggan WardheerNews Bare sare Saciid Sh. Samatar, oo tusaale u soo qaatay Basar xumada Bisadda isagoo tixraacaya odhaah Soomaaliyeed oo uu horey ugu sheegay Cabdillaahi Suryaan.  Sida uu maqaalkiisa ku sheegay Saciid Samatar odhaahdaasi “ Alla Bisaddu basar xumaa ma Soomaali baa” waxaa uu Cabdillaahi Suryaan ka soo xigtay riwaayad markaasi uu curiyay abwaan Soomaaliyeed oo aanu magaciisa hayn.

Suryaan  ayaa Siciid  u sheegay in abwaankaasi darsay nolosha iyo basar  xumada Bisadda, oo aad u jecel nolol raaxo leh, hase yeeshee aan markaasi waxtar mug leh u keenin ama u hayn qofkii dhaqanayay, halka xayawaanka kale laga helo manaafacaad badan oo kala geddisan.

Haddaba aniga oo tixraacaya Basar  xumadaasi  Bisadda lagu sheegay, ayaa waxaa dhawaan soo ifbaxay laba sheeko oo isku dhaw oo runtii ah kuwa basar xumadooda tii Bisadda lagu tilmaamay ku ilowsiinaysa.

Labadan dhacdo oo khuseeya laba mas’uul oo isku xirfad ah, muddo dheerna soo wada shaqeeyay ayaa ah mid meel ka dhac ku ah xilalka ay ummadda u hayaan iyo milgaha dawladnimo.

Aan ku horreeyo haddaba Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland  Md. Cali Maxamed Warancadde oo dhawaan waraysi uu siiyay idaacadda la iska arko ee Somali Channel, kaga hadlay erayo Basar xumo ah. Kuwaasi oo runtii dad badan oo daawaday ay aad ula yaabeen. Wasiirka oo ka mid ahaa saraakiishii Sirdoonka NSS-ta ee xukuumaddi kali taliska ahayd ee Siyaad Barre, ayaa su’aalo uu wariyuhu weydiiyay oo ku aaddanaa waxqabadka Soomaaliland 20 kii sano ee la soo dhaafay, si ka arradan akhlaaqda  uga jawaabay. Wasiirkan oo aad mooddo in uu u haysto edeb darrada siyaasad,  ulana ekaadeen su’aalahaasi kuwo aan horey loo weydiin, ayaa waxa aad u yaab badnayd doodda dhex martay wasiirkaas  iyo wariyaha wareysigaas qaadayay. Doddaas waxaa ka mid ahaa:

Warancadde
Wasiir Warancadde

Wariye: Soomaaliland wey 20 jirsatay, walina ma muuqato … wax aad ka qabateen illaa hadda, xitaa Badhasaabyada gobollada waxaa laga soo magacaabaa Hargeysa,  bal arikaasi iyana wax ku dar?
Wasiirka: Runtii markii aad meesha nagaga tagteen,  waxba noogamaydaan tegin.

Wariye: Oo yaad la hadleysaa!, anigu nin wariye ah baan ahee?
Wasiirka: adaan kula hadlayaa, ah ah ah aaa,

Wasiirka: Oo dee meel baaba’ ah oo aan guri jirin, jiingadii aad ka goosateen, gidaaradii aad dhulka dhigteen…..
Wariye: Adigu mudane, markaas  nidaamkaas ayaad ka mid ahayde, miyaad tiraahdid annagu waxba ugamaanu tegin?

Waraysiga oo ahaa mid dheer, waxa runtii basar xumada jaajuus hore Warancadde ay ka turjumaysaa garaadka dadka maanta majaraha u haya maamuladda ka jira  dhulka Soomaaliyeed. Taas oo aan odhan karno waa sababaha ugu waaweyn ee Soomaalidu la talaabsan la’dahay.

Mudane Warancadde iyo tiro yar oo kale oo maanta aad uga dhex muuqda siyaasadda iyo dawladda Soomaaliland, kana mid ahaa jaajuusiintii iyo guulwadayaashii xukuumaddii Siyaad Barre  ayaad mooddaa iyaga oo daboolaya taariikhdoodaa in ay isticmaalaan qabyaalad, siyaasado xagjirnimo ah iyo aflagaaddo inta badan ay u jeediyaan Soomaalida kale.

