Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 53
Post

TUSAALEYAAL KAMID AH HAL-CURINTA BOON XIRSI (Q.2aad)

W.Q. Cabdixakiin Marayare Ilaahay ha unaxariistee waxa dhawr toddobaad uun inaga sii maqan shakhsiyad aynnu jeclayn,Boon Xirsi. Xawdkii Nebiga ka cab oo u farax sidii aad dhaaxa nooga farxisey aynnu nidhaahno. Waxa jira Jacayl  nolosha Boon Xirsi raadeeyey iyo waraaqo daboolan oo uu Hargeysa ka diray, kuna hagaajiyey Xeebtaas Jabbuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti. Laba...

Post

Natiijada Doorashada Dadban iyo Filashada Shacabka Soomaaliya

W.Q. Axmad Cabbaas Axmad (Gacma Gaab) Odhaahda Tifaftirka: Qormadini waa daraasad ku aadan doorashada dadban ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya dhawaan iyo filashada shacabka. Daraasaddan waxa si wacan u soo diyaariyay una qoray Cabbaas Axmad oo barre sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kuliyadda Dhaqaalaha 1979 -1981, islamarkaana ka mid ahaa gudiggii farsamo...

Post

Seygii Saaqidka ahaa (Qaybtii 10aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane Muddo gaareysa laba maalin iyo laba habeen ayaan badda dhex heehaabeynay. Talo iyo tabar toona ma hayno. Qof walba waa quustay, oo wuxuu isku dhiibay geerida noo gacan haadineysa. Cid far nuuxin karta naguma jirin, waayo waa wada itaal gabnay. Kol aan quus iyo qaatibillaahi taaggannahay, ayaa waxaan aragnay nal iftiimaya, oo...

Post

Taariikh Nololeedkii Abwaan Boon Xirsi (AHUN)

W.Q. Ibraahim Cali Axmed Waxaan maanta halkan idinku soo gudbinayaa intii aan ka garto ama ka xasuusto AHUN Marxuum Abwaan/Jilaa  Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi Bowdya Gaab) oo 17.12.2016 si kedisa ugu geeriyooday magaalada Hargaysa oo uu daganaa Taariikh noololeed kiisii iyo tariikhdiisii faneedba. AHUN Abwaanku waxa uu ku dhashay miyi, gaar ahaan deegaanka Balligubadle,...

Post

Xamar iyo Xalab

W/T. Dr. Khadar Jama Xamar iyo Xalab labaduba xanuun leh. Xalabeey kumaan ilaawin, laakiin xorbaan ahayn ee xaal qaado. Xubnihii jidkaygoo Middi lagu xafsiiyaa Xalab iiga dhigantahay Xeeli waa halkeedee Xoog aan u fidiyiyo Xoolo aan ku deeqana Xamar baan ka joogaa Iyadana xasuuqiyo Xinjiraa ku daatoo Xasilooni kuma ogi Marka aan xoroobee Xamar soo...

Post

Xasan Sheekh ma muddan yahay in mar kale la soo doorto?

W/Q: Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan Soomaaliya waa inay heshaa dowlad shaqayneysa, wax badan baa ii kordhay intii aan madaxweynaha ahaa  – Xasan Sheekh. Burburkii dawladdii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya horaantii 1991, waxa ay sababeen barakaca dad lagu qiyaasay 2 milyan oo Soomaali ah oo maanta ku kala baahsan dhammaan caalamka. Barakacaasi ma...

Post

TUSAALEYAAL KA MID AH HAL’CURINTA BOON XIRSI! (Q- 1aad)

W|Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare” HORDHAC Xuseen Xirsi Caddib, Boon Xirsi bay dadku u garan ogyihiine, waa Hal’abuurrada Fanka iyo Suugaanta Soomaalida kuwa ugu magac weyn. Horraantii toddobaatannaadkii buu Caweysyadii Fanka iyo Suugaanta kamid noqday. Boon Xirsi waxa uu beryahaa ka soo muuqday Masraxyo dhawr ah oo aynnu ka xusi karro: Dumistii aqalkayga iyo arooskii...

Post

HALKA SARTU KA QURUNTAY!

W/Q. Luul Araweelo Kulmiye Hiigsiga 2016 waxaa qayb ka ahaa in la habeeyo doorasho toos ah oo qof iyo codkiis ah, mase hirgelin oo waxaa xal noqotay in la abuuro qaaciidooyin horseedi kara isku dhafnaanta doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Taas oo loogu magac-daray “Doorashada Dadban” oo iminka lagu gudo jiro fulinteeda....

Post

Badbaadintii Ku-Xigeenkiisa: Dhacdo Dhab ah

WQ: Cabdirisaaq Saalax Sheekada: Maxamed C/laahi “Carab …من قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ… Qur’an Kareem, Suratul Maa’idah, Aayadeeda 32-aad Marka uu kula hadlo ayaad dareemaysaa, in ay Afkiisa wax ka qaldan yihiin. Haddiiba uu u ho’llado in hal kelmed yidhaa, waxaad...