W.Q. Cabdirisaaq Baraag
Hordhac
Qormadani waxay daba socotaa, kana dhalatay qormo hore oo uu qoray Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Qormadiisa Cabdiraxmaan waxuu cinwaan uga dhigay ‘Xeerarka Fagaasa Labada Shibbane ee ‘Dh’-a iyo ‘R’-a’. Waxaa 28dii Juun, 2013 lagu soo daabacay shabakadda WardheerNews.com1.
Fikirkiisa oo Cabdiraxmaan u janjeera in erayga ‘gabar’ noqon karo khalad, xeer aanse wali la hubin waxuu ku xusay in ay la qabaan dad kale oo ay ku jiraan kuwo caan ah, sida: AUN2 Macallin Max’ed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye3’ iyo Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal4.
Cidda akhrida qormada hore waxay si fudud u fahmi kartaa meesha sartu ka qurun santahay. Qoraaga qormadu asagaa qiray in luuqadaha caalamka qaarkood ay ku jiraan erayo wadartooda iyo kelidoodu aad u kala duwan yihiin. Waxuu tusaale ka soo qaatay luuqadda Ingiriisiga. Waxuu yiri micne u dhaw, ‘haddii ‘girl’ jamaceedu yahay ‘girls’, ‘woman’ jamacdeedu waa ‘women’ ee ma aha ‘womans’’. Taasi waa sax, waana tusaalahaan soo qaadan lahaa oo uu iga boobay.
Haddaba, aan soo qaato labada eray ee uu is barbar dhigay si uu u muujiyo guusha xarafka (dhawaaqa) ‘dh’ taagan tahay iyo gabaahirigta ‘r’ dhex dabaalanayso. Anigoo qaba dood taas ka duwan, haddana waan qirayaa inay tahay dedaal uu Cabdiraxmaan la yimid kuna mahadsanyahay inuu soo bandhigo siday isaga la tahay. Waxaan se leeyahay, ‘aa la tahay’.
‘Gabar’ mise ‘Gabadh’?
Labada dhawaaq ee ‘dh’ iyo ‘r’ waxaa iska horkeenay oo u qaba inay isku mid yihiin oo midkood la isticmaalo, midkoodna meesha laga saaro, dadka dhawaaqa Dh-da la dhacsan. Waxay badanaa is weydiiyaan midka saxan in la isticmaalo ‘dh’ ama ‘r’ marka laga hadlayo labada eray ee ‘gabar’ iyo ‘gabadh’. Si ay su’aashaas uga jawaabaanna waxay kaloo is weydiiyaan sida wadar looga dhigayo magaca guud ee ‘gabar’ hadduuba sax yahay. Ma waxuu noqonayaa ‘gabro’?
Haddaba anigu waxaan qabaa dood taas ka duwan. Dadka i weydiiyay bal sida wadar looga dhigayo magaca ‘gabar’, waxaan iyana su’aalayaa bal sid keli looga dhigayo magaca ‘hablo’. Ma waxaa la oranayaa ‘habal’?
Haddada, ‘gabdho’ ma’aha wadarta ‘gabar’ ee waa wadarta ‘gabadh’. Waxaana taas u sababaynayaa haddiiba uu Soomaaliga ku jiri karo eray aan keli lahayn sida ‘hablo’, maxaa u diidaya ereyga ‘gabar’ inay ku jirto iyadoon wadar lahayn, sida ereyga inan (ta) aanay iyana wadar u lahayn oo kale.
Erayga ‘gabar’ ma laha wadar haddii la doono. Marka la doonayo in laga hadlo ama la qoro gabar waxii ka badan, waxaa la isticmaali karaa ‘hablo ama gabdho. Waxaan kaloon heli karraa inaan heshiisiino ama isu guurino labada magac ee aan midina wadarta lahayn, midina kalida lahayn ee ‘gabar & hablo’ siday u kala horreeyaan. Waxaynu oran karraa wadarta erayga ‘gabar’ waa ‘hablo’. Fikirkaygoo dhan waxaan ku soo ururin karaa shaxda hoose.
| Magac | Jamac | Tusaale |
| Gabar | Hablo | Gabar yar baa saaka iga raacday hablihii Nagaardaale cawska u doontay. |
| Gabadh | Gabdho | Gabdhihii cawska doontay gabadh baa ka hadhay/hartay. |
Waxaan kaloo dooddayda ku bojinayaa in Soomaaliga laga heli karo erayo kale oo aan wadar lahayn ama kali lahayn, sida: inan(ta), dumar, carruur iyo kuwo kale. Sidoo kale waxaa iyana jira ereyo badan oo kelidooda iyo jamacoodu aad u kala tagsanyihiin.
‘Dh’-da iyo ‘R’-du way is badbadalaal gobollada qaarkood (eeg hordhaca ‘Qaamuuska Af-Soomaaliga’ ee uu qoray AUN Yaasiin Cusmaan Keenadiid 1976), sida:
® R –(r/dh): ‘Soo fadhiiso = soo fariiso (Gobollada Waqooyi Bari (P/land))’.
® Dh –(dh/r): ‘Soo martay = soo madhay (Gobollada Waqooyi ((S/land))’.
Ugu dambeystii in ereyada qaarkood uu qofba sida uu doono ugu dhawaaqo R ama Dh lama odhan karo midbaa khaldan midna waa sax, ee waxaa lagamamaarmaan ah in Soomaalidu ay ka heshiiso ( haddiiba ay ka heshiin karto) midka asalka noqonaya qoraaal ahaan in la adeegsado Dh ama R iyadoo uu qofba sida uu u bartay ee degaankiisa looga hadlo ugu dhawaaqayo.
| 1Link: https://wardheernews.com/xeerarka-fagaasa-labada-shibbane-ee-dh-a-iyo-r-a/2AUN = Allaha U Naxariistee3Macallinkaygii Suugaanta Jaamacadda Camuud 2008/94Guddoomiyiihii Guddigii 1aad ee qoridda Far Soomaaliga 1960 |
W.Q. Cabdirisaaq Baraag
E-mail: ibnbaraag@hotmail.com