Waxa kale oo xusid mudan mar dhawaan Warancadde isaga oo ka hadlaya Soomaalida  uu ku tilmaamay Soomaalida koonfureed cadowga koowaad ee shacabka reer Soomaaliland. Iyada oo ay jirto wadahadalada  u socda labada maamul, Soomaaliland iyo xukuumada DFS. Heshiisyo ay kala saxeexdaena labada dhinacna ku sheegay inay abuuraan is faham iyo isiku soo dhawaansho. Sow arrin yaab leh ma’aha in Warancadde oo ku tirsan maamulka Soomaaliland in uu basar xumadaasi ku kaco?

Haddaba farriinta Waranacadde miyaanay u muuqan mid laga dhadhasan karo qabyaalad iyo in ay Soomaaliland tahay meel aan lagu xisaabtamin, oo xataa haddaad jaajuus hore ahaan jirtay, lagagu sharfayo masuuliyad  sare.

Aan u soo noqdo Jen. Cabdillaahi Gaafow oo muddo 30 sano ka badan sida saaxiibkii Warancadde ka shaqaynayay hawlaha ciidankii Nabad Sugidda ee dawladdii hore ee Kacaanka.

Gaafow
Gen. Gaafow

Jen. Gaafow ayaa xilligaas ahaa nin ku caan baxay inuu si sharci darro ah uga qaato lacaga laaluush ah dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u dhoofaya, isagoo ka qaadhaaban jiray gegida diyaaraha ee Muqdisho islamarkaana si gaara u bartilmaameedsan jiray dadka cid madax ahi aanay la socon.

Dadkaas aan awoodda lahayn, Gaafow waxaa uu ka reebi jiray diyaaradda, iyadoo wax walba ay u dhanyihiin haddii aanay siinin lacag baad ah.

Gaafow oo xilligan burburka madax ka noqday waaxda socdaalka laga bilaabo waktiyadii DKMG ee Soomaaliya, ayay taasi u sahashay in basarxumadii halkii ka sii waddo. Waxa  uu Gaafow ka faa’idaystay qandaraasyadii mashruucii lagu cusboonaysiinayay Baasboorka Soomaaliyeed oo sida ay sheegtay warbixin ka soo baxday International Monitoring Group, bishii July, 2013 Baasaboorada Soomaaliyeed ( EPassport ) uu hadheeyay  ganacsiga suuq madoobi.

Basar xumada Gaafow ee xagga ka baayacmushtarka Baasaboorka Soomaaliyeed, oo markaasi ay Qandaraass ku qaadatay shirkad laga leeyahay wandanka Siishelis (Seychelles ) oo lagu magacaabo Just Solution Limited (JSL),  ayuu si ka baxsan masuuliyadii lagu aaminay ugu takri falay  hantidii Soomaaliyeed. Gancsigaasi suuqa madow ee Baasabarikii Soomaaliyeed ayuu hanti badan ka kasbaday Jaajuus Gaafow .

Haddaba waxaa ayaan darro ah in Gaafow oo maanta ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, uu  haddana u tafo xayto sidii uu u dhici lahaa danyarta Soomaalyeed. Waxa hadda soo ifbaxday in gabadh Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Ifraax ay sheegtay in Gaafow uu guri uu qoyskeedu leeyahay xoog ku haysto. Waxaa intaasi dheer in gabadhaas iyo qoyskeedu ay hayaan caddaymo sugan oo sheegaya in hay’adaha garsoorka ee gobolka Banaadir iyo ciidanka Boolisku u amreen in dhulkaasi la siiyo, hase yeeshe illaa hadda uu Gaafow, isaga oo awood ciidan isticmaalaya u haysto hantidii gabadhaasi oo illaa hadda aan waxba laga qaban.

Waxaan rajaynayaa in mas’uuliyiinta iyo waxgaradka reer Soomaaliland iyo Muqdishu ay labadaasi Jaajuus arrimahooda wax ka qabtaan, si looga waantoobo dhacdooyinkaasi iyo dadkaasi oo kale in lagu aamino hawlo qaran.

C/karim C/raxmaan X. Xasan
Email:Abdelh1@hotmail.com
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.