W.Q: Cabdullaahi M. Cawsey Lagama sheekeyn karo sida aqoonta casriga ah “ Science” loogu barwaaqoobay wixii ka danbeeyay markii garashada loo garaabay. Waqtigan la joogo meel kasta adduunka, waxaa laga bogaadiyaa sida aqoonta u tahay barako dadka kaga bogsan karaan dhibaatooyinka nolosha ku lammaansan. Qoraalkan koobani, wuxuu isku dayi doonaa in aqristaha uu la wadaago aqoonta sidaa loo mahadiyay...
Dadaalkii Reer Yurub Ee Far Soomaalida
Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” Reer Yurub oo shantii boqol ee sano ee ugu dambeeyay lahaa ilbaxnimo weyni saamayn baaxad leh ayay ku yeesheen idil ahaan bulshooyinka kale. Inagguna haddii aynu soomaali nahay taa ka ma aynnaan badbaadin xumaanteeda iyo wanaaggeedaba. Si aynu haddaba isaga caabbino faragelintooda iyo islaweynidooda waa aynu colaadinnay oo xumaantooda uun eegnay....
Maakhir: Wanaagga Talo wadaagga
W/Q Cismaan Maxamud (Foodcadde). Shir beeleedku waa hab dhaqanka iyo hannaanka soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed leedahay, ayna ku maarayso dhacdooyinka ugubka ah ee waayaha aaduunku keenaan. Shirarka ama tala wadaaggu waa hab dhaqanka suubban ee ummadda soomaaliyeed la wadaagto ummaddaha kale, waxaana lagu gorfeeyaa xaaladda markaa taagan iyo dhacdooyinka saameeya masiirka ummadi leedahay....
Umul dooxa keeniya
W/Q Xasan M Huruse Waxan kasoo gudbay xuduudka Kenya muddo laga joogo 22 sano. Goor galab ah ayaannu aniga iyo Shan dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo aan ka mid ahay ugu nimi nin da’a wayn oo reer miyi ah meel aan ka dheerayn duleedka magaalada Gaarisa. Haddaannu is waraysannay oo aanu cabaar la fadhinay, ayaa Odaygii...
Mala’awaal: Silsilad gabay
W/Q. Axmed Khaliif Qormadani waa silsilad laga matalayo siyaasiyinta Soomaaliyeed iyo dooddaha dhex yaalla oo lagu cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen. Haddaba Nuune Madoobe, ahna mas’uulka hadda sheegtay madaxweynaha lixda gobol, ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe.Wuxuu yidhi Nuune; Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay’e Ninka garan halkaad degi jirtaan...
Somaliland: Nemeri Hoygii Waa Badweyn
W.Q. Maxammuud Cali Geeldoon Waxaan ahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Reer Woqooyi ah. Waxaan aamminsanahy midnimada qaranka Soomaaliyeed. Soomaalinnimada aan ku dhegganahay waxay igu gashay Reer Woqooyi dhexdii, sidaa darteedna waxaa iskaga kay maran Reer Woqooyinnimada iyo Soomaalinnimada. Ku-taamidda midnimada Soomaaliyeed igama aha sandulleynta Somaliland ee waxaan ii cuntami karayn Soomaaliya Woqooyi ka maqanyahy. Sidaa si...
Fursad (Sheeko Gaaban)
W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Habeenkii oo dhan laba indhood isumaanu keenin. Sababtu ma ahayn kiilihii Awadaayga ahaa ee uu fiidkii ka findhicishay, oo aalaaba jaadku dhib uma keeno oo wuu ka seexdaaye, wax kalaa jira. Cirka sida lamafilaanka ah caawa isqabsaday, roobka iyo raxmadda Eebbe shubay darteed, ayuu hurdo uga caagay. Ma ahan inuu barwaaqadan...
Heshiisiinta Labada Dhawaaq ee ‘Dh & R’
W.Q. Cabdirisaaq Baraag Hordhac Qormadani waxay daba socotaa, kana dhalatay qormo hore oo uu qoray Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Qormadiisa Cabdiraxmaan waxuu cinwaan uga dhigay ‘Xeerarka Fagaasa Labada Shibbane ee ‘Dh’-a iyo ‘R’-a’. Waxaa 28dii Juun, 2013 lagu soo daabacay shabakadda WardheerNews.com1. Fikirkiisa oo Cabdiraxmaan u janjeera in erayga ‘gabar’ noqon karo khalad, xeer aanse wali...
Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada (Sheeko Gaaban)
Qore: Cabdullaahi Janno Gabadhu waxay hor taagneyd ardayda fasalka. Waa xiisaddii Suugaanta Soomaalida. Buug ayaa u kala furnaa. Qoraal shaqo-guri ahaan loogu diray ayay diyaar la aheyd inay akhriso. “Macallin cinwaanku waa ‘Dooddii Faraha iyo Gar-naqii Dawacada,’” ayay tiri gabadhu. Waxay xirneyd jilbaab madow oo isku joog ahaa kaas oo soo saaray midabkeedii dahabiga ahaa. ...
Muuqaal iyo Maqal: Qaran Jabka Soomaaliyeed
W/Q Faysal C. Rooble Baryahan dambe waxa soo kordhaya dhaqan xumo iyo bratakool la’aan looga bartay madaxda Soomaaliya marka aay la xaajoonayan dalalka kale ee ay diblomaasiyadda wadaagaan. Astaamaha aan hoos ku sharixi ayaa ka tarjumaya qaran jabka iyo is-quudhsi maskaxda ka galay madaxda dalka (Afrax, 2002).[i] Hadii maskaxda iyo maan aad ka dulowdana waa...



